Home » Faallo »

Runta ma isu sheegnaa aan rafaadka ka baxnee?

Runta waa xaqiiqda jirta oo la wajaho, waana midda horseedi karta isfaham guud oo dhexmara shacabka Soomaaliyeed ee dhibban tan iyo maalintii afka ciida loo galiyay jiritaankii Sooomaaliya.

Runta waa daawadda dhabta ah ee lagu dawayn karo in badan oo ka mid ah bulshada oo wali riya aan la rumaysan karin ku raran, rabana in ay run ka dhigaan khaasatan dadka riyooda iyaga oo soo jeeda isaga oo markaasi ka anbaqaadaaya wax yaabahii nolashiisa so maray oo saamayn ku yeeshay, hadaba maxaa ka mid ah riyada aan soconayn ee wali laga reebi la yahay Soomaalida?

1- In talada ummadda lagu qabsado xoog ku dhisan qabiil iyo qori, qaranimana sidaas ku gaaro ka dibna kala talisnimo ku dhisan anigaa dhistay ee ii dhoola cadeey ama dhagta ayaan dhiiga kuu daraa, waana kuwa wali u ooman in ay adeeg-sadaan qori caaradiis in ay qaran ku noqdaan ayaga oon iswaydiin “qaranimada ma dal iyo dad samaysta qaanuun iyo hogaan la doortaa mise waa qabyaalad qori ku raran xoog iyo xikamad darrana raba in ay ku xukumaan Soomaaliya?”.

Waa midda fashilisay dhamaan jabhadahii ku dhisnaa reerka ee waxaan rafaad ahayn aanan lag dhaxlin iyo kala qaybin qowmiyad wadaagta dhamaan inta qowmiyad isku xirta sida diinta iyo dhaqanka, luqadda iyo taariikhda [rajo -iyo rafaad].

2- In xooga la rabo in lagu qabsado Soomaaliya uu yahay quwado shisheeye, kuwa gobalka ama kuwa caalamka si ay ku xaqiijiyaan rabitaanka koox ahaan iyada oon la iswaydiin quwadahaas la adeegsanaayo ma waxay xaqiijinayaan qaranimo Soomaaliyeed mise waa duni danaheeda daba taagan? dad iyo dal Soomaalina wax ka quseeyo jirin, maxaase udiiday hadii ay rabaan in ay xukumaan Soomaalia in ay adeegsadaan xoog xikmad ku dhisan oon xabad ku dhisnayn ?.

Yey rabaan in ay xukumaan hadii shacabkii laga dhigay wax dhintay iyo wax dhoofay, wax dhiban oo nolol iyo geeri midna aan haysan maanta? sharciyad ku dhisan xoog shisheeye intay sii jiri kartaa shacabkase ma lagu bad baadin karaa sharciyadas?

3- Maamullo (adminstration) ku dhisan reer rabana in ay sidaas ku rumaystaan in ay qaran yihiin oo madaxwayne, gole barlamaan iyo wasiiro magacawday ayaga oon iswaydiin qabiil qaran ma noqdaa? dadkiise ayaga oo jabhada ah heshiin waayay ayaga oo dawlad gobaleydyo leh xuduud aan jirin ma heshiin karaan?.
Kaba darane maamuladaas qaar ka mid ah waa kuwa hawada ka dhisan oo xataa aan shaqa ku lahayn waxa ka socda meesha ay sheeganayaan iyaga oon iswaydiin war shaati aadan haysan sidee loo gashadaa, mase sheekada waa tii abwaanka Soomaaliyeed yire “madaxwayne mar idhaha”?. Rabitaanka qaranka iyo kan qabiilka sidaas ma isku qaadanaynaa mase waa un qaranaimadii oo larabo in qabiil loo badalo?.

4- In aan dago dal aan lahayn oo aan qaato baasboor shisheeye, oo aan raaco dhaqan aan dhaayahayga saarin, oo aan ku raaxaysto wax aan rafaad usoo marin, oo aan rumaysto in aan haysto dhalsho aan ahayn Soomaali, oo aan u daawasho tago dal aan dalkayga ahayn, oo aan shaqo ka dhigto cayr aan agtayda ceeb ka ahayn, calankayagii, ciidaydii iyo cududii aan ku lahaa dunidana aan cagta hoose ay galiyaan caamo aan waxba kala ogayan iyo cadaw danaysta ah, waa riyo aan rafadka ooga baxayn ee ma isdaba qabnaa oo runta ma isu sheegnaa mise riyadaas ayaan ku jiraynaa inta raadkeena dunida ka tirtirmaa.

maxay tahay runta aan rabno in aan isu sheegno si aan ooga baxno rafaadka?

1- Waa in aan rumaysano Soomaaliya in aynan xoog iyo xabad midna aan lagu xukumi karin ee xaajo iyo xikmad ay tahay qaabka kaliya ee aan ku kala bad baadi karno, dadka iyo dalkana dunida oola jaanqaadi karaan qarniga 21-aad, quwadda shisheeyena aan la maciin bidin ee quwadda dadkaaga iyo dalkaada aad ku tiirsanaato.
2- In aan wada xaajood dhab ah oo aan yeelano ay dhalaan qaran ku dhisan qiyam ka tarjumaayo:- diinteena, dhaqankeena, qawaaniin aan ku hisheeno oo dhala hogaan la doortay oo aan is dooran, jidka uu ku hogaaminaana la jeexay ee
uusan asaga jeexan, waqtiga uu hogaaminaana aan xadidinaa ee uusan asaga xadidan, qaanuunka aan ku hishiinayna uu ka sareeyo cid walba ee uusan ka sarrayn asga.

3- In aan dajisanno istiraatiijiyad ku dhisan “maxaa inaga dhaxeeya oo ay tahay in aan wada dhawrnaa? waa:- magac, masiir iyo maamul aan marna ku kala hari karin qofwalba iyo qoys walbana oo dagan deegaan loo xadido waa jibaadka ka saaran fulinta istiraatiijiyadaa aan dajisanay qiimayna lagu sameeyaa marxalad kasta iyada oo la iswaydiinayo “maxaa fulay maxaanse ku fashilanay”? haddii kale halkaan ka hayaamnay saakay ayaan ku so hoyanaynaa barito.

4- In aan fahamnaa jilayaasha jilay jahanamada Somalia ee kala qaybiyay qawmiyadii Soomaaliyeed, qaranimadii Soomaaliyana qabriga ku riday qarniga 21-aad, iyo in aan ka faa’iidaysano tajaaribta aadanaha iyo taarikhda waxii so maray dunida iyo Somalia, samaan iyo xumaanba si aan mar danbe dabinada la dhigaayo aan oogu dhicin dabayshii timadana aanan iska raacin anaga oon iswaydiin halka ay na gayn doonta sida shuciyadii, dimoqaardiyad aan qiimayn lagu samayn samaan iyo xumaan waxa ay sidato qabyaalada, musuqmaasuqa, eexda, fawdada iyo fitnada. .

5- In aan la nimaadno isku kalsooni ku dhisan in aan nahay dad walaalo ah oo wada daga dal kali ah qaran qiyamna ka dhaxeyo diin iyo dhaqankana ay yhiin kuwa aan ku kala bad baadi karno, iyo in aan kala maarmin magac ahaan masiir ahaan iyo maamul ahaan intaba, dalkana aan u fahmnaa in uu yahay guri aan wada dagno albaabadiisa gudah iyo dibadana aan waardiye joogta ah ka hayno nidaam iyo nabadna u abuurnaa si aan mar kale guriga nooga guban.

6- In aad ruaysato xikamadii nabiga N.N.K.H. oo uu yiri “qof idin ka mid ah ma rumaynin ilaa uu la jeclaado walaalkii waxa uu la jecelyahay natiisa, marka waa in aan oola dhaqanaa dadka sida aan jecelnahay in naloola dhaqmo, ma jiraa qof jecel in qof ahantiisa qoyskiisa iyo qabiilkiisa intaba in lagu xadgudbo waa maya.

Hadaba ugu dambeyntii in aad bad baadiso naftaada qoyskaaga iyo qabilkaaga waxay ku xiran tahay sida aad u bad-baadiso intas oo dhan, sidaas ayaana ku jiri karnaa ee ma ka baxnaa riyadaan so jeedka ah ee ku dhisan dhalanteed dhabtana ma iskugu nimaadnaa inta goori goor tahay ama riyadaas aan waxaan rafaad ahayn aan ka dhaxlaynin aan dhabaheeda haynaa ilaahay hana waafajiyo dhbaha badbaadada.

Ahmed Ibrahim Abdalla
ahmedqalinle@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Runta ma isu sheegnaa aan rafaadka ka baxnee? "

  1. sagaleey says:

    asc dhamaantiin, qoraaga aad iyo aad ayuu ugu mahadsanyahay qoraalkan qiimaha badan runtii waa u bahanahay qof walba in intuu daabacdo qoraalkan, maalin walbaa naftiisa waydiiyo maxaa ka qaban karaa masiibadan, waayo runta ayaa naloo sheegay waxa ku xiga waa in ay ahaato ficil, siiba ragga soomaaliyeed masuuliyada wadanka adinka ayay idin saarantahay adinka ayaa la idinka rabaa dhibka soomaaliya ku jirta sidii looga saari lahaa. qoraaga waxa uu noosheegay cudurkii iyo daawadiiba laakiin waxa ragga soomaali u yaala sidii ay ficil u qaadi lahaayeen. sida aan aniga aaminsanahay waa sida uu qoraagu sheegay waxaan ku qanacnay in qaxootimo ku noolaano dalal shisheeye aan ku safarno baasabooro wadamo kale. dal walba dad ayaa nafta u hura aloow naga soo saar ku daacada.

  2. axmed says:

    asc qoraagu waa mahadsanyahay runtu waxaa weeyaan reer muqdishu
    dawlad noqon waaye in dawlad loo dhisana ma rabaan, waxaa
    markhaanti kuugu filan waxaan xamar ka qaxay 1991 waxaan tegey bosaso weli isdilkii wuu ka socdaa caasimadii wadanka.xalku waa in
    deegaan walbana ay dadka degani ay hagaajiyaan ka dibna aanu dawlad
    federaal ah isugu nimaadno taas reer xamar marabaan ,caasimada in laga
    wareejiyona marabaan nabad ha helaane dadna iyagaa isula fiican.

  3. kaahin nuur says:

    asc waraxmah, aad ayuu u mahadsanyahay qoraaga maqaalka, waxaa mudan xasuus in Soomaalidu ayna diyaar u aheyn in ay ogaato runta. waxaa wax laga yaxyaxo ah in 20 sano iyo ka badan ayna maaweeliyaan dad aan wadaniyad laheyn oo damiir Soomaalinimo uusan ku duxin lafahooda. walaalayaal Soomaaliyeey xaqiiqdu waa mida ina hor mudan, xaqiiqdu waa baaba,a Muqdisho, xaqiiqdu waa idlaadka ubadkii, hooyooyinkii, iyo waayeelkii Soomaaliyeed, xaqiiqdu waa duulaanka qaranimadii Soomaaliyeed ee Kenya, xaqiiqdu waa sunta badaheena lagu shubay, xaqiiqdu waa xalaalaysiga dhiiga Soomaaliyeed ee lagu banneysanayo Diinta Sharafta badan ee Islaamka. walaalayaal hadal wax ma kordhiyo ee maynu kacno, gacmaha is qabsanno, qabiilka ka tallaabsanno, is walaalaysanno, is maqalno una guntanno sidaan u soo celin laheyn sharaftii Soomaaliyeed.

  4. warsame says:

    Waa umahad celinayaa qoraaga maqaalka iyo dadka afkaartooda ka dhiibtay maqaalka oo ah runta ma isu sheegnaa soomaaliyeey.gaar ahaan waxaan mahad u celinayaa fikirka uu ka dhiibtay LIBAAX oo aan u arko in uu yahay ninka kaliya ee runta taabtay oo inoo sheegay hadaynu wax ku qaadan. waxa uu sheegay arin hadaan ka fakaray ay ii soo baxday dhibtuba inay tahay caasimada waxaan dib u eegay gobolada dalka oo dhan iyo magaaloo yinkooda waxaan ogaaday in wax dhib ahi ka jirin oo lagu nabad qabo intooda badana ay ka jiraan maamulo goboleedyo.

    Waa run aduunyadu way dhacdaa in labadalo caasimad daliilkeediina waa haynaa oo maha wax cusub naijeeriya ayaa kamid ah.waa run oo caasimada shacabka soomaaliyeed mawada dagana siday ahaan jirtay dagaalada sokeeye ka hor.waa run oo laysma way diinayo caasimad ku xigeen koobaad iyo labaad baa jiray oo ahaa hargaysa iyo kismaanyo hadii caasimadii sababa jira awadood la xasilin waayay kuwa kale mid kamid ah haloo guuro maxaa diidaya??

    Runta laysuma sheegayo lamana ogala maxaa yeelay ninka ku doodaya reerkaygaa iska leh MOGDISHO oo sina loogama guuri karo maha nin diyaar u ah in soomaalidu heshiiyaan oo dalku inoo dago hadana asagoo diidaya beelaha soomaaliyeed dagaanada ay dagan yihiin qabyaalad iyo danaysi dartii hadana ku leh soomaaliniman rabaa dawlad nimaan rabaa afka baarkiisa ah!!! casimada laga guurimaayo,waa hagaagee nabadayn maayo,meelkalana doonimaayo laakiin soomaalinimada iyo in aynu dawlad helo waa rabaa sidee laysu waa fajin? runta laysu sheegi maayo maadaama maqaalku yahay runta halaysu sheego.

    Waxaan fahmayba hada xalkii oo aad u dhibyar oo ah in baar lamaanku u codeeyo caasimad halka laga dhigayo iyo in la furo dal iyo dibadba doodo la xariira arintaan.waan qabaa in dalku dagayo waxaa daliil u ah maxaa hada ka jira oo dhib ah hargaysa gaalo iyo muslim waa kaa lawada joogo oo nabada ah,maxaa dhib ka jira garoowe labadaa meelood waa uun tusaale meelo kale waa ladagi karaa waxaa hadaba meesha ka baxaya in caalamka hagardaamada ku haya soomaaliya ee leh casimada nabadeeya in lawaayo casimada soomaaliya nabad maha.

    Markiiba waxaa imanaya safaaradihii,markiiba waxaa imanaya xiriirkii caalamiga ahaa,markiiba dawalad buuxda oo la aqoon sanyahay ayaa iman lahayd ileen hada dawlada maha mid si sharciyan ah caalamku u aqoon sanyahay oo leh warqado aqoonsi.nina hada ma cadayn karo qof soomaali ah warqado ahaan dhalashadiisa soomaalinimo maadaama ay udanbaysay aqoonsi buuxa oo dawlad nimo 1991 dawladii burburtay.

    Hadii casimada laga guuro sida LIBAAX sheegay waxa markiiba imanaya meel nabad ah dawladna ku shaqayso caalamkoo dhamina wuu kuu imanayaa oo wax kula qaybsanayaa oo ku aqoon sanayaa sidaad shalayba ahayd.laakiin sidan ciidamo afrikaan ah oo lacago kugu dul cuna oo mashaariic kugu dul furta ayaa jiraysa sababtuna waa caasimadu waa muqdisho nabadna maha.sideen ku aqbalaa arinkaa soomaaliyeey.aduunkuna gar buu inaga joogaayoo waa run oo caasimadii soomaaliya nabad inagu kama dhigayno oo rajo xataa malaha waa is ognahay meesha 21 sanadood reer baa dagan.

    Soomaaliya lama wada ornkaro nabad maha waxa mudadaas dheer aan nabada ahayn waa uun caasimada oo lasugaayay run laysu sheegi maayo oo dad baa kudooda dhibtu waa soomaalida oo dhan iyagoo xaqiiqda ka leexanaya oo simaya hargaysa iyo garoowe lasimaya xamar mana sina saynu wada ognahay xaga nabad galyada iyo maamulkaba. waan taaageerayaa in caasimad la raadiyo oo labadalo mogdisho laga aag badasho meelkasta haloo guuree mahad sanidin dhamaan tiin.

  5. asc .dhamaan waan salaama shacabka somalaayeed meel kasta oo dunida ka jooga iyo inta ka bixisay comments,midda kale haddi aan dhabta aan la istaabsiin dhabana aan wada qaadin dhibka kama baxayno . so bixitaan hogaan horseeda nabad ka dhalata somalia iyo hannaan aan ku kala badbaadno waa mid no wada taal si aan ku xaqiijinnana waxay ubahantahay dareen taabta damiirka qofka somaliga ah ee maanta marka sawir laga bixyo halka oo ka soo jeeda iyo sida ay tahay sawirkeeda waa mid laga naxo sida fawda fitno gaajo colaad cudur ,tusaale kasta oo xun oo dunida ka jirana aan matalno waa masiir xumo nagu dhacday magaceenana mugdi kalisay ee ma isdaba qabanaa intaan ka gudubno xayndaabyada naga xayiray xornimada maaraynna aan u hilno masiirkeena mustaqbalka .

  6. libaax says:

    Waxay ilatahay xalka dalkeena soomaaliya ee ay ku habsadeen colaadaha sokeeye ee socda 21 sanadood walina sii socda inay tahay iyada oo aan si miyir leh wali laysu waydiin suaasha ah

    1.Dagaalada sokeeye intayna dhicin soomaaliyeey maxaa isu keen hayay oo aan dawladku ahayn?

    2.Hada sideen marlabaad isugu nimaadnaa oo dawlad ku helaa?

    Waxaan aamin sanahay si qodo dheer in aan marnaba laysu waydiin suaalahaas labada ah.waxaan aamin sanahay xalkii baynu garan waynay sidaynu u wajihilahayn mudo 21 sanadood ah. hadaan ka jawaabo suaalahaas kor kuxusan oo aan u arko furihii xalka dalkeena soomaaliya.

    1.Waxa isku keenhayay waxay ahayd diinta,luuqada,degaanka,dhalashada soomaalinimo.dhaqanka.tani waa arinta guud ee soomaalinimada isku haysa lagana midaysan yahay. laakiin marka loo koco waxa isku keenhayay dawladnimadii jawaabta saxda ah waa CAASIMADA MOGDISHO. hadaba waxaynu dawlad ku ahayn oo ku midaysnayn wada haysanay inaga dhaxaysay CAASIMADA MOGDISHO.caasimadii markii ay burburtay oo laysku laayay waxaa kala yaacay dadkii soomaaliyeed ee ku midaysnaa CAASIMADA.waxaana u haray qayb yaroo kamid ah umadii soomaaliyeed.

    2.Mar labaad waxaynu isugu imaan karaa inaynu helo CAASIMAD aynu kumidaysanahay xalku waa intaa mushkiladu waa CAASIMADA. hada eega MOGDISHO laga soo bilaabo 1991 waxaa laga doortay 4 madaxweeyne midna kama hirgalinin nidaam dawli ah. sababtu waxaa weeye CAASIMAD maha laakiin way ahaan jirtay. shacabka MOGDISHO dagani dhab ahaan madoonayaan in lahelo nidaam dawli ah oo ka hirgala MOGDISHO oo lama orankaro beel aahan bay u xintamayaan oo sigaara ayay wax urabaan sad bursi ah lama orankaro waayo 4 madaxweeyne 3 waa beeshooda haday sidaa wax utabanayaan.majiro shacab taageera dawlada hada jirta iyo kuwii ka horeeyay mana aha dhibtu iyaga ee waa CAASIMAD shacabkii u dhanyahay baan jirin markaa lama helayo shacab kale oo gobolada dalka kakala yimid oo usoo baxa inay taageeraan dawalda majiro. markaa dawlad aan shacab lahayn taageeraa siday u jiri kartaa??
    Hadaba mushkiladu waa caasimad la aan ileen caasimad waxay ahayd midii shalay isukeen haysay.

    Xalku waa in aan maanka galinaa hadii soomaaliya larabo in la bad baadiyo oo dhiig soomaalinimo wali jiri iyo wadani in la raro CAASIMADA oo lageeyo meel aynu isugu tagi karo oo nabad ah sida HARGAYSA ama GAROOWE ama BAYDHABO. waayo shucuubta goboladaa dagani waxay u arkaan oo garanayaan masuuliyad gaara oo ah inay soo dhaweeyaan dadkooda ugu yimid gobolkay daganaayeen faa iido dhaqaale dhismo iyo magacna way utahay markaa raali bay ku yihiin inay la shaqeeyaan dawladaas.

    Doqonimo ayaa ina haysee dhulka ilaahay baa inagu beeray ina siiyay soomaaliyeey hadii caasimadii dhib laxalinkarin haysto waa la aag badashaa oo dhul inaguma yara maxaynu la fooraraa 21 sanadood oo wax rajo ah anay kasoo socon CAASIMADII hore ee soomaaliya.

    21 sanadood waxaa inagu adag kaliya badal caasimada!!! xalku waa intaa dhiba majiro inta kale waa israacin uun.waxaadna ogaataan inay suuro gal tahay in labadali karo caasimad oo gobolkale ama meel banaan ladagi karo hadiiba aan xalku helayno waa arin layeeli karo.

    Gobolada dalka soomaaliyeed miyaanay cod lahayn maxaa qasbaya magaalo duntay shacabkuna uu haleelay waxa aan uugu yeero oo ay dhab ahaan yihiin oo ah DAWLAD KA FIIG waa xanuun cusub aad ufiiriya arinkaa maha qabiil iyo wax lamid ah shacabku MOGDISHO waxay kumidaysan yihiin in aan wax maamul ah imaan MOGDISHO kana hirgalin shacabkale oo ka fikirduwana hade waa ogtihiinoo ma joogo.

    Caasimada oo laga guuraa maha in cid lagu xumaynayo cidna maba laha caasimad sideedaba ee waa dalku inuu helo xal iyo dawladnimo hadii marhore lasamayn lahaa fikirkaan waa hore ayay soomaali heli lahayd dawladnimo sharaf iyo kala danbayn markaasay shisheeyaha iska celin lahayd.sidaas ayay ilatahay

  7. cabdirisaaq says:

    “In aan dago dal aan lahayn oo aan qaato baasboor shisheeye, oo aan raaco dhaqan aan dhaayahayga saarin, oo aan ku raaxaysto wax aan rafaad usoo marin, oo aan rumaysto in aan haysto dhalsho aan ahayn Soomaali, oo aan u daawasho tago dal aan dalkayga ahayn, oo aan shaqo ka dhigto cayr aan agtayda ceeb ka ahayn, calankayagii, ciidaydii iyo cududii aan ku lahaa dunidana aan cagta hoose ay galiyaan caamo aan waxba kala ogayan iyo cadaw danaysta ah, waa riyo aan rafadka ooga baxayn ee ma isdaba qabnaa oo runta ma isu sheegnaa mise riyadaas ayaan ku jiraynaa inta raadkeena dunida ka tirtirmaa.

    maxay tahay runta aan rabno in aan isu sheegno si aan ooga baxno rafaadka”

    Warkaas waa sida aad u tiri.
    Mahadsanid, walaalkeen Axmad

  8. Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu.
    Waxaan aad ula dhacay luqadda uu maqaalku ku qoran yahay iyo sida uu u isticmaalay qoraagu luqaddaas.
    Inuu qoraagu adeegsado luqad sare, islamarkaana uu u adeegsado ujeedadii uu ka lahaa, waa arin u baahan aqoon xeel dheer xagga luqadda aad wax ku qorayso iyo dareen dhan ah oo la xiriira qadiyada aad ka hadlayso.
    Aad iyo aad ayaan ugu mahad calinayaa qoraaga.

    C/llaahi Sh. Xanbali Xaaji C/Suldaan
    Odense – Denmark.

  9. Bilqeyr. says:

    waa wax loo bahan yahay in runta leesku sheego oo laga baxo riyada dib udhaca keentay dadka soomaaliyeedna waa ay macaadeen nabad la’aan iyo anaa awood leh waxana kalifay qoriga iyo qabiilka waxayna ubaahan tahay siyaasi weyn oo aan dan ka laheyn in uu doorasho galo balse isku daya in uu isu keeno soomaalida kala faniintay ee ka bixi la’ qabiilka iyo qoriga somalia haddii ay hesho hogaamiye weyn oo loo xilsaaro in uu cirib tiro magaca qabiilka qorigana ka qaado waxa soo baxayo nolol cusub iyo nabad iyo barwaaqo wadankana aad ayuu udhismayaa.

    hadda dowladan kmg waxay ku dhisan tahay qabiil oo markii lasoo dooranaye waxa lagu doortay reer hebel booskaas ayey leeyihiin taasina waa riiyadii runtu waxay imaaneysaa markii magac qabiil laga tago oo leesku doorto aqoonta iyo nin walibow nasiibkaa aqoontaada halkey ku dhigto baad taagantahay qabiilna jago kuma heleysid qorina kuma heleysid.

    marka haddii la heli lahaa hogaan sidaa wax uwada waa laga bixi lahaay riiyada runtana waa iman laheyd.

    qoraagan waxan weydiinayaa ma heysaa hogaan aan jago doon aheyn oo soomaalida sidaa iskugu soo celsha kadibna qoriga iyo qabiilka maskaxdooda ka saaro?

    qori haddii la waayo anaa awoodleh ma jireyso qabiil haddii la waayana aniga iihiili imaan meyso labadaas arimood ayaa ugu muhiimsan in soomaalida laga jaahil bixiyo haddii la doonayo runta in leesku sheego.

  10. Qaran doon says:

    Asc.

    Marka hore waxaan salaamaa dhamaan bahda saxaafadda ee somalitalk, shaqada ay bulshada somaliyeed u haayaan iyo sida ay u dhowraan qaranka somaliya dhanka wacyigalinta iyo dhanka soo bandhigida qorshaha Cadowga somaliyeed, gaar ahaan badda iyo barriga somaliya.

    arinka xiga

    Mr. Axmed Qalinle, aad ayaan oga faa,iideystay Qotaalkaadii ku suntanaa!
    Runta ma isu sheegnaa aan rafaadka ka baxnee?
    waana kaaga mahadcelinaa,

    Xikmad badan iyo baraarujin qiima badan ayaa ka buuxay allaha naga dhigo kuwii qaato oo hirgaliyo

  11. walaal waa maqaal qiima badan maashaa Allah meelaad joogtaba Allaha ku dhowro, qiiro ayuu igu abuuray akhrinta maqaalkan.

  12. salaan aad uqiimo badan kadib ustaad Axmad Sheekh Ibraahin (QALINLE), aad ayaad umahad sana tahay maqaalka aadka uqurux badan ee aad noosoo bandhigtay ilaahayna hakuubarakeeyo miskaxdii uukasoo maaxday, akhiiyow laakiin maanta dhibka nahaysta ayaa ah inaan larabin in runta laysu sheego. waad mahadsan tihiin dhamaan.