Home » Faallo »

Qorshaha qorsoon ee Yemen qaybtii sadexaad

Markii uu boqorkaas reer Persia uu ka kiciyey Yemen boqortooyadii Xabashida ee Aqsum wuxuu ka dhigay Yemen meel maamulkeedu uu hoos yimaado waxaanay si toos ah ugu gacan gashay 597 miilaadiyada waxaanay Yemeni noqotay gobol ka mid ah Persia. Waxay kaloo Pershiyiintu dileen boqorkii Ximyar ee Sayf Ibnu Di Yasan, taasoo keentay inay ay samaysanto boqortooyooyin yar yar.

Boqorkii Beershiyiinta ee Khosrau II(Qaysarkii labaad) aad buu isugu dayey inuu ilaaliyo oo uu isku siihayo xuduudihii boqortooyadaas Beershiya sida xuduudihiisa Yemen oo kale, wuxuuna dhintay 628 miilaadiyada, intaas kadib ninkii boqortooyadii Beershiya uga wakiilka ahaa Yemen oo la odhan jiray Badhan wuxuu qaatay diinta Islaamka Yemen oo dhamina diinta Islaamka ayey qaadatay.

Muddo dheer ayeyna xukumayeen Yemen Khaliifadii Islaamku , Cabaasiyiintii , muddo dabadeed waxaa Yemen gaar ahaan Yementa Waqooyi xukumayey Iimaamyo Shiico ah ( Shiicadu waxay rumaysan tahay in Imaamyadu yihiin Khaliifada xaqa u leh inay hogaamiyaan Ismaalka) gaar ahaana waxaa sii kuxumayey Mad’habta Zaidi ( Shiicada ayaa ah sadex mad’habood “ Laba iyo tobanley, Ismaaciiliya iyo Zaidi”, Zaidi waa mad’habta ugu yar mad’habaha Shiicada ee jira, waxaana loogu magac daray ninkii aasaaday oo la odhan jiray Zaid Maxamed ibnu Cali Ibnu Xuseen Ibnu Cali Bin Abii Daalib.
Sidaasay u haysteen Yementa Waqooyi Zaidiyiintu ilaa iyo bilawgii qarinigii Labaatanaad, sanadkii 897 ayuu Al Hada Ilal Xaqq Yaxya bilaabay in Iimaamnimada la iska dhaxlo isagoo xaruntiisu ahayd Sanca, waxaana taariikhdaas lagasoo bilaabo Imaamnimada iskasoo dhaxlay 81 Iimaan inkastoo ay aakhirkii noqotay Boqortooyada Yemen.

Inkastoo Al Hada Ilal Xaqq Yaxya abuuray maamul hadana marnaba kumuu guulaysan inuu wadanka oo dhan wada xukumo, teeda kale kahor 1990 ma jirin cid awood u yeelatay inay wada maamusho wadanka Yemen.
Markii uu dhintay Al Hada Ilal Xaqq Yaxya waxaa kasoo baxay dhanka xeebta (Tihama) mad’habo yaryar oo ay ka mid ahaayeen Sulayxadis, Xaatimiyiin, Surayidiin iyo Yufaridiin markii danbena noqday ama qaatay mad’habtii Ismaaciiliya ee shiicada kadib markii ay Faadumiyiintu qabsadeen.

Khilaafo diimeed layidhaahdo Faadumiyiin kana bilaabantay magaalo ku taalo Tuuniisiya oo la dhaho Mahdia markii danbena ku baahay Masar dhulweynihii laodha jiray Xijaas, Sicily ( Italy), Siiriya, Jordan Falastiin bilaabmayna sanadkii 909 jirayna ilaa 1171 ayaa waxay kacaawiyeen mad’habtii Shiicada ee Ismaaciiliya inay iyaguna mar qabsadaan Yemen qaringii kow iyo tobnaad.

Waxaa kaloo maamulka Yementa waqooyi mar ay hoos imanaysay Salaaxudiin Yuusuf Ibnu Ayuub ( asalkiisu waa Kurdish, waana ninkii gaalada ka xoreeyey Baytul maqdis dagaalkii Xattin), wuxuukaloo xukumayey isaguna Masar, Suuriya, Falastiin, Jordan, Ciraaq, Saudi Arabia, waxaanuu ku dhintay Suuriya sanadkii 1193.

Waxaa kaloo iyaguna Yemen xukunkeeda soo maray qolo la odhan jiray Rasulid (waxaa aasaasay nin la odhan jiray Maxamed Ibnu Harun waxaanay ahaayeen Sunni ) sanadkii 1180 ayey yimaadeen Yemen iyagoo leh waxaanu wakiil ka nahay khilaafadii Cabaasiyiinta, Rasulid waxay kaloo xukumayeen iyaguna Yementa koonfureed , waana qolada keliya ee la odhan karo waxay ahaayeen intii xukun soo martay Yemen waa qoladii ugu maamulka wanaagsanaa uguna dhaqaalaha fiicnaa, waxaanay iyaguna joogeen muddo dhan 225 sanadood waxaana caasimad u ahayd Zabid oo ah hadda magaalo xeebeed yar oo ay ku noolyihiin qiyaas dhan 23000 oo qof.

Rasulid kii waxaa iyagana ka adkaaday niman isugu xidhan hab qabiil oo la odhan jiay Taxriidiyiin, kuwaaso iyaguna maamulayey 1454 – 1516, aakhirkiina waxa ka adkaaday Mamluks kii Masar 1516 aakhhirkiina Mamluks( Al-Ashraf Qansuh Al-Ghawri ayaa ahaa ninkii maamulka Mamluks hayey) waxay isu dhiibeen Cismaaniyiintii ( Sultan Salim I ), sidaas darteed waxaa wadanka guudka kahaystay askartii Turkiga , waxaana dagaal weyn kala hortegay nin ka mid ahaa Iimaamyadii mad’habtii Zaidi oo la odhan jiray Al Mansuur Alqaasimi aakhirkiina waa ka xoogrooday Cusmaaniyiintii 1630, lagasoo bilaabo markaas ilaa 1918 Cusmaaniyiintu wuxuunbay ku koobnaayeen xagga xeebaha oo qudha halka dhulka buuralayda iyo dhulka sareba ay maamulayeen mad’habtaas Zaidi. AlQaasimi na wuxuu sameeyey dhaxal Iimaamnimo oo la odhan jiray Alqaasimi.

1565 Yemen tii Waqooyi waxay u kala go’day laba qaybood oo laga kala xukumayey Sanca iyo Tacis, Cusmaaniyiintii way ku adkaatay sidii ay u maamuli lahaayeen labadaas qaybood, dagaalo badana way ku dhaceen, aakhirkii waxaa xukunkii Cusmaaniyiinta Yemen oo dhan kusoo celiyey ilaa Cadan Sinan Pasha 1569 – 1570.

1513 – 1538 Cadan waxaa Maamulayey dawladdii Portaqiiska, 1538 – 1547 waxaa kaloo xukumayey dawladdii Cismaaniyiinta, hadana 1547 – 1548 waxaa dib u qabsaday Portaqiis, hadana 1548 – 1615 waxaa xukumayey boqortooyadii Cismaaniyiinta.
Sanadkii 1615 wixii ka danbeeyey waxaa Cadan xukumayey Boqorkii Laxij oo taageero ka haystay Iimaamyadii shiicada ahaa ee xukumayey Yementa Waqooyi, Saldanadii Laxij iyadana mad’hab la dhaho Al-Cabdali ayey hayseen, 1728 ayey kahoos baxeen maamulkii mad’habtii shiicada ee Zaidi waanay madax banaanaadeen, 1838 Suldaan la odhan jiray Suldaan Muxsin Bin Fadli Al-Cabdali ayaa xukumayey isna Laxij qiyaas dhan ilaa 194KM oo isku wareeg ah oo ay Cadanina kujirto.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qorshaha qorsoon ee Yemen qaybtii sadexaad "

  1. Waxaan umahadcelinayaa allaha na abuuray dhaaanteen
    mahadcelin ka dib waxaan idin leeyahay waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan oo marwalba aad u soo bandhigtiin wararka iyo qoraalada aadka u xiisaha badan
    waxaana dhihi karaa somalitalk waa websiteka kaliya aan ka ogaano xaqiiqda
    waxaana idinka codsanayaa inaad sii wadaa hooshiina qoraaladiina waxaa ka faa iideysan kara cidwalba oo wax aqrisa taas oo faaiido weyn ay u tahay jiilka soo koraya
    tallo: inaad ku soo dartaad qoraaladiina barnaaamijyo ka hadlaya taariikhda dalalka iyo horumarkooda
    mahadsanidiin