Home » Warar »

Hayadaha CRD iyo M2A Dood Cilimiyeed ku aadan Nabadda iyo Dib u heshisiinta u qabtey Qaybaha Warbaahinta Muqdisho

Waxaa Xarunta CRD Magaaladda Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Dood Cilmiyeed ku saabsan sida Saxaafadda ay uga qayb qaadan karto Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta waxaana soo qaban qaabiyey Hayadda Wada Xaajoodka iyo Cilmi Baarista CRD Center Reach and Dialogue oo gacan ka haleysa Hayada lagu Magacaabo M2A Media (Massage Audience) waxaana Saddexdii Maalmood ee uu socdey lagu baranayey habka Warbaahinta uga qaybqaadan karto Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta.

Cabdi Shakuur Cali oo ah Madaxa Hayadda M2A oo Gabagabagabii ka Hadley Siminaarkaas ayaa sheegey in Hayadooda ay ku tala jirto in ay qabto Doodo KU AADAN Nabada iyo Dib u Heshiisiinta isagoo sheegey in arrintaan ay la kaashanayaan Hayadda CRD sidoo kale CabdiShukuur wuxuu sheegeyin Warbaahinta Soomaaliya looga baahan yahay in ay xooga saarto Wararka ka qaybqaadanaya Nabadda iyo Horumarka isagoo sheegey in Shacabka soomaliyeeed ay Xiligaan aysan u baahneyn warar ku aadan Colaadaha iyo Dagaaladda wuxuu kaloo uu sheegey in ay Gacan ka geysan doonaan sidii ay Tababar u siin lahaayeen Milkiilayaasha Warbaahinta si iyana u fahmaan Qiimaha Nabadda iyo Dib u heshiisiinta.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Agaasimaha Hayadda CRD Xuseen Jimcaale oo sheegey in Hayadda CRD ay u qorsheysan tahay sidii Warbaahinta Soomaaliyeed looga weecin lahaa Wararka ku saabsan Xasaradaha iyo dagaalada loona weecin lahaa wararka ku aadan Dib u heshiisiinta iyo nabadda islamarkaana Shacabka ay u Bari lahaayeen wararka Wadankooda dhisayaa

Waxaa sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Danjire Caalin oo ah Gudomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Carigga Ingiriiska isagoo sheegey in Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadagha ay aad u dhifsadeen wararka ku saabsan Colaadaha isagoo u so jeediyey Warbaahinta in ay qayb qaadato Wararka ku saabsna Adeegyada Bulshada si Bulshada Soomaaliyeed ay uga Baxaan Wararka dhaawacaya Nabadda iyo Dib u heshiisiinta.

Xasan Shiikh Maxamed oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Horumarka iyo Nabadda ayaa isna u soo jeediyey Warbaahinta Soomaaliyeeed in ay u Midoobaan sidii dalkooda ay u dhisi lahaayeen islamarkaana meel iska dhigaan wararka wax hurinaya waayo Saxaafadda waa midda Bulshada ku hagta wada toosan ee lagu gaari karo Nabad iyo Dib u heshiisin wuxuu sii raaciiyey “Shacabka Muddo laatan sanno ay ayaan u sheegeyseen warar Dareenkooda Kiciya marka waa in aad joojisaan wararka Buslahada ay ka argagaxayaan ee aan marnaba u daneyneyn Nabadda Iyo Dib u heshiisiinta

Devid kahura oo ah Senior-Editor Star News Paper oo u dhashaay Wdanka Kenya kana mid ah Macalimiintii wax ka dhigeysey Siminaarkaas ayaa waxaa aad ugu dheeraadey Saxaafadda Kenya oo uu sheegey in markii la isku qabsadey Doorashaddii Kenya 2007 ay Warbaahinta Kenya ay la kala safteen Labadii dhinaca ay isku hayey Doorashada taasoo kala qaybsanaan ku dhex Abuurte Saxaafadda Kenya in ay dib u Midowdo Warbaahinta Kenya waxaa aas Aaskeeda lahaa Malkiilayaasha Warbaahinta kuwaas oo ka shaqeeyey in markii dambe ay hal meel uga wada soo jeestaan is qab qabsigii ka dhex jirey Dhinacayadii isku hayey Doorashada waana midaas in iyaga is badbaadiyaan Shacabka Kenyana badbaadiyaan marka waxaa looga baahan yahay Saxaafadda Somaaliyeed in ay u midoobaan islamarkaana dalkooda ku wajahaan wadada Nabadda iyo Dib u heshiisiinta “ayyu yiri David Kahura

Dood Cilmiyeedkaan waxaa soo xirey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta yo Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdulaahi Bile Nuur oo u mahadceliyey Hayaddaha CRD iyo M2A oo uu sheegey in ay Warabaahinta qaybaheeda kala Duwan ay u qabteen Tababar ka qaybqaadanayaan Nabada iyo Dib u heshisiinta isago kula dardaarmey kuwa aan fursada u helin Tababarka in iyana uga faaiideeyaan kuwa aan helin Siminaarkaan .

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Furitaankii Dood Cilmiyeedkaan ayaa waxaa goob joog u ahaa Madaxa Hayadda CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle,Agaasimaha Warfaafinta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdirisaaq Bahlaawi iyo Xubno kale iyadoo Intii ay socotey Dood Cilmiyeedkaas ka qayb galayaasha ay daawadeen Filim lagu Magacdarey Cali Cawrala oo ka hadlyey waxa la yiraahdo Quursiga

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.