Home » Faallo »

Gabaygii Haku daaalin iyo (Abwaan yaxye Xaashi)

Gabaygan magaciisa waxa layiraahdaa ha kudaali hanadow kuwaan haanka loo qabaye
waxaan ilifay 1.11 .2011.wuxuu daba joogaa amaba aan ku hal qabsaday gabay uu tiriyay
abawaan cadi raxiin hilowle galayr gabaygaas oo soo baxay 23:10.2011 oo la yidhaahdo Hadafsame ayuu abwaanku soomalida aad oo kaga hadlayey marxalada umada soomaaliyeed iyo dalkeedu marayo waxaa erayadiisa ka mid ahaayeen hadaan iri hayaan iyo midnimo iyo horseed fiican,hadaan iri hanaan iyo wanaag qaada hadafkiisa,hadaan iri hilmaamay wixii hore inoo reebay
ayaan anigoo saluusan somalida sida loo lahadalyo iyo sida aanay waxaba u maqlayn ayan tixdan sameeyay anigoo abwaakii samirsiinaya una sheegaya in anay dadkani waxab maqlaynin ayaan ku iri. haku daalin hanadow kuwaan haanka loo qabaye,gabaygiina waa Kan ee Bogasho wacan

howraarta gabay waayadaan hoore malahayne
hal abuur ismaan layn intuu heerku saan yahaye
hayeeshee hawaawi baxiyo hiihdan dami wayday iyo
hadal abwaan sheegay baan uga hijroon waayay
ha da gabay halyaayow adaa hooriyoon dhigiine
adigay hidaha kuu tihiyo heerka dhaqameede
adigaa hal sheeg wacan leh iyo hogo tusaalayne
adigaa u halabsada sidii horinti maan deeqe
hirka baxaya adigaa ku lara hadal iyo suugaane
adigaa huq iyo ciil kajira haybadii qarane
halistiyo adaa garan halkay hodado taalaaye
hayeeshee huq iyo ciil anaa caawa haybsadaye
waana heerka ey marahayaan hoohay dadkaygiiyee
huud iyo ancaam iyo hadii diinta lagu hoorsho
hadii hadalkii nabigeena iyo hirasho loo baaqo
hadii haawiyada naarta iyo hadimo loosheego
hedooday ka tahay in ay maqlaan hadal wanaagiiye
hadal khayr leh meeshuu kajiro dheg uma hoorshaane
hardankaa baxaayowga wacan heerka dirireeede
hiloshiyo jacayl iyo ka tage heEdhe seetahaye
hurgumada nacybkaa uga wacan huq iyo ciilkiiye
hida raaca sharaftii ka tage heer lasoo maraye
hayrnaanta ceebtawga wacan heerka ay tahaye
labadii isla hadashaa ka tage hayda maqalkiiye
hugunka iyo qayladawga wacan haada oo kala è
intaas oo hal iyo kuwa kaloon horay usoo sheegnay
ayaa heerka noloshoodu tahay waana lahubaaye
ka haraay hadii lagu yiraa oo hadal san loo sheego
halis bay naftaadii galshaan ooy ku hodayaane
haku daalin hanadoow kuwaan haanka loo qabaye
hogaankoodibaa lumay hadana haybsha may lahane
midba heerka uu joogo yuu hanad is moodaaye
ruuxuu hogaankiisa helo horor iblays waalan
habataqa ayuu kala dhacaa hog iyo booraane
dabadeed halaag iyo badaa hirasho naareede
halkaasuu hoyaadkii noqdaa kuna hagaagaaye
Heerkaa dadkeenaa la mida ina hilowloowe
iyagaan halaba doorin oo taagan hilinkaase
dadkaan aad la hadashee ku tiri hayaay kasoo jooga
misna aan halkaa marina hayn kuna hagaagaynin
oo hororka xoolaha cuniyo hagagaf aan dhaamin
isaguba halkuu neef ku cuno kuma hadaaqeene
habeenimo ayuu gali lahaa hawdka geedahaye
halyaaygii dilana wuu yaqaan wuuna hodayaaye
hareertuu ka eegaa markuu hawdka soo galo è
horay wuxuu ugaystoo ogyahay iyo hadimadiisiiye
sidaas yuu naftiisii marnaba ugu halaynayne
waxse aan hawaawiga qalbiga hadal is waydiiyay
hadii habar dugaag uu naftii hadimada u diiday
halaagaa maxaa baday dadkaan aan is hura haynin?
ma hanaanka garashaa la mid ah ama ka hooseeya?
mase heerka noloshaa sidaa ula haboonaaday?
ma hedii baxaysaan marnaba hule ka daawoobin?
mase hubuqda maashan laqubin walina hoos jiifta?
horinyaal su aalod kabadan oon helin jawaabtooda
ayaa madaxa kaygaa ku haray walina haystaaye
hayaankii la raro waa in uu sahan horeeyaaye
hirashadu halkay noqon dadyohow waa hal kuu dhigane?

Waa erayadii hal- abuurKII
yaxye xaashi maxamad
asad75love@hotmail.com

sharaxa erayada>ina hilowloowe = Cabdiraxiin hilolwle galayr waa abwaanka aan ku halqabsaday

Fiiro Gaaraa:- sida aan kor ku xusay oo gabaygii Hadafsame ayuu daba socdaa gabaygan Haku daalin hanadoow, waxii su,aal ah ama turxaanbin waxaan u ahay diyaar mahadsanidiin dhamaan.

Hadaad doonayso inaad hesho Gabaygii hore waxaad ka heli karta linkiskisyadan hoos ku qoran:-

Gabaygii Hadafsame , Waa Gabay Ka Hadlayaa Marxalada Maanta Wadanka Soomaaliya Marayo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.