Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta shirar muhiim ah la yeeshay wufuud ka socotay Q/midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada
Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ballaaran kula qaatay
xafiiskiisa Muqdisho wufuud ka socotay Q/midoobay oo ay kala hogaaminayeen kuxigeenka
wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay Christian Manhall iyo xiriiriyaha
Q/midoobay ee gargaarka Mark Bowden waxaaana kulamadani looga kala hadlay
arrimaha Roudmap-ka iyo wixii ka qabsoomay iyo weliba caqabadaha jira, iyo sidoo
kale kulan ku saabsanaa arrimaha gargaarka iyo barakacayaasha.

Ugu horeyntii kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo kuxigeenka wakiilka xoghayaha guud
ayaa looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa Roudmap-ka iyadoo diirada la saaray
caqabaddaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa.

Sidoo kale, kulanka ayaa si qotadheer ay uga wadahadleen sidii hay’addaha
Q/midoobay ee haatan ku shaqeeya dalalka deriska ay u soo degi lahaayeen
caasimadda iyo gobolada kale ee dalka si loo ballaariyo waxqabadka iyo la socodka
hay’addaha Q/midoobay gaar ahaana kuwa gargaarka iyo siyaasada.

Halkan ka ka daawo masawiro dheeri ah

Kulanka labaad oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaruhu waxaa goob joog ka ahaa Christian Manhal iyo xubnaha wefdigiisa waxaana looga hadlay arrimaha gargaarka iyo barakacayaasha ku soo barakacay bilihii ugu dambeeyey gudaha

magaalada Muqdisho iyo sida ugu macquulsan ee dadkan dib u dejin loogu sameyn
karo, iyadoo Mark Bowden oo ah Xiriiyaha arrimaha gargaarka ee Q/midoobayna uu
warbixin horudhac aheyd ka jeediyay shirka.

HALKAN HOOSENA KADHEGEYSO CODKII REYSAL WASAARAHA.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/kulankamaanta.mp3]

Intii uu socday shirka ayaa waxaa la daawaday sharaxaad muuqaal aheyd oo ay sameeyeen wakiilo ka socday hay’adda UN-OCHA iyo macluumaad kale taasoo ku
saabsaneyd qiimeyn ay ku sameeyeen barakacayaasha ku soo barakacay
caasimadda.

Sidoo kale, shirka oo ay ka qeybgaleen Wasiirada Qorsheynta, howlaha Guud iyo
caafimaadka ayay ku soo bandhigeen qorsheyaal ay u sameeyeen barakacayaasha
waxayna soo bandhigeen talooyin ku aadan sidii dib u dejin loogu heli lahaa
barakacayaasha dibna loogu celin lahaa goboladii ay ka soo barakaceen.

“Runtii waxaa la joogaa roobkii deyrta waadna ogtihiin waa xilligii ay dadku beerahooda
dib u beeran lahaayeen, waxaana isla soo qaadnay sidii dib u dejin loogu sameyn
lahaa dadka oo ay goboladii iyo degaanadoodii dib ugu noqon lahaayeen” ayuu yiri
Ra’iisul Wasaaruhu oo xusay in barakacayaasha loo kala qeybin doono kuwii 2011 soo
barakacay iyo kuwii mudada deganaa goobihii dowladda ugu dambeyntiina dib loogu
celin doono si farsameysan oo laga baaraan degay.

-DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.