Home » Warar »

Xisbiga Hiil Qaran oo Xaruntiisa Muqdisho ku qabtey Siminaar ku saabsan Hogaaminta Wanaagsan

Waxaa Xarunta Xisbiga Hiil Qran ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Siminaar ku saabsan habka Hogaamnta Wanaagsan waxaa ka qaybgaley Qaybaha kala duwan ee Bulshada ee hoos tagta Xisbiga Hiil Qaran sida Odoyaasha , Culamau’diin ,Dhalinyarada , Haweenka iyo Waxgarad

Siminarkaan ayaa waxaa Casharo ka bixinayey Macalin Cali Maxamed Yuusuf oo si aad ah ugu dheeraadey Habka Hogaaminta Wanaagsan isagoo sheegey in Hogaaminta wanaagsan ay u qaybsanto dhowr qaybood oo uu sheegey in ay is kaabayaan taasoo lagu gaari karo Hogaan wanaagsan oo Bulshada si weyn ay ugu qanacdo.

Intii uu socdey SIminaarka ayaa ka qaybgalayaasha waxay markasta Su’aalo weydiinayeen Macalinka taasoo ku aadan hogaanka Wanaagsan iyadoo ka qaybgalayaasha uu Macalinka si Saraaxad leh uga jawaabayey waxaa markii dambe hoosta laga xariiqey in Hogaanka wanaagsan laga doonayo Mid lala Xisaabtami karo isla markaan uu yahay hagaan ay arimihiisa ay Cad cad yihiin.

Siminaarka ayaa waxaa soo gabagabeeyey Wakiilka Xisbiga Hiil Qaran ee Magaalada Muqdisho Shariif Xuseen Roobow oo u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Siminaarka isagoo sheegey in siminaarada noocaan oo kale ah ee ku aadan Hoogaaminta uu xisbiga markasta uu qaban doono si loo helo dad Bulshada ku hogaamiya Hagaan wanaagsan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Sidoo kale ka qayb galayaashii oo iyana ka Hadley gabagabadii Siminaarkaas ayaa u mahadceliyey Xisbiga Hiil qaran oo ay ugu baaqeen in siminaarada Noocaan oo kale ah la joogteeyo si loo helo dad aad ugu wanaagsan hogaamin Wanaagsan si ay Bul;shada uga baxdo Hogaanka Xun oo ay ku jireen muddo aad u dheer

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.