Home » Warar »

Warsaxaafadeed xafiiska guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta shir guddoominayay shir xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka, taliyeyaasha ciidamada Booliska, Xooga dalka, iyo Nabad sugidda, oo maanta ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaana Ajandaha kulankaasi uu ahaa sidii loo sugi lahaa amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sidii loo xakameyn lahaa dableyda hubeysan ee dareeska ciidamada Soomaliya ku labisan kuwasoo dhex mara magaalada.

Kualnka oo ahaa mid aad xasaasi u ah ayaa waxaa lagu lafo guray sida amaanka magaalada Muqdisho loo sugi lahaa islamarkaana xaafadaha kala duwan ee magaaladana looga dhaqan galin lahaa isku xirka hayadaha Amaanka ee degmo kasta.
Shirka ayaa waxaa hadalo dhaxal gal ah kasoo jeediyaya qaar katirsan saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaliya, iyadoona la isku raacay in guddiyo dhanka amniga ah oo ka kooban guddoomiyaha degmada, taliyaha saldhiga, taliyaha qeybta Booliska Goolka, iyo taliyaha ciidamada xooga ee degmadaasi dagan.

Waxaana shirkaasi la iskula soo qaaday in haddii ay wada shaqeeyaan qeybaha sare ku xusan ay sahlanaaneyso soo qabashada dambiilihii fal ka geysta gudaha degmo kasta oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Gabagabadii kulanka maanta ayaa waxaa kasoo baxay in guddiyadaasi la sameeyo islamarkaana ay shiraaan qeybaha guddiyadaasi maalinta axada ee soo socota islamarkaana ay si deg deg ah u bilaabaan howlahooda shaqo ee ku aaddan dhanka amniga caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kulanka maanta ay wada qaateen guddoomiye yaasha degmooyinka, taliyeyaasha Booliska, Taliyeyaasha Nabadsugidda, Taliyeyaasha ciidamada Xooga dalka ee ku aaddanaa nabad gelyada degmooyinka gobolka Banaadir kadib ku booriyay iney sii laba labaan waajibaadkooda shaqo.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

——————-Dhamaad—————————–

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.