Home » Maqaallo »

QORSHAHA QARSOON EE YEMEN

Waxaa jirta in beryahan danbe ay warbaahinta dunida ku badan tahay wadanka Yemen, taasoo wadamada reer galbeedku leeyihiin waxaa joogta Alqaacida weliba ku xoog weyn, haddaba si aynu wax ogaano arimaha dhabta ah ee Yemen waa inaynu fahamnaa wadankaas, sida taariikhdiisii hore, tiisii gumaysiga, tiisii markay kala ahaayeen labada wadan, tii markay midoobeen iyo sida xaalku maanta yahay, haddaba kusoo dhowow akhriste adoo mahadsan.

Taariikhdii Hore ee Yemen oo kooban:

Yaman ( Boqortooyadii Sabaa) waa dal Muslim ah wuxuu dhacaa Bariga dhexe ama koonfurta Jaziirradda Carabta , wuxuu xad laleeyahay waqooyi wadanka Sucuudiga 1458km, Bari wadanka Cumaan 288km, Koonfur Gacanka Cadmeed iyo Galbeeka oo ay ka xigto Badda casi (1906km oo ah xadka badeed ee Yemen).

Yemeni waxay ka mid tahay wadama ugu xadaaradaha fog dunida ,waxaa kaloo la sheegaa in caasimadda Sanca ay tahay magaalada ugu faca weyn magaalayowga dunida, waxaana mar iskudaye inu qabsado oo uu xukumo boqorkii Augustus ee ahaa boqorkii koowaad boqortooyadii Roomaaniyiinta.

Yemen waa wadanka 51 aad ee ugu dadka badan dunida tiradiisuna tahay in kabadan 23,822,783 oo qof, isagoo korodhka dadkiisu yihiin 4.7% taasoo keenay in halkii kiiloomitir ee laba jibaaranba ay ku noolaadan dad dhan 35 qof, waana dal celcelis ahaan uu badan yahay raggu sida saamiga 1.03:1.waana wadanka keliya ee kuyaala jaziiradda Carabta ee ah Jamhuuriyadda.

Dadka Yemeneed 65% waa Sunni, 33% waa Shiico, 2% waa diimaha kale, dadka Yemeneed 80% waa Carab, 5% waa dadyawga kale 15% waa dad Afrikan ah oo la carabeeyey.

Dadka Yemeneed waa dad ku nool badankoodu magaalooyinka waaweyn, magaalooyinka ugu dadka bdaan waxaa ka mid ah Sanca, Cadan, Tacis iyo Xudayda.
Yemen waa dal carbeed oo islaamay ka hor wado badan oo hadda islaam ah, waana wadan si dhaqso leh uqaatay diinta islaamka intii uu noolaaba Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee 630 kii iyagoon lagu qasbin, waxaanuu nebigu NNKH u diray inu waali ka noqdo oo diinta baro saxaabigii Jaabir ibnu C/laahi ilaahay Raali haka noqdee.

Haddi aynu fiirino taariikhdii hore ee Yaman muddo 3000 oo sano kahor ah dhalashadii Nebi Ciise nabadgeliyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee carabtii koonfur ee ku noolayd Jasiirada Carabta ayaa waxay ku midoobeen hogaankii ninkii la odhan jiray Qaxdaan, Qaxdaan wuxuu lahaa 24 wiil, wiil ka mid ah wiilashiisa waaxa la odhan jiray Yacrub ( Nabiyullahi Huud ayaa awow u ahaa sida kuqoran kitaabka Baybalka Eber), Yacrubna wuxuu dhalay wiil la odhan jiray Yashjub, Yashjubna wuxuu dhalay wiil la odhan jiray Cabdu-Shamsi, wiilkaas Cabdul-Shamsi ayaa leh Magaca Saba ama si kale haddii loo dhigo waa halka ay qabiilooyinka Yemen oo dhami ku abtirsadan, Cabdul-shamsi wuxuu dhalay laba wiil oo lakala odhan jiray Ximyar iyo Kaxlan,
Si kale haddii loo dhigo Qaxdaan waxaa loo kala qaybin karaa laba qaybood Ximyar iyo Kaxlaan, Kaxlaan wuxuu u kala baxaa shan qabiilo oo kala ah Tayy, Asdi, Lakhma ( waxaa kasoo jeeda Jamaal Cabdulnaasir kii Masar), Xamdan iyo Kindax, qabiilkan Kaxlan dunida ayuu ku kala faafay intii soo hadhayna waxay deganaan jiray dhulkii laga sameeyey Biyo xidheenkii Ma’rib ilaa uu ka dumo, markaasaa intii soo hadhayna uguureen Mosabataamiya iyo Suuriya.
Marka aad eegto taariikhdooda fog, wadamada Cumaan, Saudi Arabia, Ciraaq, Baxrayn, Suriya, Falastiin, Lubnaan iwm waxay kasoo jeedaan qabiilkaas Kaxlan ee Yementa ah, tusaale kale Nabiyulaahi Muxamed oo quraysh ah waxay kasoo jeedaan Yemen asal ahaan waayo waxaa Mecca degay qoladii la odhan jiray Jurhum ee uu la degay Nabiyullaahi Ibraahim, ee Nabiyullahi Ismaaciil kudhexdhashay kana guursaday , waana sababta uu Carab u noqday Nebi Ismaaciil NNKH, waayo hooyadii waxay ahayd Sarah oo Masriyad ahayd, si kale weliba haddii aynu u dhigno, Qurashtii uu ka dhashay Nebiyullaahi Muxamed NNKH waxay kasoo jeedaan Jurhum, Jurhumna waa kasoo jeedaan Xaritha Amr Bin Muzaqiba, Reer Xarithana waxya kasoo jeedaan Reer Azd, Azd waa mid ka mid ah wiilashii shanta ayaa ee uu dhalay Kaxlan, halka qabilada kale ee Aws iyo Khasraj ay kasoo jeedaan Thalabah Amr Bin Muzaqiba oo ay Xaritha walaalo ahaayeen.

Dadka taariikhda qoraa waxay rumaysan yihiin inay Yemen tahay wadanka keliya ee dadkiisu wada yihiin Semetic, taasoo macnaheedu yahay in Yemen taariikh ahaan aanay lahay dad ku hadla luqad aan ahayn luqada Semitic (waa luqada ay ku hadlaan wadamada Carabta, Amxaarada, Yuhuuda, Tigreega, Tigrinya oo reer Ereteria ah, reer Malta (luqada reer malta waa luqada qudha ee Semetic ah ee hadana kuqoran Laatiinka). Yementaas ku hadli jirtay Semetic waxay kaloo degeen dhulka sare ee buuralayda ah ee Itoobiya.

LASOCO QAYBTA LABAAD

DIYAARIYE

CABDI CALI MAXAMED

Abdi2234@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " QORSHAHA QARSOON EE YEMEN "

  1. aad baan uga helay qudheeydu,soo dadaji qeeybta kale bro..mahadsanid..

  2. Abuxudayfah says:

    Waa taariiq aad u fac wayn , runtiina waan ku farxay sida Qoraa Cabdi uu u lafa guray gunta hoosana uga soo meeray , taariikhda dhabta ah ee reer Yemneed , waxaan sugnaaba weliba waan u dhararsanahay qaybta labaad . Mahadsanid.