Home » Warar »

Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Kofi Anan “Ciidamada Kenya Marnaba ku Niyad Jebimaayaan Meydadkii ay soo Bandhigeen Alshabaab”

Faarax Macalin “Dagaalka lagula Jiro Alshabaab in uu sii socda waxaa raba Madaxda Sare Dowladda Federaalka si ay uga Macaashaan Dhiigga Askarta”

Dr Cabdiweli “Waxba kama ogi in Ciidamo Kenyaan ay soo galeen Dhulka Soomaaliya”

Zakeriyey Maxamuud “Dowladda Kenya Rabitaankeedu wuxuu Salka ku hayaa sidii ay Shidaal ugu baaran lahayd Dhulka Soomaaliya Gaar ahaan Xeebaha Jubbooyinka”

Iyadoo 16-ka Bishaan Oktoobar ay Ciidamada Kenya ay soo galeen Qaybo ka mid Gobolada Jubada hoose iyo Gaddo ee Dhulka Soomaaliya ayaa Faregelintaas Meleteri Waxaa ka Hadley Qaar ka mid Dowladdaha Shisheeye , Ururada Caalamiga, siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Wadamada Deriska la ah Soomaaliya, qaarkood si aad ah ayay u taageereen faragelintaasi halka kuwo kalana ay si aad ah uga soo horjeesteen.

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Mr Koffi Annan oo hadda ku sugan dalka Kenya qaybna ka qaaday dib u heshiisiinta dhex martay Dadka Kenya kadib markii ay isku qabsadeen doorashadii ka dhacday dalka Kenya sanadkii 2008, wuxuuna sheegay in faragelina ay Dowladda Kenya ku sameysay Soomaaliya ay tahay mid ay nabadgelyadeeda ku sugeyso. “aad baan u soo dhaweyneynaa in ciidamada Kenya galaan Soomaaliya, waayo waxay ka hor tagayaan kooxo nabad diid ah oo qas ka wada Wadamada deriska la ah Soomaaliya”.

SII AKHRI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

19 Jawaabood " Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya "

  1. ANigana Waxaan taageersanahay Mujaahidiinta raaskampooni,maamulka AZANIA iyo ciidamada walaaleheen Kenya……Somalidu caqli idinka wax isku ogolaada oo heshiiya dulmigana,dhaca,mooryaan diimeednimada iska daaya….maad ka hadashaan Ugandhiiska,maad ka hadashaan Buurandhiiska,Maat ka hadashaan itopiyaanka sii socod iyo soo socd ku dhameestay wadankii oo dhan….waxaad la’cabaadeeysaan waan garanayaa gidigiin….ninkii Bada Baxshay iyaa iskaga keen dhigayaq wadani asasgoo garba taagan yihiin ASKAR AFRICAAN AH….kenya ayaa dhaanto oo aan daris nahay siyaasadeeda iyo dhaqaaleheeda ka muuqanaa….xaalkiinu waa qabyaalad iyo isku quurid la’aan

  2. gaalkacyo says:

    asc,bacdasalan soomaalidu waxay kumahmaahdaa nacabba geeri baa ibaday,waxaan uga golleeyahay in kenya ama itoobiya naga xadkudbaan waxaa saldhig u ah kalqaybsanaanta soomaalida mafilayo inuu jiro qof aan lasocon damaca wadamada dariska kaleeyihiin soomaaliya .haday kenya somalaiya soo gashay oo kusoo xadgudubtaya dhul soomaaliyeed waxayarintu tahay gardaroo oo gaado kudarso ama waa gardaro garbo og,insha alaah waxaan rajaynayaa in qaswada isbahaysatay lajabin doono lkn waa hadii soomaalidu israacdo hadii kale waxba lama qabankaro

  3. ibu xassan says:

    kenya waxay ka tarjumaysaa fikirka khubaradeeda istaraatijiga ah..!

    please see…the link….!

    http://www.nation.co.ke/oped/Opinion/-/440808/476952/-/3lvt45/-/index.html

  4. wiil waamo says:

    sc somaliyeey horta marka hore waxaan aad ugu farahsanahay somalida qoraalada qoray oo fikradooda guud ay mid tahay. waa arin aad ii farxad gelisay tan labaad meeshan waxa ku qoran dhamaanteed waa wax dhab ah. somali diidka waxa wada waa nimanka kala qoor qooray wadanka oo si qabiilo kudhisan ukala wada. marka waxaa loo bahanyahy fikrad garab oroda tooda qaldan oo ciidan iyo siyaasad leh aanan ku dhisneen qabiil taas hadii laho waxay u noqoneesaa dhex dhexaad islaamiyiinta iyo dowladaha anma dowlad isku sheegyahada heer qaran ama mid gobolba.

  5. asc dhamaan bahda somalitalk oo mar walba la dul taagan run ka hadal iyo badda somalia soo dhicinteeda iyo wax walba oo somalia laga dhacaayo sidee u difaaci laheyd xaga war baahinta. alla ka sogoo aad iyo aad u mahadsantihiin.. runtii dhul, bada kheyraad ilaahay baa nagu muteestey balse dadnimo ma jirto, itobiya hore ayey u gashey wasaaradii difaaca somalia. ayadoon hami iska dhaafee xitaa waligeed kuma riyoonin in ay gasho. balse waa amar alle kenya …. bad ama dhul. yaa ka hor istaagi karo???? inta ay joogan 600 xoolo dhaqato isku sheegaayo xildhibaan, r/w dhahaayo ma ogi iney ciidamo kenyaan ah soo galeen dhulka somalia. madexweyne liita, gudoonka barlamaanka oo ku shaqeysta laaluush, aqoon daro, iyo sidii somalia ay ugu jiri karto dhibaato, qalalaas oo uu ku qaatey shahaado musiibo ah ( master of disast) waligee ma maqal nin aqoon shahaado ku qaatey masiibo lee…. hadal badan haan ma buuxsho waa su,aal da,weyn dalka yaa u maqan illaahey ka sogoo??????? yaa iska leh somali??? dalka waxaa ka jira gaajo, abaar, colaad, qoor iyo lug jaris, jaajuus, daneeste, dhuuniraac, waxaa ku weheliya sadex masuul oo dhabar gooyo ah iyo 600 oo nin xoolo dhaqato xildhibaan ah??? marka kenya yaa ka hor istaagi karo dhul, bad iyo cirkaba,?????? kenya hadey u hirgasho jubada iyo gedo.. waxeey noqon doontaa koonfurta iney qaadato kenya halka itoobiya qaadaneyso waqooyiga waa shaki la,aan taas…..iyo halka dalka jabuuti iyo yamen ay dhaxal u helayaan xeebaha somali qaar ka mid ah… alaa mahad leh

  6. Haddii aadan fahmi karin Heshiiska shaley la yiri waa wada galeen Somalia iyo Kenya waa sidaan:

    1) In Somalia aysan ka jirin Dawlad ay aqoonsan tahay Dawladda Kenya , kuna amartey iney saxiixdo warqaddaas muran la’aan iyo tashi la’aan maadaama Ciidanka Kenya uu soo galey Somalia kana dagaallamaayo Jubboyinka iyo Gedo.

    2) Kenya oo ka careysan Baa Bi’intii Qorshaheeda ku saabsanaa Soohdiinta Badda oo ay horey Heshiis Shidaal soo saarid ula gashey Dawladda Netherland, kaasoo Baarlamaan ku sheegga Somalia laaley, ka dib Kenya waxey door bidey iney Gobolladaas oo dhana gacanta ku dhigto , ayna keento Mr Gandi iyo Dawladdiisa Azania oo sidaasna lagu sharciyeeyo Jiritaanka Azania.

    3) Haddii ay Kenya ku guuleysato Qorshaheedu waxey hal dhagax ku dishey Dawladda TFGda, Badda ay ka dhaceyso Somalia, Azania oo ay u sharciyeyso Ogaadeenka Kenya kana dhigto Xeyndaab Difaaceed iyo Siyaasadeed oo Dalkeeda ka anfaco Nabad Gelyada , iyo horumarinta Kheyraadka Dhaqaalaheeda iyo Dalxiiskaba.

    TALO WAXAAN KU SOO JEEDIN LAHAA :

    1) Shacabka Somalia inuu sidaas u fahmo Heshiis ku sheegga la kala saxiixdey, lana dagallamo xittaa haddii uu dagaalkaas noqonaayo kii Falastiin oo kale dhagax tuur , illeen Taangiyo iyo Dayaarado ayaa lagula dagallamayaa.

    2) Iney u midoobaan , gacmahoodana uga takhallusaan Laba Shariif iyo 550 Moorayaan Siyaasadeed, kuwa ay ka dhigteen Madaxda Ciidamada iyo Rayidkoodaba, Kacdoon Shacbi ah oo Naf iyo Maalba loo huraayo waa lagama maarmaan haddii la doonaayo in la soo celiyo Qaranimada Somalia, Sharafteeda iyo Karaamada Shacabkeeda. Insha Allah!!

  7. xujaale says:

    Soo galista Kenya ee gudaha Somalia waxay ka dhigan tahay “Ma Itobiya ayaan la liitaa.
    Kenya iyo Itobia muddo badan ayey political culture of Somalia isku dayeen iney bedelaan oo jihada ay rabaan u hagaan hadba qolo adeegsaneyey, balse all those attempts failed, markaan military ayey moodey iney maamulka Azania ku taageeri karto, oo ay weliba u dheertahay duqeen cirka oo magaalooyinka dadka shacabka degan yahay loo geyso laakiin dhibaatada ay la imaan karto faragelinta ma aysn dersin.

    Kenya iyo dalalka safka hore waxaan qabaa iney somalia faraha kala baxaan ciidamadoodana geynin gudaha Somalia. Majority Somalida ma jecla faragelin dalalkaas safta hore ka yimaada, because taariikhdoodii hore ayaanan marnaba somalida hilmaami karin.

  8. seefle says:

    Waan salaamayaa dadka halkan faallada ku qoray. Arrimahaan Soomaaliya ka dhacaaya oo marba xaalad tiiba tu ka sii xun la gelaayo waa wax aan gacmaheena ku keensanay. qof Soomaaliyeed oo awwod u leh inuu wax ka qabtana ma jiro. waddankeena sidii la rabo ayaa looga samaystaa ayadoo la adeegsanaayo qaar naga mid ah. Calooshiis u shaqayste labawejiile soomali ah ayaa la adeegsadaa.
    tan kale dadkii soomaaliyeed ee la dhacay, la kufsaday, la jirdilay la yiri looma ooyaan, addoon. oo haddana beerahooda iyo guryahooda laga haysto ilaa haddana madaxa cagta looga haayo danna laga lahayn ishooda meel cidla ah ma marin waa socotaa. waxba yaanu hadalka ila sii durkine Soomaaliyeey arrinta waxy ku xiran tahay in dadkas lloo madax salaaxo la isaga yimaado runta la isu sheego la ducaysto dawlad Soomaaliyeed ayaa markaas la dhisi karaa.
    Laakiin Dowlad, Shabaab, wax ay yihiin ma lahan. Haddan wax yar ka dib Itoobiya ayaan sugaynaa……………

  9. shaafici says:

    anigaa–u
    waxan qaba tan waa tii soo mali isku raci lahayd isagana rogi lahayd heeryada xun ee gumaysugu la damcsanyaha somalidu wxay dhahdaa geelu malinbuu isku calool yahay waana malinta oonka marka insha allah tan waa tii somliyadii layaqnay karamadedii soo celinaysa kenyana shalayto ayay kaqadi donta weerarkaas qaawan

  10. waddaniyad says:

    ASCWRWB

    Aniga ra’i ahaan waxaan raacsanahay ‘gaaldiid’, ra’iga ‘fiiq’ waan ka soo horjeedaa,
    waayo, ra’i daciif ah, maxaa keeney in laga doodo ‘somalidiid’, arrinku wuxuu taaganyahay waddanki dhamaa baa lagu soo duulay, jawaabta aqli toosan waxaa weeye qori, dhagax, middi, wixii aad heleesho la bood.

    Gaaldiid ra’igiisa waa sax, arrinka Kenya samaysay waa wax lagu farxo, sida ay Soomaalida horey u tiri “Doqonta xarigga la xirxiri doono, ayey gacmaha ku siddaa” markaa Kenya hubka iyo dubaabadaha ay la soo gashay Soomaalia, iyada ayaa lagu dili doona Insha’allah.

  11. fiiq says:

    smalinimada waxaa diidan waa dowlada waa alshabaab waa somalilan waa purtland marka kuuwaas dhan ay ogolaadan somalinimada wax walbo waa hagagayaan marka dadka ayaa la qaldin shacabka waa in runta loo sheego oo beenta laga daayo 21sano aya dadka been laashagayey,

  12. Abdirisaq says:

    Dal markuu burcad ama dad dambi ka galay baacsanayo, haddii uu jiri jirey heshiis kala dhexeeya xuduuda wuu ku baacsan karaa ilaa boqol KM ama wax la mid ah. balse hadduu dhawr habeen iyo wax ka badan ku sugnaanayo dalkaas waa in uu jiraa heshiis ay labada dal si cad u gaareen oo qeexaya ciidanka soo galaya iradooda, awooddooda sharciyeed, cidda ay hoos imaanayanaa, qaabka isla shaqaynta ciidanka dalka iyo ciidanka cusub, amarka ugu sarreeya cidda leh iyo muddada ay joogayaan.
    Sidoo kale waxa qasab ah in in la qeexo ciidankaas wixi dambi ah oo uu galay meesha lagu maxkamadeeynayo iyo halka lagu xirayo. Haddii labada dal is qabtaan cidda leh awoodda ugu dambeeysa inta dalkaas gudihiisa la joogo.
    Haddaba soo gelitaanka ciidanka Kenya waa mid degdeg ku dhacday, waana arrin ay hareeyeen laba arrimood.
    1. Afduubki shisheyahaya ee xeebaha xaduudda labada dal ku dhaw.
    2. Baarlamaanka dalka oo isku raacay in xadaynta badda la laalo.
    Waa suaale ma marki ay hesiiski is af garad hore loo diiday ,haddana la laalay rajadi ugu dambeeysey ee badda arrimeeheeda ku saabsanaa la diiday ayay Kenya ayadu gacanteeda ku raadsanaysaa baddii iyo xuduudaheediba kana dhisanaysaa maamul ay ayadu xukunto. Mise marki dhaqaalihi kasoo geli jirey daxiiska xeebta laamu iyo mombasa ayaya xanaaqday oo cadawga meeshiisa ugu tag is tiri.
    Labadaas kii ay ahaataba, dalka hooyo ee Somalia dawladdii ka mas’uulka ahayd oo la rabay in ay ama heshiis cad la gaarto dawladda soo galaytsa ayada oo ilaalinaysa sharafta iyo qarannimada dalka, ama ay diiddo xadduuddeeda in uu ciidan shisheeye soo dhigo, waxaad moodda in ayba la taagantahay inkiraad qayaxan arrin aanan marna la inkiri karin oo dadki Somaliyeed ee Gobollada Jubbooyinka ku noolaa shaahid u wada yihiin, dawladdii kenya madaxdeedi wada qireen, warbaahinti caalamkuna goob joog u ahayd. Suaashu waxa weeye Dawladda Somaliya ma dalkeedi ayyaba ka warqabin waxa ka dhacaya mise ogaal imoogeeysiis ayay sameeynaysaa oo waxbay ka ogtahay arrimaha dhacay oo iska intireysaa in ay gudato xilkeeda ka saaran ilaalinta xaduudaha iyosharafta qarannimo ee dalkeeda?

  13. Mmusa says:

    Asc
    waxaan dhamantenka kulalaney na kenya aya badena la waregi rabta kenya ayaa cidankeda so galendhulkena si ay ula dagalaman al shabaab dhulkena inta muwadin e u dhimatay xiligi gumesiga iyo midki 77 waxaa ka badan inta sida gardarada lagu kordilay waxaso dhan uma jeedno sidedaba anaga qaladkena uma jeedno. Fikirkega ku adan bada waxanqaba inana waxbo u arkin kenya rabitankeda madama caruurtena iyo hawenkiba ay kenya no jogan si ay ugu nabad galan kuwi ka casiyay dadkodi dalkodi dintoda intaba waxan u mahadcelina @somalitalk

  14. KALUUN says:

    ASALAMAU CALEYKUM, Illaah SWT baa mahada leh iyo rasuulkiisa SCW Walaalayaal jihaadka saxda ah waa kan bilowdey hadda dawlad kasta oo tijaabineysa awoodeda meleteri waxaay ku tijaabisaa somaliya marka ulajeedadu shabaab maahe waa wadanka aan qabsano uu gumeysano Kenya iyo Itoobiya iyo kuwa layiraa igad waa koox rabta ineey somaliya kuceliso gumaysi marka halays raaco oo aan ka hortagno gumaysiga qaawan waxba allshabaab yaan laydinku mashquulin wadankii faraha ayuu ka baxay ee ku dhinta xaqqa oo wadankiina difaaca meel kastood joogtaana sameeya mudaaharaad looga soo horjedo waxakan aan weli la arag oo la maqal waa wuxuush gaalo ah. Soomalidu waa dad iska calool furan laakiin qiiro iyo wadaniyad mahala maxaa yeeley cadow wadankii boobaya ayaanu ku firsanaynaa JIHAAD ALAAHU AKBAR WAR SOMAILYEEY WAX GARTA OO WADANKINA DIINTIISA IYO DADKIISA IYO KHAYRAADKIISA DIFAACA HADII KALE WAAD KA QOOMAMAYN DOONTAAN SC.

  15. abu Bilaal says:

    Asc wr wb … Kenya dan uguma jirto in soomaaliya gasho hadiiise lagu yiri xiniinyaa idinku yaal, sida itoobiya iyo ka badan baad fali kartiiin, soomaalidiiina waa idin garab taagan tahay, ha ogaadeen in xisaabtu qaldami karto

  16. Asww, dhamaan mahad waxaa iska leh ilaahaygii na waafajiyay islaanimada, ka dib waxaan u mahad celinayaa sida wanaagsan ee websiteka somalitalk.com wax u soo gudbiyaan, arintan duulaanka kenya waxaan u arkaa markii ay kenya wax ku waysay Qalinka inay ku daydo Qoriga iyadoo aan ka baqeenin reer Galbeedka maadaama ay Gaalo isla yihin, waxayse ilowday Kenya inaa leenahay Allah wax walba ka awwod badan, waxaan rajanyana qunyar socdkeena iyo raga dhalinyarada xaqa ku taaganba in la iskaashan doono oo khasaare loo geesan doono cadowga, ‘
    waxaan u soo jeedinayaa dhamaan Somalida kuwa Gudaha iyo kuwa dibada ku nool in la taagero difaaca dalka , dabcan raga hada masuuliyada saaran tahay waa Al-shabaab ee ha la taagero dhan kasta oo ay ku jirto duco loo soo duceeyo in iyagana uu ilaahaya ka ilaaliyo fidno iyo khilaaf,
    Guusha kama dambesta mar kasta islaamka ayaa leh

  17. Diiriye says:

    SC WR WB. Salaan kadib anigu waxaan ku raacsanhey walaalkey Gaaladiid warkiisa ama qoraalkiisa,waxa kaliya ee aan ku darayaa talo aan u soo jeedinayo Soomaalida ku nool Kenya,waxaan lee yahey intey goori goortahey naftiina iyo hantidiina badbaadiya.

  18. gaaldiid says:

    marka hore waxaan u mahad celineyaa bahda somaltalk /// tan labaad aniga waxaan dooneyaa ciidanka keenya in ay soo galaan soomaaliya waayo hadii keenya soomaaliya soo gasho dhamaanteena waxaan noqoneyna mujaahidiin muqaawamiin ad adag waxaan kaloo soo ceshaneynaa dhulkii ingiriiska hadiyada usiiyey gaalada keenya waxaa kaloo heleynaa taageerada umadaha muslimiinta waxaa kaloo dhamaan doona damaca keenya iyo dawlado kale waxaa kaloo laga faaideyaa faragelinta keenya waxyaabo badan oo aan halkan ka sheegi karin marka aniga waxaan leeyahay soomaalida ku farxa dagaalka gardarada laidinku soo qaadey waayo ilaahey waxaa uu yir عصا ان تحبو شيئا وهو شر لكم وعصا ان تكرهو شيئا وهو خير لكم waxaa aad jeceshihiin oo shar idin ah wax aad neceb tihiin oo kheyr idin ah sida hada keenya oo kale dad badan baa hada neceb soo gelitaanka keenya laakiin waa kheyr weeye yaan la,is murjinin /// wasalaama caleykum

  19. abdow says:

    asc wr wb waxaan ooo dhan waxaa ka dambeeya nimankaan dowlada ah ooo aan lahayn damiiir wadaniyad iyo mid islaam intaba waana niman gadan sida caadiga ah, waxaana kalifaaya in ay saan ahaadaan waa shaqaale dowlada kale ,,,, balse waxa aan la yaabanahay dad kaleba ha ahaadaanee kenya ooo na sooooo hawaysatay waa ciil iyo caloool xumo dheeraad ah .
    Ethiopia ayaan qadyaan ka jooognay kenya ayaase ka daran .waana meesha ay somalidu ka tiraahdo .kenya hada waxa ay sooo dhaaftay xad waliba .
    Ilaaahsa waxaan ka baryaa in dakeena noqdaan kuwa dalkoooda diiintoooda iyo dadnimadooda intaba difaacda insha alllah .