Home » Faallo »

Khaliif Idiris Cismaan : Soomaaliya Dhagax …. Kenya Ukun

Iyadoo 16-Ka Bishaan Ciidmada Kenya ay soo galeen Degaano ka mid ah Dhulka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Jubadda Hoose waxaana soo gelitaankaas  ku kala qaybsanmey Dowladda Federaalka ka dib markii uu Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu sheegey in Ciidmadda Kenya ee soo galey Dhulka Soomaaliya ay ku joogaan Rabitaanka Dowladda Federaalka halka Madaxweyne Shiikh Shariif uu sheegey In Ciidmadda Kenya ee soo galey Dhulka Soomaaliya aysan marnaba ogalaan doonin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed sidoo kale Shacabka ayaa iyana ku kala qabysamey Soo gelitaanka Ciidmada Kenya halka kuwa ay soo dhaweeyeen kuwa kalena ay ka soo horjeesteen.

Khaliif Idiris Cismaan oo ka mid   Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda Beled weyne ee Gobolka Hiiraan  una warameyey Warabaahinta ayaa sheegey in Kenya ay si garadaro ah ku soo gashey Dhulka Soomaaliya sidaa Darteed loo baahan yahay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ay u diyaargaroobaan sidii CiidAmada Kenya looga saari lahaa dhulka Soomaaliyeed  wuxuu intaa sii raaciyey “Kii Jiifayow Fariiso , Kii Fadhiyayow Sara Joogso, Kii Taagnaayow Soco waayo Waxaa Duulaan lagu soo qaadey Dhulka Soomaaliya iyo weliba Diinta Islaamka

“Runtii Kenya Mudo Konton Sanno ah wax Dagaal ah ma gelin weliba Ciidmadooda uma Tababarna qaabka loo dagaalamo , halka Shacabka Soomaaliyeed ay haystaan Waaya aragnimada Dagaalo waaweyn oo ay la galeen Itoobiya iyo weliba 20 kii sano oo ay helaan tababar aad u weyn marka waxaan Shacabka Kenya aan ku tilmaami karaan Ukun halka Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin Dhagax marka Cid weliba ayaa og haddii Dhagax iyo Ukun ay Dagaalamaan cidda guuleysaneysa marka waxaan Dowladda Kenya u sheegeyaa waa la idiin soo sirey ee ka feejignaada in aad Dagaal la gashaan Shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Khaliif Idiris Cismaan

“Hore ayaa Madaxweynhiin hore ee Kenya Moi idiin kaga digey in aad dhexdiina Dagaashaan ama Cid kale aad la dagaalantaan waayo Shacabka Kenya Mudadii dadka Soomaaliyeed  ay  ku jireen Dagaalada Sokeeye  oo gaareysa 20 sanno, waxaa Xaqiiqo ah in Hal sanno oo aad dagaal Gashaan  waxaa noqon lahaydeen kuwa isku sameeya Waxyaabo fara badan wadanka waad ka tegi lahaydeen marka waxaan shacabka Kenya uga digayaa in ay ka digtoonaadaan in aad dagaal la gashaan ummadda Soomaaliyeed  waay maanta dagaal laguma ordo inkastoo aan ogahay in  Dowladda aysan Dagaal raali ka hayn hadana waxaa dhab ah in Dowladda Kenya ay dagaalka ku riixayaan Dowladda Shisheeye oo aan marnaba ogoleyn in Afrika ay Horomar gaarto” ayuu yiri Khaliif Idiris Cismaan

“Waa ayaan daro in dadkii shaley ku Gumeysanayey aad maanta aad Naftinii Khaaliga ahayd aad u hurtaan bal dib u kocda waxay Reer Galbeedka idiin ku sameeyeen waagii idiin Gumeysanayeen marka waxay ahayd in aad Xisaabtantaan waxaana uu Mareykanka iyo reer Galbeed ay doonayaan  in mar dambe  dadkooda ay dagaalo uga dhintaan marka sidaa bay u Xisaabtameen maxaa idiin diidey in sida ay u Xisaabtameen in aad u xisaabtantaan” ayuu yiri Khaliif idiris oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey in ay ka digtoonaadaan Dhagaraha Cadowga Muslimiinta   waayo Maxaa waqtigaan keeney in Kenya ay soo Hugureyeyso Dhulka Soomaaliyeed taasi waa iska cadahay waxay is yiraahdeen waqtigaan Soomaaliya ayaa Boobi kartaan oo Tababar ma hayeen hase yeeshee Kenya dib uma fiirin 20 kii sanno Shirqooladii loo dhigey Shacabka Soomaaliyeed waxaana wadankaan ku soo duuley Mareykan iyo Xulafadiisii waana la ogaa halkii ay ku dambeeyeen , Waxaa mar kale  shacabka Soomaaliyeed loo dhigey Shirqool kale ka dib markii lagu soo jiheeyey Qabqablayaashii Dagaalka iyana waa la ogaa halkii ay mareen , Hadana waxaa la soo marin habaabiyey Itoobiya iyadan waa la ogaa meeshii ay ku dambeeyaan , sidaa darteed meeshaas loogama harin Shiqoolkii loo dhigayey Umadda Soomaaliyeed waxaa dalka la keeney Ciidmada Burundi Uganda iyagana waxaa dhab ah  in  ay fashilmeen waxaa hadda isa soo Maqiiqey Kenya iyadana halkii ay mareen kuwii ka horeeyey ayey mari doontaa

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Khaliif Idiris Cismaan : Soomaaliya Dhagax …. Kenya Ukun "

  1. cali says:

    sax run ayuu sheegay aqoonyahanka meeshsaas kawad dadaalka, dalkeena halis yee maanta kujirtaa Somalida ha kafiirsadaan cadowga.
    kenya danteeda ayee wadataaye.

    eebow, raxmaanow, dalkeena iyo dakeena ugargaar