Home » Warar »

Sida looga Ciiday Denmark gaar ahaan Copenhagen iyo Randers

Maalintii Axada bisha islaamkuna ahayd 10 kii Dulxija ayaa magaalada Randers ee wadanka Denmark waxay kuwada ciideen halmeel daka islaamkaa ee degan halkaas.

Waxaa latukaday saacadu markii ay ahayd 09:00 kadibna waxaa bilaabmay khutbadii markii ay dhamaatayna waxaa bilaabmay in muslimiintii halkaa isugu timi ay isu marxabaynayeen iyagoo faraxsan. mudo Sodon daqiiqo ah ayey qaadatay intii laysu marxabaynaayey.ka dib waxaa bilaabmay cuntadii,cabidii sida caadada u ah dadka soomaalida waxaa lakeenay sambuus,bur,malaasi,iyo timir waxaa kaloo lakeenay Cocolla,fanta,iyo cabditaano kale oo aad daawan doontaan.

Halkan kadaawo sida looga ciiday Randers,Denmark

Xalfada waxaa soo qaban qaabiyey jaaliyada soomaaliyeed ee Magaalada Rander,waxayna udhacday sifiican waxaana ilaahay kabaryeynaa inuu xujeyda ka aqbalo Acmaashoodii anaga naga aqbalo oo sanadka dambe naguu gaarsiiyo Cimri dheer iyo cibaada suubaan Camalkeenana Khayr ku Khatimo,Wadankeenii hooyo ee soomaaliyana waxaan allaaha kariimkaa weydiisanaynaynaa inuu nabad nooga dhigo sanadka dambena aanu ku ciidno soomaaliya Insha Allaah.AAMIIN,AAMIIN,AAMIIN

 

Jaaliyada Magaalada Randers Denmark                                

Maamulayaasha

———————————————————————————–

Sidii looga ciiday Copenhagen:

Waxaa maanta oo axad ah, bisha dulxija-na ay tahay 10 una dhiganta lixda novembar 2011, looga ciiday magaalada copenhagen ee caasumada dalka Denmark si aad iyo aad u heer sare ah .

Munaasabada ciida oo lagu qabtay hoolka wayn ee nørrebrohallen , ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan dadka muslimiinta ah ee degan copenhagen iyo nawaaxigeeda.Waxaana barnaamijkan ciidda oo aad u balaaraa isku soo dubariday maamulka maskidka soomalida ee Tawxiid ee copenhagen,kuwaaso runtii muujiyay karti iyo maamul wanaag aad u sareeya, tusayna inay soomalidu waxna qabsan karto , ummadaha islaamkana hogaain karto.Waxaa salaadii ciida halkaa ku tujiyay dadkii sheekh Maxamud Abu Dalxa , oo ka mid ah culimada Scandaneefiyanka.

Salaadii ciida ka dib waxaa lagu tukaday salaad janaasa ah qoraagii soomaliyeed Ilahaay u naxariistee Khaalid Cali Guul oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Copenhagen.

Halkan kadaawo Ciidii  Copenhagen

Sheekh Abu Dalaxa ummadii ka soo qayb gashay Musaabada ciida u jeediay khudbad wacdi ahayd oo aad u qiimo badnayd, oo ALLE ka cabsi iyo is xasuusin geerida u badnayd ayuu ku so gabagabeeyey duco uu ummada islaamka u duacaynayey gaar ahaanaa ummada soomaliyeed inuu Ilaahay dhibaatada ka saaro.
Ka dibna waxaa bialwday barnaamijkii ciyaraaaha ee caruurta iyo wixii ay masjidka Tawxiid ugu talagaleen caruurta.

Waxaan aniga oo ku hadalaya magaca IftiinMedia  iyo Daarulcilmi.net u dirayaa hamabalyo ummada soomaliyeed meel ay jooganba, waxaanan leeyahay Ilahay dambi dhaaf iyo janadiisa ha ina siiyo. Aamin
Abdalla shafey

 

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.