Home » Warar »

War Saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa Dowladda Kenya kala hadashay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka aan si gaar ah loo bartilmaameedsan xilliyada ay ciidamadu fulinayaan howl gallada ammaanka lagu sugayo.

“Waxaan u sheegay Dowladda Kenya in dadka iyo dowadda Soomaaliyeed ay u mahad celinayaan dowladda Kenya sida ay ugu ogaladeen dalkooda in in kabadan 600 oo kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay si ku meel gaar ah u joogaan xeryaha qaxotiga Dhadhaab iyo Kakuma, iyo inaanan raalli ka ahayn in si gaar ah loo takooro dadka Somaliyeed, waana aqbashay arrintaasi wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalkan Kenya oo ay ii sheegtay in baaritanka ama howl galku uu yahay in la baarayo dadka ajnabiga ah ee ku nool Kenya, waxan kaloo u sheegay in ganacsatada Somalida ah ee Kenya ay yihiin dad dhowra sharciyada u yaala dalka Kenya, bixiyana canshur, ayna mudan yihiin in la ixtraamo” ayuu yiri Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko).

Danjiruhu wuxuu sheegay in dhawaan ay safaaraddu diiwaan gelineyso dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya si looga warqabo xaaladdooda, Taas oo sahli karta in safaaraddu ay durbadiiba la xiriirto dowladda haddii muwaadin ay wax qabsadaan ama ay xaqiijiso haddii loo baahdo.

“Waxaan diiwaan gelineynaa dhawaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaan ku sugan si aan ula soconno tiradooda, qof kasta oo dalka imaanayana wuxuu iska diiwaaan gelin doonaa safaaradda sida ay sameeyaan dalalka kaleba” ayuu yiri danjiraha oo dalkiisa sii raaciyay.

“Arrintaasi waxay sahleysaa in aan ogaano dadkeena haddii ay dhibaato soo wajahdo sidoo kale haddii nala soo wediiyo qof Soomaali ah waan xaqiijineynaa waayo waxaan heynaa Liiska muwaadiniinta dalka joogta.

Tallaabooyinkaan ayay safaaraddu uga gol leedahay in ay ku badbaadiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee waddanka Kenya ku nool, wax ka barta, ka ganacsada ama qaxooti ahaan ku jooga, waxayna Soomaalida ka socsaneysaa in ay la soo xiriiraan haddii ay la kulmaan dhibaato.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.