Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kumay Amiir-ka Qatar

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan gaar ah la qaatay Amir ka Qatar His Highness Emir Sheikh Hamad Bin Khalifa Al Thani. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Doha ayaa kala hadlay Amir ka Qatar arrimo farabadan oo ay ka mid yihiin xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska dalka, gargaarka bani’aadanimo iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli iyo Amir ka Qatar waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen arrimo dhowr ah. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa Amiirka uga mahadceliyey casuumaada iyo soo dhoweynta qiimaha iyo qaayaha leh, waxuuna u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu rajoweyn yihiin in Dowladda Qatar ay kaalin fiican ka qaataan dib-u-soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ku wehliyey kulankan Wasiirka Howlaha Guud, Guryeynta iyo Dib-u-dhiska Mudane Jeylani Nur Iikar iyo mas’uuliyiin kale. Amiirka Qatar waxaa isna ku wehliyey kulanka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa beryahan kulamo la yeelanayey mas’uuliyiinta dalka Qatar oo uu horey ula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha Gar-gaarka ee Qatar. Ra’iisul Wasaare Abdiweli waxuu booqasho ku tagey xarunta Aljazeera TV oo halkaas si diiran ugu soo dhoweeyey Agaasimaha Guud ee Aljazeera Ahmed Bin Jassim al-Thani.

…..

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo kulan la qaatay Ardayda Soomaaliyeed ee Qatar

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan qaas ah la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamicadaha dalka Qatar. Kulankan ayuu Ra’iisul Wasaarahu ku xog wareystay ardayda xaaladdooda, horumarka ay ka sameeyeen waxbarashada, caqabadaha heysta iyo isagoo ka dhageystay waxii talooyin ah ee ku wajahan Soomaaliya.

Ardayda oo si saraaxad leh ula hadashay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxey sheegeen inay aad iyo aad ugu faraxsanyihiin kulanka ay la kulmeen Ra’iisul Wasaarahooda waxeyna sheegeen inay doonayaan inay dalka Soomaaliya wax u bartaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa ku ammaanay ardayda kaalintooda firfircoon ee ay ugu jiraan inay dalkooda, diintooda iyo waalidiintoodaba wax u bartaan. Waxuuna sheegay in ardaydu ay yihiin mustaqbalka berri, loogana baahanyahay inay u adkeystaan daruufaha adag.

Sii Hayaha Xilka Safiirka Qatar Mukhtaar ayaa isagana ka warbixiyey Safaarada Soomaalida iyo waxqabadkii ay u qabteen ardayda Soomaaliyeed oo uu sheegay in Amiirka Qatar uu oggolaaday in ardayda Soomaaliyeed la siiyo deeq waxbarasho la mid ah midda ardayda u dhashay Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka jawaabayey su’aalaha ardayda kana codsaday inay ku dadaalaan waxbarashadooda, isla markaana ay maanka ku hayeen inay yihiin hoggamiyeyaashii mustaqbalka dalka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.