Home » Warar »

Kusimaha R/wasaaraha iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta kulan la qaatay Naafada Soomaliyeed

3-da December oo ku asteeysan maalinta naafada aduunka ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Muqdisho, iyadoona xaflad si heer sare ahloo soo mariimay oo ay soo agaasimeen maamulka gobolka Banaadir lagu qabtay isla xarunta maamulkaasi, ayna kasoo qeyb galeen masuuliyiin sar sare oo katirsan dowladda Soomaliya.

Waxaana kulankaasi kasoo qeyb galay kusimaha R/wasaaraha xukumadda mudane C/wahaab Ugaas Xuseen, Xildhibaano iyo masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.
Qeybaha naafada Soomaliyeed iyo fanaaniinta hobolada Waabari oo soo bandhigay madadaalo iyo guubaabooyin ka tarjumayay daryeelka ay ubaahan yihiin qeybaha naafada Soomaliyeed.

Waxana ugu horeyn munaasabaddaasi hadal kasoo jeediyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay wax u qabashada dadka naafada ah.

?Sidaad ka warqabtaanba qeybaha naafada Soomaliyeed waxey ka shaqeyn jireen xafiisyada dowaldda, warshadaha iyo ganacsiyada gaarka ah, taas badalkeeda maanta waxey ku dhibaateysan yihiin dariiqyada iyo xaafadaha Muqdisho? ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ka codsaday dadka Soomaliyeed ineysan ugu yeerin dadka naafada ah qofba halka uu la?yahay sida dhageey iyo lugeey oo kale, loona baahan yahay in bulshada ay gacan siiso kuwa lixaadkooda kala dhantaalan yahay.

Halkan hoose kadhegeyso Codkii Gudoomiyaha G/banaadir

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/Codka_gudoomiyaha.mp3]

Kusimaha R/wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga mudane C/wahaab Ugaas Xuseen, ayaa gaba gabadii munaasabaddaasi hadalo qiimo badan u jeediyay boqolaal dadka naafada ah oo maanta kasoo qeyb galay xaflad loogu qabtay hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay muhiim tahay gacan siinta dadka cuuryaamiinta ah.

C/wahaab Ugaas Xuseen ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo munaasabaddaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xukuumaddu ay mundaan gaar ah siin doonto sidii dadka naafada ah ay u heli lahaayeen xuquuqdooda isagoo intaa ku daray in daryeelka ay helaan naafada G/Banaadir ay tusaale u tahay naafada kale ee ku nool gobollada.

?dadkeena cuuryaamiinta ah waxey la mid yihiin cuuryaamiinta caalamka, shacabka Soomaaliyeed ayeeyna la mid yihiin? ayuu yiri mudane C/wahaab Ugaas Xuseen, kusimaha R/wasaaraha dalka ahna wasiirka ganacsiga.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Boqolaal ka mida qeybaha naafada Soomaliyeed oo isugu jiray Indhoolayaal, Lugoole yaal, kuwo ganmaha ka go?an iyo kuwo lagu riixayo gaari ama kursi, oo dhamaantoodba ka koobnaa qeybaha bulshada sida dad waaweyn, haween, dhalinyaro iyo carruur, ayaa Qof u hadlay dadkaasi cuuryaamiinta ah.

Waxa uu ka dalbaday dowaldda Soomaliyeed iney usoo jeesato wax u qabashada dadka itaalkooda uu kala dhantaalmay, iyagoona sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ku amaanay doorka maamulkiisa ee baraarujinta iyo wax u qabashada dadka cuuryaamiinta ah.

Waxaana gunaanudka munaasabaddaasi laguddoonsiiyay cuuryaamiintii ka soo qeyb gashay kaarar lagu qaato oo ay ugu deeqday hayadda Qatar Charity kadib markii guddoomiyaha gobolka uu ka codsaday iney gargaaraan naafadaasi.

Mohamed Yusuf
Press Officer office of the Mogadishu Mayor,
Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.
Mogadishu-Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.