Home » Warar »

Mamulka Gal Mudug oo Sheegey in ay Xoog ku soo Furan doonaan Haweeney Mareykan ah iyo Nin u Dhashey Denmark

Wasiir Ku Xigeenka arrimaha Gudaha iyo amniga ee Mamaamul Goboleedka Gal Mudug Axmed Maxamed Baasto ayaa ka hadlay qorshaha maamulkiisa ee ku aadan afduubkii dhawaan lagu sameeyey shaqaale Ajaaniib ah oo ka dhacay Koofurta Galkacyo.

Baatso aya sheegey in marnaba uusan maamulkiisu ka waaban doonin sidii dib xuriyadooda ugu soo celin lahaa shaqalihii ka tirsanaa Hay’adda DDGda kuwasoo sida la sheegey lagu haysto inta u dhaxaysa labada Maamulada ee Gal Mudug iyo Ximan iyo Xeeb,Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in ay furan tahay in ay adeegsadaan xoog si gacanta kooxaha Burcadda ah ay uga soo saaraan lahaystayaasha ajaaniibta ah.

Shaqaalahan ajaaniibta ah ayaa u kala dhashay wadamada Maraykanka iyo Denmark kuwaasoo la shaqaynayay si sama fal ah Hay’ado maxali ah oo qaabilsanaa bixinta Miinooyinka ku aasan Gobolka mudug.,Shaqalahan ayaa sida la sheegey waxaa af duubtay qaar ka mid ahaa Ilaaladooda xilli ay doonayeen in ay ka duulaan garoonka diyaaradaha ee Koofurta magaalada gaalkacyo iyagoona ku sii jeeday Magaalada Nayroobi.

Mamulka gal mudug ayaa hore marar badan u sheegey in uu wax ka qabanayo arritaa isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo deynayo shaqalahas taasoo ayan waxba ka naasa caddaan. Axmed Baasto ayaa sidoo kale ka hadlay soo gelitaanka Ciidamada Kiinya ee Soomaliya isagoona sheegey in aan iyaga lagala tashan talo haatan u taalana aysan ahayn.

Wasiir ku xigeenka aya sheegey in iyagu ay ka tirsan yihiin Dawladda Fedederaalka Soomaliya isla markaana ay taageerayaan soo gelitaanka ciidamada Kiinya ee Soomaaliya maadaama xukuumadda dhexe ay arrintaa wax ka waddo.

Hadalkan wasiir ku xigeenka amniga ee maamulka gal mudug ayaa imaanaya xilli kooxaha af duubka u haysta shaqaalihii hay’adda DDG ay weeydiisteen in la siiyo lacago madax furasha ah taasoo illaa iyo iminka wax jawaab ah ayan ka bixinin Maamulada Ximan iyo Xeeb iyo gal Mudug.

Si kastaba waxaan la garanayn qaabka ay xoogga ugu isticmaalayaan Maamulkaas maadaama ay hore u sheegeen in aysan garanayn meel ay Cirib iyo jaan la dhigeen kuwii falkaas af duubka ah gaystey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.