Home » Maqaallo »

Jawaab qoraalkii Saahid ee “imam axmed bin xambal oo shabaab lacnaday”

NIN LA BAXAY SAAHID OO NABIGA IYO SAXAABADIISIIBA CAAYEY —

WAXAAN AKHRIYEY FAALLO UU KU QORAY BOGGA WWW.SOMALITALK.COM Thursday, November 24, 2011. Faalladu waxaa cinwaan u ahaa (imam axmed bin xambal oo shabaab lacnaday) laakiin anigu cinwaankiisa iyo faalladiisa oo dhan kama wada hadlayo. Waxaan ka hadlayaa hal qodob oo kamid ah hadalkiisii waxaanan u qoray sidaan soo socota.

shabaab haddii wax laga sheego dad baa kaaga horreeyey ahludiin ah oo taqwa iyo cilmi lagu yaqaanno oo una nasiixeeyey. Haddey qaataan iyagey anfaceysaa haddey diidaanna waa musiibo aan ilaahey ka baryeyno inuu noo yasiro. Taasu waa baab.
laakiin hadalkaaga ayadoo ay suuro gal tahay in qaladaad kale ku jiraan ayaan anigu ka doortay hal qalad oo aaaaad u foolxun waxaad ku tiri maqaalkaaga:

(SE Akhristoow anniguna oo 1500 sano kadib imi ayaan dhaar ku marayaa in aan tukan lahaa oo
taas ayaan ii dhadhamaysa , mar naba qolofta mooska ima sirteen ee macnaha lubigu tilmaamaayo ayaan malabsan lahaa)
hadalkaagaas waxaa ku jira dhowr khalad.

1. inaad durtay saxaabadii nabi muxammad qaarkood oo aad ku durtay wax uu u qiray nabigu inay wanaag ahaayeen. waayoo markii nabi Muxammad loo sheegay waxa ay sameeyeen labada qolo ee ah dukashada iyo dukasho la’aanta intii aan lagaarin meeshii loo socday nabi Muxammad ma uusan ceebeynin midkoodna. adiguna waxaad ku sifeysay inay yihiin dad qolofka ku sirmay (sidii dad cunay qolof moos ookale meeshay doqonnimo ka gaareen) oo aan fahmin macnihii macaanaa ee hoose.

2. A. waxaad durtay nabi Muxammad waayo nabigu midkoodna khalad (qolofmoos cunis) kuma xukumin oo wuu u qiray inay wanaag sameeyeen. marka inaad adigu nabi Muxammad ka cilmi badan tahay ayaad iska dhigtay oo wax uusan fahmin aad adigu fahmeysid. (B) waxaad nabi muxammad hadalkiisii ku sheegtay qolof moos. waa duris aad durtay waxyigii ilaahay ee nabi muxammad soo gaarsiiyey umadda. Waayo nabi muxammad ayaa hadalkaas yiri markii saxaabadii ay qaateen daahirkiisana ma uusan ku ceebeynin oo wuxuu qiray inay khayr sameeyeen. Adiguna sunnadaas nabi muxammad ayaad ku sheegtay qolof moos cunis.

3. waxaad sheeganeysaa inaad saxaabadii nabi Muxammad kaga aqoon iyo dhuuxid badan tahay waxyigii ku soo degay nabi Muxammad iyaga oo la jooga. oo ay ilaahay iyo rasuulkiisa iyo umadda muslimiinta ahiba ku ijmaaceen inay iyagu yihiin kuwa umaddan ugu cilmiga badan diintii ilaahay nabiga kadib.

sidaa darteed hadalkaagu uma eka hadal qof mu’min ah uu ku hadlo. waxa sidaa nabi muxammad iyo asxaabtiisa ugu afxumoodana waa la yaqaannaa.
Cayda nabi muxammadna wad ogtahay meesha sharcigu gaarsiiyey inaysan cudurdaar lahayn ee ay tahay kufri diinta looga baxayo.

Waa tuu yiri ilaahay: (Ma ilaahay iyo aayaadkiisa iyo rasuulkiisaad ku jeesjeeseysaan. Ha cudurdaarannina xaqiiqdii wad gaalowdeen imaankiinnii ka dib) qofkii nabiga caayey saxaabada ku daray oo warkaasi kasoo yeeray bal u fiiri aayaddaan.
Cayda saxaabadana. Nabi Muxammad wuxuu yiri: ( ha caayina asxaabteyda. Haddii midkiin uu bixiyo uxud wax la mid ah oo dahab ah ma gaari karo hal mud oo midkood uu bixiyey iyo nuskiisa) waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.

Waxaan ognahay in usuusha ahlusunna waljamaaca ay ka mid tahay in jeceylka saxaabadu iyo in la weyneeyo iyo raali ahaansho ilaahey loogu duceeyo uu yahay waajib. Waayo waxay la saaxiibeen oo hiiil iyo hooba la garab istaageen nabigii anbiyada ilaahay u dambeeyey waxay goobjoog u ahaayeeen soo degistii waxyiga. Sidaa darted cid kasta oo ka dambeysay iyaga ayaa kaga ogaal iyo dhuuxid iyo faham fiican waxyiga ilaahay oo ka kooban kitaabka iyo sunnada.

Waa kuwii uu ilaahey ku amaanay kitaabkiisa aayado badan oo kamid ah. Nabiguna uu ku ammaaney sunnadiisa axaadiis badan. Intaasaa ugu filan darajo iyo amaan.

Allaah sw wuxuu yiri: {kuwii (islaamka) u hormaray ee ahaa muhaajiriinta iyo ansaarta iyo kuwa iyaga wanaagga ku raacay Allaah ayaa raalli ka noqday iyaguna ilaahay ayay raalli ka noqdeen ………}
Wuxuu nabi muxammad yiri: ( qarniyada waxaa ugu khayr badan qarnigeygan (dadka nool) waxaa ku xiga kuwa iyo xiga ……)
Waxaan ognahay in caqiiddada ahlusunna waljamaaca ay ka mid tahay in qofna uusan munaafiqnimo (uur ka gaalnimo) beri ka noqoneynin illaa uu saxaabada nabiga iyo ahlubeytkiisa uu wanaagooda iyo sharaftooda iyo fadligooda iyo darajadooda ictiqaadiyo. Oo uu ka ilaaliyo wax walba oo nuqsaan ah.

Al imam abuujacfar aldhaxaawi. Wuxuu yiri: (qofkii wanaag ku sheega asxaabtii rasuulka iyo xaasaskiisii nadiifka ka ahaa wax kastoo wasaq ah. Iyo durriyadiisii laga dahirey qurun kasta wuxuu qofkaasi beri ka noqday munaafiqnimo)
Sidaa darted ayaa lagu duraa in shiicadu ay tahay baab zandaqo (diin la’aan)waxaan shaki lahayn qofkii saxaabada caaya inuu ugudbayo cayda ahlubytka nabiga iyo nabi muxammad nafsaddiisa sida hadalkaagaba laga dhadhaminayo.

Sidaa dartiid waxaan leeyahay Saahidow waxaa kaa soo yeeray hadal qof aan mu’min lagu sheegi Karin uu ku hadlo haddaad is ogtahay iyo haddi kaleba.

Ilaahay hanna siiyo hanuun iyo toosnaan

Qoraaga iskaleh qoraalka magiciisa iyo E-mailkiisa
Nuur Ally
nuurally@live.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Jawaab qoraalkii Saahid ee “imam axmed bin xambal oo shabaab lacnaday” "

  1. cabdiraxman says:

    ASC WR WB JAZAAKALAAHU KHAYRAL JAZAA ILAAHAY HA KUU SIYAADIYO ANAGANA HA NA BARO DIINTA OO DADKA HA FAHANSIIYO OO HA INAGA DHIGO FAQIIHIIN FI DIIN WAAYO QOFKA ILAAHAY KHAYR LA DOONO DIINTA AYUU SI SAX AH U FAHANSIIYAA ALLAHUMA AAMIIN AAMIIN AAMIN MARKALE ILAAHAY HA KUUGU DARO MIISAANKA XASANAADKA WSC WR WB

  2. asc

    Walaal Nuur,aad iyo aad ayaad u mahadsantahay.Alle hakaa abaal mariya,xaqqa aad bayaanisay.

    Ninkan Saahid la yiraahda waa nin tagay,waxaa igasii yaabiyay wuxuu wataa Shiikhnima oo uu isku magacaabay.Cajiib!!
    Xikmad xumi iyo taqwa la’aan oo tan ma lamid ah weligey ma arkin.
    asc