Home » Warar »

Soomaalida iyo Urur Goboleedka IGAD iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo Shir Xasaasi Ah Ugu Soo Gaba-gaboobey Caasimadda Dalka Jabuuti.

Shir xasaasi ah oo looga hadlayo qorshaha horumarinta maashaariicda ka hortaga abbaaraha goboladda dalka soomaaliya oo ay si wada jir usoo qaban qaabiyeen Urur Goboleedka IGAD iyo Bankiga Horumarinta Afrika, islamarkaana ay ka soo qayb galeen xubno ka socda DFKMG, maamul goboleedyada dalka soomaaliya ee Puntland iyo Somaliland ayaa lagu qabtey xarunta urur goboleedka IGAD ee caasimadda dalka Jaabuuti 21/11/2011.

Shirkan oo socdey maalin keliya sida ay sheegeen xubnaha soomaalida iyo gudoonka martigeyliyaha shirka ayaa Furitaankiisa waxaa ka hadley xog-hayaga guud ee Urur Goboleedka IGAD Eng, Mah-buubb Macallin, xubin Bank horumarinta Afrika, xubino ka socotey TFG, maamulka Somaliland iyo Putland. Eng Mah-buubb Macallin ayaa Khudbadan dheer oo ku baxaysa Luqadda Ingiriiska, islamarkaana uu kaga hadlayo ujeedadda shirka iyo waxa laga doonayo qaybaha soomaalida halkaasi ka soo jeediyey.

Mid ka mid ah xubnaha soomaliland oo isna furitaankii shirka halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “ …marxalado kala duwan ayaanu soo marney, sida dagaal, qax, dowladnimo, hadda waxaan mareynaa maamul wanaag, waxaana diyaar u nahay fulin iyo ka qayb-galka mashaariicda horumarineed…”.

Markii uu soo gebageboobey qaybtii hore ee shirka, ayaa waxaa shir jaraa’id ku qabtey isla xarunta shirka ka socdey Eng. Mah-buubb Macallin, waxaa uuna bahda warfidiyeenada u sheegay

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo lacagta DFKMG Cali Dirir Faarax oo TV-ga dowladda Jabuuti iyo Somalitalk u waramay ayaa waxaa uu yiri “ shirkaan waxaa qaban qaabisey Bankiga Horumarinta Afrika iyo IGAD, bankigu wuxuu qabtaa horumarin, isagaa isugu kaaya yeerey, waxay isugu kaayo yeereen sidii maamul goboleedyada jira iyo dowladda dhexe u wadda shaqeyn lahaayeen, bankiga horumarinta, dhaqaalaha ay helaan sidii loogu hormarin lahaa dalka soomaaliya oo dhan…”

Inkastoo la sheegay in Shirkan uu ahaa mid maalin keliya socdey, haddana xubnaha ka qaybgaley shirka waxay sii joogeen maalin kale, ilaa iyo hadda lama shaacin waxa ka soobaxay shirkaasi. balse xubno ku dhow dhow shirka oo diiday in magacooda la xuso, ayaa waxay ii sheegeen in todobaad kadib warar faah faahsan laga helidoono Urur Goboleedka IGAD, taasoo muujineysa in waxyaabaha looga hadleyey shirka, ay ahaayeen arrimo aad xasaasi u ah.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.