Home » Warar »

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo cambaareyn kulul dusha uga tuuray kuwii ka dambeeyay qaraxii maanta lala eegtay haween ka shaqeynayay Nadaafadda magaalda Muqdisho.

War saxaafadeed lagu cambaareynayo Qaraxyada Muqdisho gaar ahaan kii barqo nimadii maanta lagu beegsaday haween ka shaqeynayay nadaafadda demada Dharkinleey ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdiso ayaa si kulul loogu cambaareeyay qaraxii maanta lagula beegsaday xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkiinleey haween ka shaqeynayay danaafadda degmadaasi.

mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta markii qaraxaasi foosha xun uu dhacay kadib booqday goobti uu ka dhacay ayaa sheegay inuu aad iyo aad uga xunyahay , islamarkaana uu cambaareynayo falkaasi uuna ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah.

?Waxaan dhihi karnaa kuwa miinada u dhigay haweenka ka shaqeynayay nadaafadda Muqdishow waxey kasoo horjeedaan Nolosha reer Muqdisho, waana inaan iska dhicinaa oo aan ka dhii dhinaa falkaas arxan darrada ah?.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdiso mudan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa cod dheer ku cambaareeyay qaraxii maanta lala beegsaday haween ka shaqeynayay nadaafadda degmadooda, kuna eedeeyay kooxa Shabaab.

Ku dhawaan 10-haween ah ayaa la sheegay iney ku nafwaayeen halka tiro intaa kabadana ay ku dhaawmeen kadib markii qarax miinada nooca Remote-ka laga hago lala eegtay xili ay ku guda jireen howlo nadaafadeed.

Sidoo kale muadne Tarsan ayaa cabaareyn dusha uga tuuray qarax waabarigi saaka lala eegtay xarunta Villa Baydhabo halkasoo la sheegay iney ku dhinteen qar katirsan ciidamada dowaldda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa cambaareyntaasi ka sokow kula dardaarmay qeybaha shacabka ee ku dhaqan gobolka Banaadir iney soo sheegaan kuwa qaraxyada arxan darrada ah maleegaya.

Isagoona intaa ku daray in qarax kasta oo dhaca uu qasaare kasoo gaari karo qof kasta oo ka mida dadka magaalada Muqdisho dagan ama ehelkiisaba si taa looga hortagana loo baahan yahay in shacabku ay hayadaha Amniga dowladda ku gacan siiyaan soo sheegidda iyo ka hortagida qaraxyada & falalka amni darro.

Ugu dambeyn war saxaafadeedkan kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hayadaha amniga dalka ku booriyay iney foojignaadaan islamarkaana ka hortagaan qaraxyada lagu dhibaateynayo shacabka.
___________________Dhamaad________________________

Mohamed Yusuf
Press Officer office of the Mogadishu Mayor,
Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.
Mogadishu-Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.