Home » News »

Jaamacadda Bariga Soomaaliya ESU oo lagu qabtay kulan lagu taageerayo Nabada

Kulan balaaran oo looga hadalyo guud ahaan Amniga Puntland , gaar ahaan kan Gobolka Karkaar ayaa lagu qabtay Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Magaaladda Qardho, kaas oo ay soo agaasimeen Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda.

 

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii  hore ee Puntland  Gen. Cadde Muuse Xirsi Boqor , Nabadoono,Ardayda Wax ka barta Jaamacadda iyo weliba qaar ka mid ah Qurba joogta Puntland.

 

Ugu horeyn waxaa hadal kooban ka jeediyey Cali Maxamed Cali Maamulaha Jaamacadda Bariga Soomaaliya oo sheegay in muhiim ay u tahay jaamacadda iyo weliba shacabka Qardho in si wada jir ah uga wada shaqeeyaan  amniga .

 

Kulankan  oo ay ka hadleen masuuliin aad  u tiro badan, waxa ay dhammaantood ku dheeraadeen sidii muhiimadda loo siin lahaa Amniga.

Prof. Axmed Maxamed Barre Hormuudka Jaamacadda Bariga Soomaaliya ayaa isaga  qudbad qiime leh oo uu ka jeediyey shirka sheegay in Jaamacadda ay soo agaasintay kulankan  isla markaana looga  gol leeyahay in Waxbarsho la’aan aysan dhicin.

 

“Hadii xabad iyo dagaal yimaadaan, ogaadda ma jirayso  waxbarsho iyo nolol kale toona, dadka oo dhan waxaa marka hore laga rabaa in ay Amniga ka shaqeeyaan,oo ay isaga fogaadaan wax walba oo amniga waxa u dhimaya”. Ayuu yiri Prof. Axmed Barre.

 

Gen. Cadde Muuse Xirsi madaxweyihii hore ee Puntland, haddana ah Masuul  u ololeeya nabadda ayaa hadal dheer oo uu kulanka ka jeediyey sheegay in Amniga Puntland, gaar ahaan Qardho uu yahay mid wanaagsan loogana baahan yahay dadka in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan amniga.

 

Cadde Muuse ayaa sheegay in Gobolka ay ka dhaceen dhibaatooyin badan, kuwaas oo uu sheegay in ay gacan weyn ka geysteen in si nabad ah lagu dhameeyo , isla markaana dadka ay ka wada shaqeeyaan amniga.

 Halkan kadaawo masiro dheeri ah

C/raxman Maxamed Cali (Black) oo ku hadlay magaca ardayda  jaamacadda Bariga Somaliya ayaa sheegay in amniga oo muhiimad gaar ah u leeyahay, waxa oo tilmaamay in ay haboontahay sidii looga shageyn lahaa amniga  si wax barashada ay u gaarto horumar.

 

Xasan Maxamed Ciise (Xasan Biinge) oo ka tirsan Ururka Qurba joogta Puntland  (Punt land Diaspora Forum) oo isaga hadal ka jeediyey Kulanka Nabadda ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay in amniga laga wada shaqeeyo, isaga oo dhanka kalena muujiyey in ay Qurba joogta markaan xooga saarayaan in ay  dalka waxa u qabtaan gaar ahaan Qardho.

 

Burhan Boqor Muuse oo ka mid ah dadkii kulanka ka hadalay ayaa isaga waxa uu mahadcelin u jeediyey Jaamacadda, isaga oo xusay in Jaamacadda looga baahan yahay in si wada jir ah waxa loogu qabto , isaga oo sidoo kalena sheegay in loo baahan yahay in qof walba uu Amniga Dalka ka shaqeeyo.

 

Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa mid ay si gaar ah ay u soo agaasimeen maamulka Jaamacadda iyo ardayda  waxa ka barta, kaas oo muhiimadiisa ay aheyd sidii Amniga looga wada shaqeyn lahaa.

 

Mudooyinkii ugu dambaysay waxaa Gobolka Karkaar ka dhacay falal amniga lid ku ah, iyadda oo sidoo kale Magaaladda Qardho ay ka dhaceen falal caynkaas oo kale ah, kuwaas  aan weli xal muuqda laga gaarin.

 

QARDHO_SOMALIYA

Abdiweli Gooni gooni@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.