Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Hamad Bin Jassim Bin Jabr Al-Thani. Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Qatar ee magaalada Doha ayaa labada Ra’iisul Wasaare waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Qatar iyo Somalia iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo labada shacab.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixin dhameystirin ka bixiyey xaaladda dalka Soomaaliya iyo horumarka baaxada leh ee laga gaaray dhanka amniga, isku xirka maamulada dalka iyo Dowladda dhexe, Maamul Wanaaga, Roadmap ka iyo gar-gaarka Bani’aadanimo. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyey sidii wallaaltinimada laheyd ee ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed isla markaana ka codsaday Qatar inay door mug leh kaa qaataan sidii mashaariic horumarineed loogu heli lahaa shacabka Soomaaliyeed si looga baxo gaajada joogtada ah oo shacabku ay soo saartaan beeraha, xoolaha iyo kalluunka oo ay Somalidu hodan ku yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar waxuu ballanqaaday inuu diyaar u yahay inuu saacido Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo uu ka taageero dhanka amniga, dib-u-hesiisiinta iyo horumarinta dalka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxuu u gudbiyey qoraal dhigiisa ku wajahan xaaladda dalka iyo dadaalada ay Dowladu ku dooneyso inay dalka dib ugu dhisto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalinta berri ah la kulmi doono Amiirka Dalka Qatar.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.