Home » News »

Wafdi Ka Socda Puntland Oo ka Qaybgalaya Wajiga Labaad ee Shirka Wadatashiga Somaliya

Wafdi balaaran oo ka socda deeganadda Puntland ayaa gaaray magaladda
Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.
Wafdiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa isugu
jira,Wasiiro,Xildhibaano,hogaamiye dhaqameed iyo Ururadda Bulshadka
rayidka ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda Puntland oo hogaaminaya wafdiga oo la
hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in magaaladda Muqdisho ay kaga qayb
gali doonaan kulan looga hadlayo meelmarinta Roadmap-ka,kaas oo la
filayo in maalinta bari ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay,26/11/2011
uu ka furmo Muqdisho.

Wuxuu intaas ku daray”..Waxan Muqdisho kaga qayb galaynaa,shir ay
isugu imanayaan,bulshada iyo maamuladda somliya oo lagu looga hadlayo
sidii loo meel marin lahaa barnaamijka roadmap-ka,waxa kale oo laga
yaaba in aan ka qayb galo shirar kale oo yaryar oo loogu diyaar
garoobayo shirkii Garowe ka dhici lahaa”.

Cabdi Faarax Juxaa ayaa hoosta ka xariiqay in shirka Muqdisho ka
furmaya uu ka soo qayb gali doono Ergayga Qaramadda Midoobay u
qaabilsan arrimaha Somaliya Mahiga isla markaasina shirku uu socon
doono muddo ku siman saddex bari.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

“…Bulshada rayidka ah waa ka qayb galayaan,kii hore waa ka
maqnaayeen,waxa laga doonayo maaha Roadmap-ka,ee waa in ay ansixiyaan
Roadmap-ka,kana talabixiso qaabka loo meelmarin lahaa,dhamaan dadkii
ka qayb galay kii hore waa ka qayb galayaan,waxa ku soo saayiday waa
Bulshadda rayidka ah…”Sidaas waxa yiri Wasiirka Wasaaradda
Waxbarashadda Puntland mudane Juxaa.

Si kastaba ha ahaatee wafdiga ka socda Puntland ayaa si wayn loogu soo
dhoweeyay magaladda Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.

abdishakur mire
cobol319@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.