Home » Warar »

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo hay’addaha gargaarka ugu baaqay inay dardargeliyaan bixinta Mucaawinooyinka

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa ku bilowday in Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo uu wehliyo Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Mudane Aadan C/llaahi Aadan ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho isagoo u kuurgalay Raashinka gargaarka ah ee la keenayo Dekedda iyo habsami u socodkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisan ka bilaabay Xafiisyada Wasiirka iyo maareyeyaasha Dekedda halkaasoo ay warbixino ku siiyeen, wuxuuna dhankiisa u faah faahiyay socdaalkiisa uu ugu kuurgalayo habsami u socodka howlaha gargaarka ee soo gaaraya magaalada Muqdisho kuwaasoo ka imaanaya dalalka Caalamka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo kormeer bakhaarada dekedda oo ay ku jiraan mucaawinooyin ka kala yimid dalal fara badan oo ay ka mid ahaayeen Turki, Imaaraadka Carabta, Iiraan, Japan iyo China kuwaasoo qaarkood loo daabulayo gobolada dalka, sida ay noo sheegeen maamulka dekedda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta kula hadlay mid ka mid ah gudaha bakhaarada Dekedda wuxuuna ka codsaday hay’addaha gargaarku inay dardargeliyaan bixinta mucaawinooyinka maadaama lagu guda jiro maalmaha ciida, isagoo dhanka kalena ganacsatada ka codsaday inay u dhimriyaan dadka taagta daran oo ay maciishada raqiisiyaan.

Ugu dambeyntiina Ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey inay ciidan ciideedaada ku gaaraan Nabad, Barwaaqo iyo Horumar.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo hay’addaha gargaarka ugu baaqay inay dardargeliyaan bixinta Mucaawinooyinka "

  1. libaax says:

    Waa umad uun iska daba laabanaysa oo aan wax xikma ah lahayn.xamar nabadaynteedii umada soomaaliyeed kasugaysay reerkan dagan away?? ileen hada caasimada lama wada dagana sidii waayadii hore ee ay umada ka dhaxaysay.waxay ka sheekaynayaan oo isku haystaan raashinkii gargaarka ee loogu talagalay dadkii kasoo barakacay dhulka digil iyo mirifle. intii bay isku haystaan oo dadkii loogu talagalay kaajo ugu dhimanayaan xamar. ciidamada xamar kusugan ee lagu sheego dawlad kumeel gaar ah maha ciidamo gobolada dalka ka kooban waa dagaal oogayaashii xamar ciidamadoodii iyo kuwo lagu sii daray iyagayna ka amarqaataan dhab ahaan macnaha reerkani waa reer uu haleelay cudurka layiraahdo DAWLAD KAFIIG!! ninkale oo soomaaliyeed haduu madaxweeyne yahay iyo mid iyaga ah haduu madaxweeyne yahay sida cabdiqasim,ali mahdi,shariif waa isku mid uun shacabkan xamar dagan ee DAWLAD KAFIIGA AHI.

    Waxay ilatahay in soomaalidu hoos wax u eegaan 21 sanadoo ayaan fahmi la nahay dhibaato 21 sanadood socota xalkeeda. run ahaan xalku waa sahlan yahay meesha laga raadiyay ayaa 21 sanadood khaldanayd oo ah in xamar layiraahdo waa caasimad dhibta tanaa keentay bababtoo ah guryaha uun maha waxa dumay waa dadka kunool oo ah DAWLAD KA FIIG. waxkastoo yimaada oo hanaan dawladeed leh way duminayaan wayna umidaysan yihiin. xalku waa casimada oo labadalo marharo ayaa dalku dagi lahaa dawladnimana laheli lahaa dhab ahaan. laakiin nasiib xumo somaalida oo fahmi waysay xalka halkay ka raadin lahayd iyo dadka xamar oo ka shaqeeya in aan meel kale la aadin si aanay u fashilmin ama dawlad aan loo helin. waana arin khatar ah.

    Marhadii aynu niri xalku waa badalasho caasimada waxay ilatahay inaad fareemi karaysaan intii yarayd ee baydhabo kumeel gaar ahaan loo joogay wax dhib ah laguma qabin dadka u dhashay dagaankaas soo dhawayn mooyee markaa balkawarama hadii HARGAYSA LAGEEYO CAASIMADA AMA MARKA AMA GAROOWE??? maxaa dadka ku dhaadhaamay meel aan qarniyadan waxba kasoo socon oo xataa gaartay heer afrikanku lacag ku cuno oo iibiyo. Doqontaan fahmi karin ee diin maha muqadas ah in xamar sii ahaato caasimad oo aan laga guuri karin,aduunka dawladaha ku dhaqani way badalaan casimada ayadoo loo eegayo,dhan cimilo,dhan ku haboonaan,dhan nabad galyo.way badalaan casimada oo dalkooda gobalkay doonaan dagaan ileen waa isku mid ee.hada miyaanay ina haysan dhibaato dawlad la aaneed 21 sanadood oo ay sababtu tahay oo kaliya xamar oo ah caasimad wali.hadii laga guurana dalku dagayo.war bal umad yahay dib halaysugu noqdo rajo soosocotaa majirto ama laga sugaa xamar sidaasay ilatahay.

  2. Soomaaliya waxaa ka da’ay Roobab in laga faa’iideysto ay tahay, Dowladdu waa in ay dadka siisaa ABUUR ay ku abuurtaan Beeraha, hay’adahana iyo dowladaha saaxiibada ahba ay ka codsataa in dadka la siiyo qalabka beeraha lagu beerto, Ma’aha in dadka xiligii ay wax abuuran lahaayeen lagula dagaalamo raashin been ah oo LABO HABEEN aan dhaafsiineynin. SOOMAALIYA YAA U ISTAAGI DOONA