Home » Warar »

Dowladda Kenya oo Markii ugu Horeysey Qiratey in ay Askar ku l’adahay Gudaha Dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo maalmahaan qarineysey in Askar Nool ay ku la’ yihiin Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah ciidamkeeda ay ku ladahay dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada Xarakada Al-shabaab, isla markaasna looga dilay ciidamo gaaraya 6-askari.

Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhigga dowladda Kenya ayaa sheegay in askar nool ay ku la’yihiin dagaal ay doraad la galeen ciidamada Xarakadda Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kale dagaalkaasi iyo kii ka sii horeeyay ee ka dhacay deegaanka Xayo ee Gobolka J/Hoose looga dilay askar gaareysa 4-askari, kuwo kalena ay ku layihiin halka ay jaan iyo cirib dhigeen nolol iyo geeri.

Xarakadda Ashabaab ayaa sheegetey in Dagaalkii ka dhacay Xayo ay ku dileen ilaa 120 Askari oo u badnaa kuwa Dowladda Federaalka sidoo kale waxay sheegeen in ay halkaa ku soo qabsadeen ilaa 12 Gaari oo kuwa Dagaalka ah islamarkaana ay la wareegeen Tuuladda Xayo oo la sheegey in ay u dhawdahay Degamadda Afmadow .

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhiga ee Dalka Kenya wuxuu sheegey in Dagaalkii kasocdey Deegaano ka tirsan Gobolka Jubada hoose uu u muuqdo mid sii adkaanaya isla markaana Xarakadda Alshabaab ay bilowdey Dagaal ka duwan kuwii hore oo si weyn looga soo shaqeeyey islamarkaana u eg mid Jabhadeyn ah sidoo jkale wuxuu sheegey in Ciidmadda Xarakadda Alshabaab ay yihiin kuwo aan lahayn saldhig loogu soo hagaago.

“Deegaanka Xayo waxaan ku la’nahay 4-askari, sidoo kalena waxaa naloo sheegay in askar gaareysa afar lagu dilay dagaalkii ka dhacay Xayo ee lala galay Al-shabaab, laakiin waxaa xusid mudan in Al-shabaab dagaalkaasi looga dilay askar badan oo ay ku jiraan horjoogayaal, waxaana idiin sheegayaa in hadda Al-shabaab ay burbureen saraakiishoodana ay kala baxsanayaan” ayuu yiri Mr. Major Emmanuel Chirchir

Aafhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda Kenya Emmanuel Chirchir waxa uu sheegay in Al shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen deegaanka Xayo oo ay saldhig ku lahaayeen ciidamada Kenya, ka dibna ay si gaadmo ah uga dileen ciidamo, laakiin markii dambe iyagana laga dilay askar badan, goobtiina ay isaga baxsadeen, waxa uu sheegay sidoo kale in in howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya uu u muuqdo mid aan dhamaad laheyn isla markaana wuxuu beeniyey in Dowladda Kenya ujeedada Soomaaliya ay u weerarey ay tahay in ay qabsadaan Magaaladda Kismaanyo , isagoo sheegey in marka ay Howlagalkooda dhameeyaan ay dib ugu soolaaban doonaan Dhulkooda .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.