Home » Faallo »

Dalalka Carabta Maxay uga Hadli la’yihiin Duulaanka Kenya ee Soomaaliya

Dunida Dacaladeeda Meel Kasta oo Aad ka joogto waxaa Hubaal ah inay Ku nool yihiin Dad Muslimiin ah oo kuwo Islaamka Ku dhashay iyo Kuwa Soo Galay Diinta Islaamka kadib markii  illaah Qalbigoodu uu ku duway inay qabsadaan Xariga Allaah oo looga badbaadayo Ciqaabtiisa laguna Rajaynayo Raali ahaanshihiisa.

Caalamka aynu ka hadlayno oo ay kuwada Nool yihiin Gaalo iyo Muslimiin Guud ahaantiisa Hogaanada Dowladdaha Ka jira waxa  ay Hoostagaan Dowladdaha Reer Galbeedka,iyo Maraykanka, kuwaasi oo Hadba u meeriya Afkaartooda Ku salaysan in Marnaba Dunidu aysan Ka hana qaadin Dowladd Islaami ah iyo Shacab Muslimiin ah oo ku midaysan iskaashiga Duulaanka Lagu Hayo Diinta Islaamka iyo dhibaatooyinka ka taagan wadamada Caalamka oo ay ku jiraan Dalalka Soomaaliya,Afghaanistaan,Ciraaq,Suudaan iyo Wadamo kale oo ay ku nool yihiin Muslimiin Dhibaataysan.

Dalka Soomaaliya oo Xurnimadiisii kadib marnaba aysan ka dhalan Dowladd Hirgalisay Shareecada Islaamka ayaa Burburkii Dowladdii Kacaanka Majaraha uu u hayay Maxamad Siyaad Bare waxaa ay lugaha la gashay Caqabado badan oo saamayn Muuqda iyo Mid qarsoonba ku yeesha Shacabka,kuwaasi oo Xoogooda kaga yimid Wadamada xuduud Beenaadka aynu la wadaagno Gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya.

Dowladda Itoobiya iyo Shacabkeeda oo Aaminsan Wadanka Soomaaliya inuu qayb k yahay Dhulka Itoobiya ayaa  Barbaarisay Hogaamiye Kooxeedyo Imaarado u kala qaybiyay Xaafadaha Magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo Beelaha ay ku abtirsadaan ka gaday in ay Difaacdaan Deegaanadooda.

Hogaamiye Kooxeedyadu  Gacan Saar wanaagsan waxa uu kala dhexeeyay Dowladda Itoobiya oo Ku taageeri Jirtay Hub Nuucyo kala duwan isagu Jira. ,Dagaal oogayaashii ku qaan gaaray Daadinta Dhiiga Shacabka Muqdisho  ayaa Aayatiinkoodii Dambe waxa uu Noqday Mid Meesha ay ka saareen Shacabka Reer Muqdisho  oo kaashanaya Culumaaudiinka Diinta Islaamka.

Kacdoonkii Shacabka waxaa kadhashay Midowgii Maxkamadaha oo qaar kamid ah Hogaankooddii uu  Gacan saar Hoose kal dhaxeeyo Itoobiya,waxaana  Guud ahaan ay la wareegeen Inta badan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Nabad iyo Kala Dambayn muddo lex Bil shacabku ay ku naaloodeen ayay Maxkamadihii ku soo Dabaaleen Goobihii ay Gacanta Kaga Dhigeen Hogaamiye Kooxeedyaddii Soomaaliya. ,Dowladda Itoobiya oo Wakiiladeeddii Soomaaliya Dharaar Cad Meesha ay majaxaabiyeen  Shacabka Reer Muqdisho ayaa iscelin wayday.

Dowladdii Cabdulaahi Yuusuf oo Magaalada Baydhabo lagu soo Koobay ayay Heshiis lagashay kuwaasi oo neef la caari ahaa .waxaana Ciidamadooda oo Tunka Kuwada Dowladdii Cabdulaahi Yuusuf ay Gudaha usoo Galeen Dalka Soomaaliya 28-kii Bushii Desember 2006 iyagoona Dagaal lagu Hoobtay Meesha Kaga Saaray Midowgii Maxkamadaha Soomaaliya.

Ciidamaddii Itoobiya oo aanan waligood ku riyoon inay Cagta Galiyaan Caasimada Soomaaliya ayaa iyagoo kaashanaya wax loogu Yeeray Dowladdii KMG waxa ay soo Gaareen Magaaladda Muqdisho,iyagoo xasuuq kii ugu Darnaa Ka gaystay Xaafadaha Magaaladda Muqdisho oo kumanaan ay u geeriyoodeen BM-ka ay ku xarqiyeen Goobihii ay Daganayeen Shacabka Magaaladda Muqdisho.

Wadamada Carabta oo Ka badan 20-Wadan Xasuuqaasi waxa ay ka ahaayeen Maqane-Jooge Marnaba Si buuxda ugama Aysan hadlin Soo Galistii iyo Xasuuqii ay gaysteen Ciidamaddii Itoobiya oo Laba Sonno kusugnaa Xaafadaha Magaaladda Muqdisho.

Shacabka Muslimiinta ee Ku dhaqan Wadamada Carabta ayaa Qaarkood Dareenkooda Muujiyay, iyagoona Dhigay Dibadbaxyo Kooban oo aysan Raali ka ahayn Dowladahooda Taasi oo ay ku muujinayeen Carada ay kaqaadeen Duulaanka Itoobiya iyo Gumaadkii ay k uhaysay  Shacabka Magaaladda Muqdisho.

Xarunta Jaamacada Carabta ee Qaahira oo Xiligii Itoobiya ay ku soo Duulayeen Soomaaliya ay ku sugnaayeen Madax uu kamid ahaa Madaxweynihii kacdoon wadayaashii Masar la dageen Xusni Mubaarak  Waxaa ay Muujiyeen Hadal Jilicsan oo u muuqanayay mid lagu qancinayay Maraykanka iyagoona ku gaabsaday inay kawar hayaan Sababihii Dowladda Itoobiya ay ku soo Galeen Soomaaliya.

Xiligaan Dalka Soomaaliya waxaa Ku jira Ciidamo Kasocda Dowladda Kenyaoo aanan kusoo Galin Sharciyada iyo qawaaniinta u qoran  Qaramada midoobay. ,Dowladda Kenya ayaa iyadoo ka duulaysa Dhibaatooyin Kaga Yimaada Shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Dalkeeda iyo Wadamada Carabta  Waxaa ay Raadinaysaa Taageero ay ka hesho Wadamada Carabta kuwaasi oo illaa iyo haatan uusan jirin  Dal Si buuxda ugu aqbalay  TaageeraddaKenyaay kadalbatay Qaar kamid ah Wadamadaasi.

Wadamadda Carabta oo Ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka meermeeraya inay Go,aan ka qaateen Soo Galitaanka Ciidamada Kenya ay Soo Galeen Wadanka Soomaaliya oo Xubin ka ah Dalalka Carbeed ee kujira Jaamacada Carabta.

Madaxda ku jirta Jaamacada Carabta oo u arka inaan lagu sii raaxaysan doonin Kursiga ay ku fadhiyaan haddii laga horyimaada Maraykanka ayaa Haatan ku mashquulsan Kulamada ay ka yeelanayaan Xaalada Wadanka Suuriya, iyadoo Kulamadooda lagu soo hadal qaadin Duulaanka Ciidamada Kenya ay Kusoo Galeen Qaybo kamid ah Wadanka Soomaaliya.

Kenya Duulaankeeda Soomaaliya waxa ay u haysataa Taageero Dhinaca Kasta ah oo kaga Imaanaysa Yahuuda oo Cadowtooyo qotar dheer ay kala dhaxayso Wadamada Carabta, Halka Soomaaliya oo Wadamada Carabta ka mid ah illaa iyo xiligaan aysan Jirin Mid kamid ah Wadamada Carabta iyo Shacabkoodaba  oo  Muujiyay  Sidii ay u garab istaagi lahaayeen Walaalahooda  la isagu habar wacday, kuwaasi oo Lugu Duqaynayo Diyaarado iyo Dabaabaad ay Leeyihiin Ciidamada Kenya oo ka mid ah Ciidamada Ku soo Duulay Dalka Soomaaliya.

Soomaaliya waa Dal  qani ah oo ilaheeda dhaqaalaha ay u birtumanyaan wadamo badan oo Dunida katirsan. ,20-kii sanno ee la soo dhaafey wixii ka dhacay Wadanka Soomaaliya ee Gardarada Gaaladda ahaa, haddii ay ka dhici lahaayeen dalalka adduunka ugu waa weyn waxaa dhab ah inay  burburi lahaayen, balse Soomaaliya waa ay soo taagan tahay weli, waxaana shacabkooda oo ilaah kaashanaya ay u muuqdaan kuwa u midoobay Duulaanka Dhaqaalo raadiska Ku salaysann ee Dowladda Kenya ku soo Qaaday Diinteen,iyo Dhulkeena Hodanka ah, waxayna u baahanyihiin gacan qabashada walalahood Carbayd si ay uga soo kabtaan khasaarihii gaaray Sanadihii Laoo dhaafay iyo Duulaanka Haatan lagu hayo.

Yuhuuda Maxay utaageerayaan Duulaanka Kenya
Wargayska lagu magacaabo Al-Macaariif Al Cibriyah ayaa soo bandhigay qorshayaal fog oo yahuudu ka damacsan tahay qaaradda afrika. ,wargayska waxa uu sheegay in taageeradda maletariga ee Yahuudu ay u fidinayso Dalka Keynya uu yahay qorsho maqaar saar ah, oo ay ku dhaxMilan tahay siyaasad ka fac weyn mida hadda muuqata. Iyadoo YuhuuduKenya u sheegay inay bixinayaan Taageero Dhanka Milatariga  sida inay siiyaan dalalakaasi  dooman dagaal oo casri ah,iyo in dalalkaasi ay geyso tababarayaal maletari oo Yuhuud ah,iyo dhamaan agabyada lagu dagaalka.

Yahuuda ayaa daneenaysa inay ku xididaysato dalalka Soomaaliya Keynya,Itoobiya ,koonfuta Suudaan,iyo Tansaaniya ,iyadoona sheegtay inay siin doonto taageero maletari oo dhinac waliba ah,taasi oo u muuqanaysa mid yahuudu ay ku doonayso inay dib ugu soo laabato dalalka dhaca geeska afrika iyo bariga,kadib markii ay ka sii jeeday in ka badan 40sano.

Wargayska ayaa sheegay in maamulka Yuhuuda taageeradiisa uu u fidinayo Kanya ay ku kooban tahay oo kaliya dhanka maletariga iyo loojiistiga,iyagoona sheegay in Kenya aysan kalsooni buuxda ku qabin,maadaama damaceedu uu yahay oo kaliya inay gacanta ku dhigto magaaladda kismaayo ee kaabiga  ku haysa Badweynta Hindiya.,waxayna intaa ay ku dareyn in Keynya aysan awood buuxda u lahayn inay la wareegto magaaladaasi marka laga reebo duqayn xaga hawada ay ka duqayso Magaaladaasi

Bariga iyo Geeyska Afrika oo a ydagan yihiin dad lagu qiyaaso 138 Melyuun ruux, hadana haysta intooda badan diinta kirishtanka ayaa noqday sababaha ugu wayn ee yahuuda ku beertay damaceeda ku wajahan qaaradda Afrika.

Wararka sirta ah oo uu helay wargayska ayaa xaqiijinaya in yahuudu ay doonayso  sidii ay u joojin lahaayeen oo ay ishortaag ugu sameyn lahaayeen isbalaarinta iiraan ay Ka wado guud ahaan qaaradda afrika, waxayna sheegeen maamulka yahuudu in Iiraan waqti sii horeeyay ay ka sameysatay qaaradda meelo kamid ah xarumo maletari oo qarsoodi ah,hasa ahaatee may qayxin maamulka halka ay ku yaalaan.

Xuseen Xamuudah oo ahaa mas’uul ka tirsanaan jiray maamulka yahuuda ayaa u sheegay wargayska in isku dayadda yuhuudu ay ku taageerayaan Kenya uu salka ku hayo mid ay  ku doonayaan inay afrika siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan kula wareegaan Balse aysan ku koobneen oo kaliya dalalka kirishtanka ay ku badan yihiin ,laakiin ay u gudbi doon dalalka islaamka ah ee ku yaala qaaradda sida dalka Soomaaliya iyo Sinigaal.

Khabiir dhanka maletariga  oo yahuudi ah ayaa ka waramay fikradiisa ku aadan wararka la helayo.waxaana uu sheegay in labo dagaal oo waaweyn oo in mudda la qorsheenayay ay furo u noqon doonaan soo galitaan yahuuda qaarada Afrika, iyadoona labadaasi dagaal mid k amid ah uu bilaawday 16 Bishii Oktobar ee sanadkaani,kadib markii kenya ay weerar ku soo qaaday soomaaliya,halka kan kala laga filayo in yahuudu ay ka holciyaan Wadanka Suudaan iyagoo Taageeraya Kirishtaanka Ku nool koonfurta suudaan oo Dowladda Doortay.

Yahuuda oo iyagu aaminsan inay yihiin shacabkii uu alaah doortay ayaa muuqanaya hadda kuwo usoo jeesteen sidii ay u dardargin lahaayeen firfircoonadoodii gumaysi ee ka dhan ah qaaradda Afrika Gaar ahaan wadamada Muslimiinta ah oo Soomaaliya ay ku jirto
       

Shariif oo Lumin Doono Taageerada Carabta.
Madaxwaynaha Dowladda KMG oo wadamo Carbeed Taageero Ka haystay ayaa Haatan u muuqda Mid Lumiyay Taageeraddii wadamada Carabta Maadama uu ayiday DuulaankaKenya.

Shariif  Shiikh Axmad Madaxweynaha Dowladda KMG oo looga Yeeray WadankaKenyaayaa u ambabaxay 14-Bishii October iyadoona 16-kii Bishaan Heshiis Ku saabsan Duulaanka Kenya Lagalay Madaxwaynaha WadankaKenyaiyoKanwadanka Ugandha.

Heshiiska Shariif ee uu ku badalay Mowqifkiisa Duulaanka Kenya waxaa Dhab ah inuu Ku weyn Doono Wadamo badan oo Taageersanaa Kuwaasi oo ay ku jiraan wadamada Turkiga iyo iiraan oo Xurguf Dagaal kala dhaxayso Yahuuda oo Kenya u muujisay inay ku garab taagan tahay Duulaanka ay ku soo Qaaday Wadanka Soomaaliya.

Dad Badan oo Muslimiin ah Soomaaliya ay ku jirto iyana waxaa ay noqon doonaan kuwa Dagaalama Haddii Yuhuudu ay bilowdo Taageerada ay sheegtay inay u fidin doonto DowladdaKenya. ,Dhaqaalaha Dunida oo Xiligaan Dhulka Galay Gaar ahaan wadamada Sheegay inay Hormareen ee Yurub, Ameerika iyo Yahuuda ayaa Xiligaan Doonaya inay Dagaaladdii Dhaqaalo Doonka ahaa ay ka wadeen Wadamada Carabta u soo Weeciyaan Wadamada Hodanka ee Qaarada Afrika.

Si kastaba la arki Doonee Halka ay Xaajadu ku biya Shubanto, waxaana ku soo Gabagabaynayaa Dunida Caalamka Muslimiinta K unool Qabsada Xariga allaah Taageerana Walaalihiina u dhibaatoonaya Maxaad u qaadateen Diinta Muqadaska Islaamka. Wadamada Carabtana Yaysan Noqon oraahda Oranaysa “Aamusnaatu Waa Raali”
WD:Maxamad Daahir Calasow

Muqdisho –Soomaaliya

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.