Home » Warar »

Amiirka Kuwait oo casho sharaf u sameeyey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG

 iyo RW Abdiweli oo Jaaliyadda Kuwait la hadlay
Warsaxaafadeed:
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo beryahan ku sugnaa Kuwait ayaa caawa waxaa casho sharaf u sameeyey Amiirka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah. Casho sharaftan ayaa waxaa kaloo ka soo qeybgalay Madaxweynaha Dalka Mangolia, Amiiro, Ra’iisul Wasaaraha Kuwait, golaha wasiirada, iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali iyo Amiirka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen xiriirka labada dal iyo sidii Kuwait ay u saacidi laheyd shacabka soomaaliyeed.
Wasiirka Howlaha Guud, Guryeynta iyo Dib-u-dhiska Jeylani Nur Ikar ayaa ka hadlay goobta kuna soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Jaaliyadda Kuwait la hadlay kana qeybgalay xaflad ay Jaaliyadda Kuwait u soo abaabuleen si heer sare ah. Xafladan ayaa waxaa ka hadlay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kuwait, Guddoomiyaha Jaaliyadda Kuwait, isla markaana lagu soo bandhigay waxqabadka Jaaliyadda iyo Safaaradda Kuwait. Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer ka jeediyey xafladdan ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, isla markaana uga mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait, hay’adaha Gargaarka iyo Dowladda Kuwait sidii dhaqsida aheyd ee ay ugu soo gurmadeen shacabka soomaaliyeed xilligii macluusha ba’an ay ka jirtay dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Jaaliyadda in Shacabka iyo Dowladda Kuwait ay si heer sare ah u soo dhoweeyeen isaga iyo guddigiisa, isla markaana ay dhammaan ujeedooyinkii uu u yimid ay wada hirgaleen.
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey jaaliyadda horumarka baaxadda leh ee ay Dowladdu ka sameysey arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta, xiriirka maamulada iyo DFKMG ah, maamul wanaaga iyo in dowladdu ay ka go’antahay meelmarinta Roadmap ka.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.