Home » Warar »

Wasiirka Warfaafinta iyo La-Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha oo UK uga qeybgalay Strategic Communication Masterclass 2011

Seminarkan oo socday 31 October – 2 November ayaa ka soo qeybgalayaasha waxey ka kala yimaadeen Somalia, Pakistan, Democratic Republic of Congo, the US, Nigeria, Somalia and the Middle East, iyo saraakiil ka socday Wasaarada Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Difaaca iyo Wasaaraha Deeqaha ee UK, UNICEF, UNHCR, Wasaaradda Difaaca US, NGOs and khubaro la –taliyeyaal dhanka warfaafinta ah. Seminarkan socda 3da maalmood waxaa lagu qabtay goob caan ah oo la yiraahdo Wilton Park ee dalka UK. Seminarkan ayaa ahaa mid aad looga dooday arrimaha warbaahinta, gaar ahaan xaaladaha dagaalka, xaaladaha abaaraha iyado casharaduna ay bixinayeen khubaro ku takhasusay arrimaha warbaahinta caalamka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Casharada la qaatay waxaa ka mid ahaa aasaaska straatejiyada warbaahinta, caqabadaha siyaaasadda iyo hay’adaha, xaaladaha la isku dhaafsado wararka ama macluumaadka, dhanka amniga iyo militariga, sidii looga hortagi lahaa xagjirnimada, gar-gaarka bani’aadanimo, xalka mushkiladaha dagaalka, iyo warbaahinta cusub. Ka soo qeybgalayaashu waxey si wanaagsan uga doodeen arrimaha warbaahinta iyo waxii la xariira.

Seminarku waxuu ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo arrimo xiiso leh iyo kuwa xal u baahan laga dooday. Waxaana goobta lagu soo bandhigay fikrado cusub iyo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo iyo colaadaha.

Somalia waxaa ka joogay Seminar kan Wasiirka Warfaafinta & Boostada iyo Isgaarsiinta Abdulkadir Jaahweyn, La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Af-Hayeenka Dowladda Abdirahman (Eng. Yarisow), Agaasimaha Warfaafinta ee Wasaarada Warfaafinta Rooble iyo Abdirisak Aden oo Somalia kala taliya arrimaha warfaafinta.
Mudadii ay wafdigu joogeen London waxey ka qeybgaleen xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ee jaaliyadda UK. Waxey kaloo kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee UK. Waxey kaloo warbixin siiyeen Chatham House iyo Hay’ada Arrimaha Amniga iyo Difaaca (Royal United Services Institute (RUSI) for Defense and Security).

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.