Home » Warar »

Deeq loo wakiishay SomaliTalk oo la gaarsiiyey Xero ay ku jiraan Agoomo, dad dhimirka wax uga dhiman yihiin iyo carruur darbiyo jiif ah

Kaalmadaan oo ay soo dhiibatay gabar muxsinad Somaliyeed oo weydiisatey in aan  magaceeda la xusin, una baxsatay sidaqo owgeed ah, kuna nool dalka mareykanka ayaa dhameyd lix boqo Doolar iyada oo u niyeysatay muraad ay leedahay in alle u sahlo isla markaana ay kula ciidaan dadka ku rafaadsan xerada Ahlu Kheyr ee dadka waalan, agoomaha iyo ciyaalka darbiyo jiifka ah ayaan ku guuleysatay in aan deeqdaas gaarsiino meeshii  loo igmaday .

Halkan ka daawo Sawirada

Muuse Maxamuud Jisow oo ay u wakiilatay in uu garsiiyo lacagta Gaarsiiyo xerada ahlu kheyr ayaa gacantiisa ku gudoonsiiyey deeq ka kooban raashin kala duwan iyo 23 macaawis oo ah la socotay neef ari ah oo nool si ay caalmka ula qeybsadaan farxada maalinta 1aad ee ciidul alxaa .

Kaalmadaan ayaa ka koobneyd 8 loor oo bariis ah,8 saliida rashinka ah neef ari ah iyo weliba 23 macaawis iyada oo ay xerada ku jiraan 23 ka mdi ah dadka dhimirka la, oo kala ah 16 rag ah iyo 7 haween waxaana fasax ku maqnaa caruutagoomaha ah iyo kuwa darbiyo jiifka ah ciida darted

Maryan cabdiraxmaan xaaji Macow Maxamed ayaa ka hadcelisay inkasta oo uu Xijka ku maqnaa waliilka xerada Cabdiraxmaan Xaaji Macow .

Maryan ayaa sidoo kale sheegtay in ay Jiraan arday dhigata dugsi quraan xerada ku dhaxyaal iyo kuwo kale oo lagu quudiyo isla xerada gudaheeda .

Tan iyo wixii ka danybeyey burburkii dowladii dhexe ee somaliya ayaa waxaa soo badanayey dadka aan dabari karin nolol maqalmeedkooda kuwaas oo aan laheyn cid daryeesha waana kuwa ugu Liita bulshada inteeda kale .

Dadka ku jira xeruntaan ayaa heysan daryeel caafimaad iyo mid dhaqaale waxaana aan ku arkey nolol tii ugu xumeyd in ay ku nool yihiin waxaana ka mid ah kuwo laga ilaalinayo saxaradooda halka qaarkood ayba aamusan yihiin kuwa dharkooda cunayo qaar kugula hadlayo waxyaabo kaa yaabiya .

Qaarkoo silsilado ayaa ku xiran kuwa qololka kama soo baxaan .

Marka laga reebo waxyaabaha ay xeradaan ka helaan ayaanan jirin cid ay masuuliyadoda saran tahay oo u fidisa daryeel bini aadan nimo iyo mid muslinba iyada oo ay k amid yihiin qaar mudo halkaa ku xareysnaa .

Gabadha lacagta lixda boqol ah oo aan raashinkaan iyo dharka ugu iibiyey ayaan aqoon ii laheyn mana jirto cid iga wakiilatay balse waxay ku aragtay magacayga iyo taleephonkeyga internetka somalitalk.com barnaamish hore aan ugu sameeyey xeradaan ahli kheyr taas oo ay ku dhiiratay in ay ii wakiilato kaalmadaan ay aad ugu farxeen dhibanayasha ku dayacan gudaha xeradaan waxaana ugu baaqayaa dhamaan dadka Somaliyeed ee wax heli kara in ay gurmad u sameeyaan dadka sidaan oo kale u baahan in la xanaaneeyo .

Kaalmadaan ayaanah mid aan dabooli Karin baahidooda caafiaad iyo mida dhaqaale oo ay u baahan yihii masaakiintaan oo qaarkood aan magacooda si sax u sheegan Karin mana laha cid daba socoto waana dad iyada oo wadoyinka maraya laga soo uruuriyey ka dibna dadka loo baryo sidaana lagu quudiyo .

Si kastaba xeradaan ayaa manta dadka waalan farxad kula ciideen dadka iyagu aan ka warqabin in ay jiraan dad sidaan oo kale u rafaadsan iyo dhamaan muslimiinta ciidaysa waxaana wajiyadooda laga dheehan karay in ay ahaayeen kuwa ay ka farxisay gabar mareykanka ku nool oo magaceeda diiday in la shaaciyo sadaqo darted

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.