Home » Faallo »

BULSHADII KU-DEYASHADA MUDNEYD

Dhanka wanaaggsan in loo kala hinnaaso waxay kamid tahay saldhigyada ay nolosha ku socoto. Heer qofeed iyo heer qaran, wixii wanaagga kaaga dheereeya, dareenka caafimaad-qaba wuxuu keenayaa in laga hinnaaso, damiirka noolna wuxuu keenayaa in lala looltamo. Loolanka wanaagsan ee halkaas ka dhasha wuxuu kamid ah arimaha lagu gaaro hr u-marka labada nolol. Kitaabka Quraanka ah meelo dhowr ah ayaad ku arkeysaa iyada oo leys farayo in inta la hinnaaso loo tartamo wanaagga.

Waxaanu halkan ku xuseynaa bulsho mudan in laga hinnaasi, taasoo quraanku uu si doqoni-magarato ah inoogu tilmaamey. Bulshadaasi waxay leedahay muuqaal inaga yar, inaga taag-yar, inaga garasho-yar, inagana liidata. Bulshadaasi, iyada oo sidaas u tag-daran ayaa xagga Eebe (kor ahaaye) laga wayneeyay oo suurad kamid ah suuradaha quraanka ayaa loogu magic-daray. Bulshadaasi waa bulsha-waynta quraanyada, taas oo lagu samiyay suuradda (Al-Namal). Aayad qura ayaa suuradda ku jirta oo lagu xusey magaca quraanyo oo waa aayadda 18-aad. Mugga aqooneed oo bulshadan ay xambaarsan tahay darteed ayaa loogu magacaabey suuradda si aadanuhu uu ugu dhug lahaado.

Quraanyadu waa bulsho ka tirsan caalamka xasharaadka. Waa bulsho si habsami leh isu ururisey, leh xeer ay nolosheeda ku hagaagsatey, leh mu’asasad dowladeed ee aanan lagu dhisin eex, laaluush iyo kooxo is-cududeysta. Bahalladaas cayayaanka ah marka magacooda la soo qaado waxaa lagu xusuustaa meelaha uu qurunku yaallo iyo xaglaha ciriiryoon oo wasakhda badan. Iyaga oo sidaas ah ayaa misana xagga Eebe (kor ahaaye) ay ka heleen mudnaan in magacooda lagu samiyo suurad kamid ah kitaabkiisa dahiran. Markii la eego natiijooyinka hor-dhaca ah ee laga dhaxley raad-raaca aqooneed ee lagu sameeyey nolosha quraanyada, qofka muslimka ah wuxuu fahmayaa, xasharaadkaas gibinka ah, in ay muteysteen in tusaale-dhig looga dhigo aadanaha. Fahamka mowduucan wuxuu sii wax-tar badan yahay xilligaan ay bulshooyinkii aadamiga ahaa isu beddeleen dugaag is cunaya oo aanan waxba isu hambayn. Gaar ahaan bulshadii Soomaaliyeed oo iyadu gebi ahaan ka hoobatay beeggii aadamiga.

Marka hore haddaan u ab-tirino quraanyada, iyadu waxay la ab-saxan tahay xasharaadka leysku yiraahdo Formicidae. Kuwaas oo isugu jira kuwo buuba (dukhsiga, iyo shinnida) iyo kuwo aanan buubin (hanqaraaraca iyo caaro-caarada). Xasharaadkan ayaa xilliga la abuurey waxaa lagu sheegaa xilliga la yiraahdo Cretaceous, kaas oo u dhexeeya muddada ah 23 – 135 melyan oo sano horteed. Muddadaas ayaa waxay tahay wakhtigii ay ku dabar-go’een bahalladii waawaynaa ee Dinosaurs, kuwaas oo 100 melyan oo sano ku noolaa dhulka oogadiisa. Sidaas ayay quraanyadu uga curad san-tahay aadamiga. Dhulka oogadiisa waxaa ku nool 22.000 oo qowmiyadood oo quraanyo ah. Waxaa jira duddooyin ay ka dhigtaan degaamo iyo xudduudo ayan isu dhaafin. Duddo walba waxaa ku urursan tirooyin quraanyo ah, kuwaas oo meelaha qaarkood ay hal melyan ka badan yihiin.

Nafleyda ku nool dhulka oogadiisa, quraanyadu waxay tahay reerka ugu laan-dheereysa. Waxay ku nooshahay meel kasta oo dhulka engegan ah. Meesha keliya oo ayan ku nooleyn waa qaaradaha cirifka ah ee qabow iyo dhulka lama-degaanka ah. Tiro ahaan haddii leysu barbar-dhigo quraanyada iyo aadamiga, qof-kasta oo aadami ah waxaa ku aadaya in ka-badan hal melyan oo quraanyo. Waxaa la qiyaasaa in ay 1/4 ka tahay noolaha oo idil (25 %). Mana ay ku faanto in ay naga tira badan tahay, waayo xeerka uguma yaal caqli-xumidaas. Sida ay u yar-tahayna uma tabar yara oo iyada iyo aadamigu colaado ayaa ka dhex-dhaca ay badanaa khasaarooyin xooggan ku geysato. Colaadahaas oo qaarkood ay hanaqaad noqdaan ayaa middeedii ugu danbeysey waxay dhacdey dabayaaqadii qarnigii tegey (1998). Markaas oo quraanyada la yiraahdo Fire Unt ay duulaan ku qaadey degmooyin kamid ah Mareekanka. Khasaarihii ay geysatey ayaa waxaa lagu qiyaasaa malaayiin dollar. Iyada oo islamarkaas ay jireen dad iyo xoolo u dhintey qaniinyadeeda.

Qaab-dhismeedka jirka quraanyada, wuxuu leeyahay dherer u dhexeeya 0.75 – 53 mm. Saddex qeybood ayuu jirkeedu ka kooban tahay. Madax, feero iyo calool oo ay dabadii la socoto. Madaxa waxay ku sidataa laba indhood oo waawayn oo dhinacyada kaga yaal iyo saddex indhood oo yar-yar oo dusha kaga yaal. Waxaaa kaloo madaxa ugu rakiban laba anteeno oo waawayn, kuwaas oo ay u adeegsato war-lalinta iyo dareen-taabadka. Waxaa kaloo ay madax ku leedahay laba miciyood oo adag, kuwaas oo ay ku ugaarato, isla-markaas ay u adeegsato xamuulka. Qaarkood afka gudihiisa waxay ku leeyihiin jeeb ay raashinka ku qaadaan. Xabadka oo aanan gudaha sanbab ku lahayn, waxaa dhex-mara laba tuubo oo ay hawadu sii marto.

Dhinacyada dibadda ah waxaa xabadka kaga rakiban laba addin, kuwaas oo kamid ah saddexda addin oo lammaanaha ah oo ay ku socoto kuna shaqeysato. Addinka saddexaad wuxuu kaga rakiban yahay qolof u dhexeysa xabadka iyo caloosha. Addin waliba oo addimadaas ah wuxuu isu heystaa saddex lafood oo kala googo’an. Midkastana waxaa dacalka hoose kaga rakiban labo ama saddex lafood oo cago oo kale ah. Darafka ugu danbeeya ee addimada waxaa ku rakiban qoob ay u kaashato marka ay gidaarada iyo saqafyada ku socoto. Qeybta danbe oo caloosha quraanyada waxaa ku jira xubnihii muhimka ahaa oo ay kamid yihiin sambabadii, dheef-shiidkii iyo xubnihii taranka.

Quraanyadu waxay kamid tahay xasharaadka kuwooda ugu cimriga dheer, illaa toddoba sano ayay gaadhaa. Duddo waliba oo quraanyo ah waxaa ku dhaqan afar dabaqadood. Iyagu waxay yihiin sidan: (1) Boqoradda oo iyadu ka wayn kuwa kale, mudnaantana leh. Waxay leedahay laba baal oo xoog-wayn oo ay ku duusho. (2) Quraanyada dheddigga ah, waa shaqaalaha. Iyagu baalal maleh oo ma duulaan. (3) Quraanyada labka ah, waxay leeyihiin baalal. (4) Caruurta oo isugu jira ugxan, lulumooyin iyo kuwo aanan qaangaarin. Boqoradda markeeda hore waxay kamid tahay caruurta duddada. Waxay ku hanaqaadeysaa duddada dhexdeeda illaa ay ka qaan-gaadho, dabadeed heshiis lagu mideysan yahay ayaa lagu caleema-saaraa. Markaas ayay bilaabeysaa in ay is-caashaqaan mid kamid ah laboodka duddada. Dabadeed duulimaad ayay isla gelayaan, kaas oo lagu magacaabo Socdaalkii Arooska. Inkasta oo caashaqaas uu ku heley magaca boqornimo, misana ma calfanayo oo cimri-degdeg ayaa ku dhaca. Marka ay ugxanta ugu horeeya dhigto, nolosheeda inta ka hartey waxay heleysaa mudnaanta koowaad ee duddada. Xilka amarada ay ku kala hageyso bulshadeeda waxaa u weheliya in ay noqoneyso hooyadii duddada. Iyada oo keliya ayaa ugxanta dhigeysa.

Quraanyada dheddigga ah, dhamaantood waa ay dhufaanan yihiin (sterile). Ugxanta ugu horeeya oo duddada la dejinayo ayaa waxaa la socda mid u sharaxan in ay boqorad ka noqoto duddada. Dabaqadda ugu badan duddada waa ciidanka dheddigga ah ee dhufaanan. Waana iyaga xoogga shaqeeya oo kala wada howlaha loogu adeegayo bulshada. Laboodka duddada wax-qabadkiisu waa in uu boqoradda bacrimiyaa oo keliya. Waa ay ka tiro yar-yihiin kana tabar yar-yihiin kuwa dheddigga ah ee duddada kula nool. Isla-markaas waa ay ka cimri yar-yihiin.

Heerarka ay marto hab nololeedka Quraanyada

Marxaladaha nololeed (Life Cycle) oo ay quraanyadu marto waa afar. Waxaa ugu horeeya marxaladda ugaxda (egg). Waa marxaladda ugu horeysa oo ay dhashaan. Markiiba kal-kaaliyayaal ayaa la cararaya oo meel gaar ah ayay ku xanaaneynayaan. Ugaxdu aad ayay u yar-tahay oo waa adag-tahay in lagu arko indhaha qaawan. Dhererka ugaxdu waa 1 mm. Laakiin midda boqoradda sidda waa ay ka yara wayn-tahay kuwa kale. Waxaa xiga marxaladda lullumada (Larvae) oo waa marka ay ka soo baxaan ugaxda gudaheeda. Waa xilli ayan indho iyo cago lahayn, dushana waxaa kaga daahan dhogor. Waxay cunaan raashin loo shiidey oo ay ka shaqeeyeen shaqaalaha duddada kuwooda ilmaha koriya. Qaabka ay raashinka u diyaariyaan wuxuu yahay hannaanka lagu magacaabo iska-matajin (Regurgitation). Mar-kasta oo lullumadu ay weynaato, dhogorta waa ay ka baaba’eysaa. Marxaladda afaraad waa markii ay dhogor-dhacsato. Halkii ay dhogorta ka dhacdey waxaa ku gadaadmaya xariir. Korkii quraanyada dhamaantiis waxaa qarinaya xariirtaas. Muddada ay xariirtu huwan tahay, waxaa quraanyadii u abuurmaya xubnihii jirka oo idil. Halkaas ayay ku qaan-gaareysaa oo ay ka soo baxaysaa caruurnimadiiMuddada u dhexeysa dhalashada iyo qaangaarka quraanyada, waxay tahay 45 – 75 maalmood.

Quraanyadu waxay leedahay anshax u hiddo ah oo ay ku ilaashato wadajirkeeda iyo nolosheeda bulshadeed. Wxaxay leedahay xeer aanan oggoleyn in mid kamid ah bulshada uu ku xad-gudbo. Aqoonyahan ah quraanyo-barad (myromecologist), ayaa wuxuu sameeyay fal tijaabo ah. Wuxuu u kuurgalay hab-nololeedka bulshada quraanyada. Qalab weyniso ah ayuu wuxuu ku xiriirsadey saldhig ciidda hoosteeda ah oo ay ku nool yihiin bulsho-wayn quraanyo ah. Dabadeed gabal yar oo rooti ah ayuu hor dhigay godkii saldhigga ahaa.

Mid kamid ah quraanyadii ayaa soo baxay. Wuxuu arkay gabalkii rootiga ahaa. Gudahii ayuu ku laabatay, si uu u wargeliyo kooxdii shaqaalaha ahaa. Aqoonyahankii tijaabada hayay, ayaa gabalkii rootiga ahaa wuxuu ka qaadey meeshii uu yiil. Quraanyadii, iyada oo tiro badan, oo weliba deg-degeysa ayay godkii ka soo baxdey. Markey dibadda yimaadeen afarta jaho ayay u kala yaaceen iyaga oo raadiyeen gabalkii rootiga ahaa. Markii ay waayeen, godkii ayay dib ugu laabteen, iyaga oo sii kaxeystey quraanyadii warka soo sheegtey. Gudaha ayay ku canaanteen, dabadeed waa ay soo daayeen. Ninkii aqoonyahanka ahaa, gabalkii rootiga ahaa ayuu markale wuxuu hor-dhigay godkii. Quraanyadii xabadda ahayd ayaa markale soo baxday. Waxay aragtay gabalkii rootiga ahaa oo markale meeshii yaal. Dabadeed dib ayay ugu laabatay godkii. Ciidankii ayay soo kicisay. Markii ay dibadda u soo yaaceen, rootigii ma ayan helin. Waayo ninkii ayaa meeshii ka qaadey oo ka qariyay. Kooxdii quraanyada ahayd, dib ayay ugu laabteen godkii.

Riwaayaddaas, mar saddexaad ayay soo noqotay oo godka hortiisii ayay ka dhacdey. Bulshadii quraanyada ahayd, waxay bilaabeen in ay maxkamad saaraan middii khabarka rootiga keentey. Waxaa lagu caddeeyay in ay beenaaley tahay. Sidaa darteed dil ayay ku xukumeen. Godka gudihiisii ayay ku dileen. Waxaa halkaas ka cad in bulshadaasi ayan been iyo caqli-xumi ku wada-socon. Ma oggola xubin kamid ah in ay been la meereysato xubnaha bulshada dhexdooda.

Fal ka liita in been la sheegona uma oggola duddadooda. Haddaanu dib ugu laabanno suuraddii quraanka ahayd ee la magac ahayd quraanyada (Al-Namal), aayaddeeda 18-aad ayaa lagu sheegey magacan. Aayaddu waxay la xiriirtaa aayad ka horeysey oo xambaarsan war-bixin damaashaad xoog wayn oo lagu soo bandhigayo ciidamadii dowladdii nebi Suleymaan (nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Dowladdaas oo ahaa dowladdii ugu xoogga wayneed oo taariikhda soo marta, ayaa ciidankeedu waxay isugu jireen askar dad ah, askar jinniyo ah iyo askar shimbro ah. Xooggan iyo hoggaamiyahoodii oo soconaya ayaa waxay soo mareen meel tog ah oo ay ku nooshahay bulsho-wayn quraanyo ah. Mid ilaaladii quraanyada kamid ah ayaa waxay aragtey xooggan damaashaadaya ee ku soo beegan duddadii ay beesheeda ku dhaqneyd. Si ay reerka u badbaadiso ayay u dhawaaqdey shaqaalihii dibadda ka shaqeynayay. Iyada oo uga digeysa khatarta ku soo socota, ayaa waxay fartey in ay ku cararaan guryaha gudahooda si ayan ugu bur-burin cagaha ciidankan.

(حَتَّى إِذَا أَتَوْا عَلَى وَادِي النَّمْلِ قَالَتْ نَمْلَةٌ يَا أَيُّهَا النَّمْلُ ادْخُلُوا مَسَاكِنَكُمْ لَا يَحْطِمَنَّكُمْ سُلَيْمَانُ وَجُنُودُهُ وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ)

(Illaa ay ka yimaadaan quraanyada toggeedii, quraanyaa waxay tiri: reer-quraanyoy aqalladiina gala, yeyyan idin bur-burinine Suleymaan iyo ciidankiisa iyaga oo war-moog).

Ogaallada ugu horeeya oo aanu ka heleyno aayadda wuxuu yahay, quraanyadu in ay qaab wada-hadal isugu gudbiyaan ogaallada iyo wixii ay is-farayaan. In ay leeyihiin ilaalo uga diga wixii khatar ah oo iyada ayan celin karin. In ay yihiin xoogag is-maqla oo isu dhega-nugul. Iyo in ay yihiin bulsho ay u qeybsan tahay shaqada ay qabanayaan. Inkasta oo goor hore la heley in quraanyadu kamid tahay abuurka wada-hadla, misana wixii ka horeeyey millennium-kan (2000) si camali ah aadamigu ulama xiriirin qaabka ay u wada-hadasho. Agabka teknolojiyada cusub ayaa waxay fursad siisey in lagula xiriiro mowjadaha codka oo quraanyadu ay is-dhaafsanayaan.

6/ 2- 2009-kii, wargeyska la yiraahdo Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, wuxuu qorey maqaal uu cinwaankiisu yahay: Buuruhu Waxay la Noolyihiin Dhawaqa Quraanyo Isla-hadleysa (Hills are alive with the sound of ants – talking each other). Sida cinwaankiisa ka muuqda, maqaalku wuxuu soo bandhigey arin cilmiyeed oo markaas daaha laga qaadey, taas oo aanan horey looga heyn xaqiiqo camali ah. Waxay ahayd in quraanyadu uu ka dhexeeyo xiriir wada-hadal, oo ka heer sareeya qaababkii loo maleyn jiray. Aqoonta laga gaarey qalabka teknolojiyada ee wararka tebiya, ayaa waxaa lagu ogaadey in quraanyadu, si kaltan ah oo anshax weheliyo ay u wada-hadasho.

Prof. Jeremy Thomas oo isagu ah macallin aqoonta Ecology-ada ka dhiga jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, ayaa lahaa cilmi-baaristan. Wuxuu maqaalkiisa ku sheegey in uu adeegsadey qalab aad u yar-yar oo isugu jira kuwo codka soo qabta iyo kuwo codka laliya. Wuxuu ku rakibey duddo ay bulsho quraanyo ah deggan tahay. Aqoonyahankan iyo cilmi-baarayaashii la shaqeynayay waxaa amakaak ku noqdey markii ay heleen codka fariimaha ka imanaya boqoradda bulshada. Friimahaas oo ah kuwo kala duwan ayaa waxay ku socdeen kooxo kala duwan oo bulshada quraanyada kamid ah. Koox walbana markii ay fariin cusub hesho waxay beddelayaan shaqadii ay hayeen.

“ Markii ay maqlaan codka ka imanaya boqoradda, waxay u muuqanayaan kuwo anshax gaar ah la imanaya. Iyagu waa joogsanayaan, anteenooyinkana kor ayay u taagayaan, markaas ayay muddo is-eegayaan. Muddadaas wixii u dhowaada, si wada-jir ah ayay u weerarayaan oo waa dilayaan “. (Prof. Jeremy Thomas. Hills are alive with the sound of ants – talking each other. Times. 6/ 2- 2009. London – UK).

Aayaddii quraanka ahayd, waxaa kaloo laga fahmayaa anshax loo maleynayay in uu ku gaar yahay bulshooyinka il-baxnimada gaaray, kaas oo ka dhasha wada-shaqeynta xooggan. Tilmaamaha uu anshaxaasi leeyahay, laakiin la ogaadey in quraanyadu ay kaga horeyso waxay yihiin is-heysadka bulshada (social solidarity), xilka kelinimada u saran xubinta bulshada (individual responsability), istraateejiyadda dagaalka (war strategy), qorsheynta degmooyinka (city planing), shaqada oo la laasimo (work commitment), farsamada is-gaarsiinta (skill of communication), maareynta shiddada (problem solving), in horey loo diyaarsado barnaamij lagaga baxsado musiibooyinka (crisis management). Arimahaas oo dhan waxaa ka hilan culus qodobka ah in bulshada quraanyada ah ay tahay bulsho si buuxda ugu guuleysatay tayeynta maamulkeeda (Total Quality Management). Haddii dhan kale laga milicsado quraanyarada waa noolaha midka ugu Samirka badan, ugu adkeysiga badan, uguna shaqada badan. Mid kasta oo quraanyada kamid ah, inta ay soo jeeddo waa ay shaqeeneysaa iyada oo aanan wax dheeri ah dooneyn. Bulshada ay ka dhasheen ayay u adeegayaan, sida ugu daacadsan, ugu xikmad badan uguna wax-tar wayn. Waa heer ayan jirin bulsho aadami ah oo gaartey.

Aqoonyahanno kale oo badan ayaa iyaguna in muddo ah ku howlanaa garashada cimilada nololeed ee cayayaankan. Iyaga oo adeegsanaya agab elektroonik ah waxay u kuur-galeen qaab nololeedka ay u dhaqan-tahay bulshada quraanyada ah. Waxay heleen arimo ka yaabiyay oo dhamaantood aanu ka fahmeyno aayadda quraanka ah. Waxay ogaadeen in quraanyadu ay tahay bulsho si xooggan isugu xiran, taas oo ay u dhisan tahay mu’asasaadkii dowladeed. Markii la eego dhanka siyaasadda, duddo walba waxay leedahay boqorad iyo koox ag-joogayaasheeda ah, madax-wayne iyo wasiiradiisii. Xagga dhaqaalaha, duddo walba waxay leedahay hannaan gaar ah oo ay ku qeybsadaan shaqada iyo wax soo-saarka, hannaan ay wax ku keydsadaan iyo hannaan ay ku ilaashadaan wixii la keydiyay si ayan u qurmin. Dabadeed si caddaalad ku dhisan ayay u qeybsadaan. Xagga bulshada waxay leedahay hannaan isku haya xubnaheeda, kaas oo barnaamijyadiisu uu kamid uahay korinta dhallaanka, wax-baridda, tarbiyeynta hore iyo tababar-siinta shaqada. Xagga ciidamada, waxay leeyihiin xoogag u dhisan oo weerar diyaar u ah, iyo kuwo kale oo u diyaarsan difaaca duddada. Waxay leeyihiin ciidan duddada ilaaliya. Duulaamada ka dhex-dhaca duddooyinka quraanyada ah, maxaabiis ayay ku kala qafaashaan. Markey duddada la tagaan, maxaabiistii waa ay ku shaqeystaan.

Meesha degaanka u ah quraanyadu, waxay u dhisan tahay sidii degmooyinka caasimadaha ah ee dowladaha waawayn. Degmooyinka quraanyada, sida ay u kala duddo wayn yihiin ayay u kala camiran yihiin. Qaabka farsamada ay guryaha u dhistaan iyo handasada ay ku jaan-gooyaan ayaa waxay yihiin arimo yaab badan. Albaabada, bakhaarada waawayn, guryaha dabaqadaha ah, waddooyinka is feer cararaya, dugsiyada ay dhallaanka ku tarbiyadeeyaan, degaanka ay seexdaan, meehsa ay raashinka ku cunaan, meesha ay deggan yihiin hey’adaha wax u maareeya, dhulka qubuuraha u ah iyo xataa dhul ay u daaqaan xoolo ay raacdaan, dhamaan dhismayaashaas waxay ku heystaan dhulka hoostiisa. Markuu kordhey xiisaha loo hayo in la ogaado nolosha quraanyada, meelo dhowr ah ayaa laga heley degaano aad u waawayn oo ay quraanyadu ku dhaqan tahay. Mid kamid ah waxaa laga heley bariga waddanka Mareekanka, buuraha Pennsylvania. Duddadaas waxay ku fadhiday dhul gaaraya 75 hektaar oo dhulka hoostiisa ah. Waxaa ka dhisan dabaqyo toban ka badan oo ay qoraanyo ku nooshahay. Dhulka hoostiisa waxay qodeen illaa 7 m. Ciid ka badan 15 ton ayay dibadda u soo saareen.

Aqoonyahan Mareekan ah oo la yiraahdo Royal Dixon, muddo 20 sano ah ayuu raad-raac wuxuu ku hayay nolosha bulshooyin quraanyo ah. Wuxuu ku arkay in quraanyadu ay leedahay hannaan nololeed oo bulsho aadami ah oo leh uusan jirin. Wuxuu u kuur-galay xoolaha ay dhaqato bulshada quraanyada ah, kuwaas oo ay listaan. Xoolahaas ayaa waxay yihiin xasharaad jaadad badan oo ka yar-yar quraanyada. Waxaa lagu magacaabo (coleoptera). Royal Dyxon, wuxuu xasharaadkaas ku magacaabay lo’dii quraanyada. Iyaga oo ugxan ah ayay soo urursataa. Degmooyinka (godadka) ay ku nooshahay ayay meel ka dejisaa. Markay ugxantu dillaacaan, koox quraanyo ah oo loo qeybiyay ayaa korriimadooda hagaajiya. Dabadeed markii ay weynaadaan, sidii xoolo-raacatadii ayay u ilaashadaan. Waxay ka maalaan dheecaan malab oo kale ah, kaas oo macaan badan. Marka quraanyadu lisaneyso lo’daas ay raacato, waxay yeeshaa, inta u dhowaato ayay anteenooyinkeeda caloosha kaga salaaxdaa. Markaas ayaa waxaa ka imanaya dhibic malab ah. Neef walba oo xasharaadkaas yar-yar ah, maalintii quraanyadu waxay ka maashaa 48 dhibcood oo malab ah. Taasina waxay u dhigantaa 100 jibbaar inta aadanaha uu ka maalo hal sac maalintiiba. Waa marka leysu barbar- dhigo jirka labada neef (lo’da iyo cayayaanka) iyo manfaca midba laga helo.

Qaab dhismeedka magaalooyinka waawayn ee bulshada quraanyada ah ku dhaqan tahay, waxay ka kooban yihiin dhismayaal toban dabaq iyo ka badan ah. Dabaqa ugu koreeya waa cidla oo waxay u banneeyeen in ay hawada ka soo gasho. Dabaqa xiga waxaa deggan ciidanka ilaalada duddada. Iyagu waxay hor joogsanayaan ciddii aanan kamid ahayn duddadooda. Dabaqa xiga waa meel ay ku nastaan shaqaalaha markii ay dibadda ka yimaadaan. Dabaqa xiga waa bakhaaradii lagu keydinayay raashinka. Dabaqa xiga waa meeshii raashinka lagu cunayay. Dabaqa xiga waxaa deggan shaqaalihii iyo ciidankii. Dabaqa xiga waxaa ku dhaqan boqoraddii iyo ag-joogayaashii. Waxaa ku weheliya meelihii ay yiileen ugxanta cusub. Dabaqa xiga waxaa ku dhaqan lo’dii (xasharaadkii) ay daaqanayeen. Dabaqa xiga waa bakhaaro ay ku keydiyeen calafkii ay lo’da siisan lahaayeen. Dabaqa xiga, ugxanta ayay ku dillaaciyaan oo dhallaanka lulumooyinka ah ayaa u deggan. Dabaqa xiga waa qubuurihii. Garashadeeda waxaa kamid ah in ayan bakhaarka dhigan xabbad abuur ah oo is-heysata. Si ayan u soo bixin, abuur kasta oo ay soo qaadato, bu’diisa ayay ay kala jebisaa.

Quraanku goor hore ayuu aadamigu ku baraarujiyay in ay ka faa’iideystaan casharradaas cimilada daadsan oo ay qorayaan cayaaynkan laga dul-tallaabsanayo. Suuradda Al-Ancaam, aayaddeeda 38-aad oo arinkaas si toos ah inoogu tilmaameysa waxay leedahay.

(وَمَا مِنْ دَابَّةٍ فِي الأَرْضِ وَلا طَائِرٍ يَطِيرُ بِجَنَاحَيْهِ إِلاَّ أُمَمٌ أَمْثَالُكُمْ مَا فَرَّطْنَا فِي الْكِتَابِ مِنْ شَىْءٍ ثُمَّ إِلَى رَبِّهِمْ يُحْشَرُونَ)

(Ma-jiro bahaahim (cayayaan) ku socda dhulka oogadiisa iyo (ma-jiro ) shimbir labadiisa baal ku duula, illaa waa ummado idinka oo kale ah, wax aanu kitaabka kaga tagney ma-jiraan, dabadeed xagga Eebahooda ayaa lasoo kulminayaa)

Allaa wayn Rabbaa waaxidoo wada-taqaaniine Isagaa Wadduudoo tashiga lala wadaageyne Isagaa wuxuu doonayaba cidi la waasdeyne Waxba kama qarsoonoo qalbigu wahan hadduu yeesho Wixii waliba wow waadax iyo waasac maalin ahe Al-Wakiilu magaciisu waa Waaris aan dhimane (Jaamac Kediye)

Qore: Dr. Saadiq Enow
Saadiq.enow@gmail.com

Video: Quraanyo hadalka isu gudbineysa (ABC)

Sawirka quraanyada: http://askabiologist.asu.edu/individual-life-cycle

Qoraalka Times ka akhri halkan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " BULSHADII KU-DEYASHADA MUDNEYD "

  1. Jazakallahu khayr Ustaad Dr saadiq waa mowduuc aad u qiimo badan macluumaad iyo tusmooyin badan xambaarsan illahay hanaga dhigo kuwii ka faa’ideystana oo wax kuqaata adigna illahay miisaankaga xasanaadka hakuugu daro dedaalka iyo waxqabadka iyo Macluumaadka badan ee aad noosoo dhiraandhirisay Aamin ..

    Mahadsanidiin

  2. Muuse dheere says:

    Waa qoraall aqoon iyo cilmi faro badan xambaarsan. Waa talo iyo tusaale ku haboon kala daadsanaanta iyo ismaqal la’aanta ummadda Soomaaliyeed ku habsatay, cashar iyo cibbro na u ah inta wax weelaysa ee wadaniyaduu ku hadhay inay ugu yaraan ku daydaan qaabka ay u nool yihiin xasharaadka kuwooda aragti ahaan ugu jilicdasan marka la barnardhigo aadamaha.

    Waa qormooyinkii xikmadda iyo cilmiga xambaarsanaa ee aan uga baranay Walaalkeen cimrigiisa Allah raajiyee, Dr. Saadiq Eenow, oo dhabtii qalinkiisa u qaatay sidii uu ummaddan bahalowday jid badbaado ah iyo iftiin aqooneed ugu ifin lahaa mar kasta.

    Waxayna ila tahay inaysan jirin darsi ka faa’iido iyo aqoon kororsi badnaa baadhistan aqoomeed ee uu soo bandhigay maanta Dr.Eenow.

    Waxan aad ugu xasuustaa Dr. Saadiq Eenow, qoraalladisii dhaxal-galka ahaa ee xagga Taariikhda uu ka qoray Soomaaliya, gaar ahaan dhulka wali ku hoos jira gacanta gumeysiga ee Soomaalida Ogadeenya, oo qoraagu muujiyey si geesinimo iyo wadaniyadd leh damaca gumeysiga Ethiopia mar walba ku hayo qabsashadda dalka iyo dadka Soomaaliyeedba.

    Wabilaahi tawfiiq