Home » Warar »

Guddoomiyaha Jaamacadda Hope oo ka Qaybgalay Kulan lagu soo Dhaweynayey Arday ay u bilaabatay Waxbarashada Master Degree ee Jaamacadda Kampala

Xarunta SOCWA ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay kullan lagu soo dhaweenayo ardayda cusub ee ay bilaabatay waxbarashada Master Degree ee Jaamacadda Kampala University iyo soo dhajinta imtixaanaadkii horey looga qaaday Master Degree-ga ee Jaamacadda Kampala.

Halkan ka daawo Sawirada

Jaamacadda Hope iyo Kampala oo ah Laba Jaamacadood oo si qaas ah loo leeyahay ayaa waxaa u dhexeeya iskaashi dhinaca waxbarashada ah, waxaana kullankii maanta goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Hope Najiib Sheekh Cabdikariin, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey macluumaadka cusub ee ku saabsan Jaamacadda Kampala iyo Hubka ardeyda Cusub u wajahayaan Waxbarashadooda isagoo ardayda cusub u rajeeyey in ay ka faa’iideystaan waxbarashada Heerka Master-ka ah ee Jaamacadda Kampala u ogolaatay.

Guddoomiye Najiib ayaa ku dhawaaqay imtixaanadkii ardayda uu u dhamaaday Semester koowaad ee heerka Master-ka isagoo si aad ah ugu ammaanay qaabkii ay waxbarashadooda u wateen, isagoo ku tartarsiiyey in ay waxbarashadooda sii wadaan isla markaana ay dhameystaan simistarada uga harsan waxbarashadooda , sidoo kale wuxuu u soo jeediyey in ay iska kaashadaan Dhianaca Waxbarashada . .

Guddoomiye Najiib ayaa ardayda cusub iyo kuwii horeba halkaas ku gudoonsiiyey waraaqihii isdiiwaangelinta oo ah in ay ka tirsan yihiin Jaamacadda Kampala isagoo sheegay in waraaqahaasi ay wax badan oo waxbarashooda ku saabsan u sahlayaan. Mar aan waxka weydiiyey qarashka lagu dhiganayo jaamacadda wuxuu ii sheegay in qofka marka uu joogo Kampala uu Qarashkiisu aad u badan yahay, hase yeeshee mas’uuliyiinta Jaamacadda ayaan u sheegnay in dadka Soomaaliyeed ay xiligaan ku jiraan xaaladda la mid ah tii soo martay dalka Uganda sidaasi darteedna ay qiimo dhimis sameeyaan isagoo sheegay inay ka aqbaleen..

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in Jaamacada Hope Univeristy ay ardayda dooneysa in ay wax ka bartaan Jaamacadda Kampala University ay u fududeeyeen wax kasta oo ku aadan waxbarashadooda gaar ahaan kuwa ku sugan Hargeysa, Garoowe iyo Muqdisho. Sidoo kale waxaana weydiiyey guddoomiyaha siduu u arko in Muqdisho ay keenaan Jaamacad caan ah oo laga yaqaano Afrika iyadoo xiligaan xagga nabadgelyada aysan buurneyn wuxuu yiri “Haddii la yiraahdo intay wax walba hagaagayaan ha layska fadhiyo waqti badan ayaa naga lumaya, sidaasi darteed waxaan dooneynaa in aan ardayda ku dhiiragelino in dalkooda waxbarasho heer sare ah ku helaan”.

Haddaba ciddii daneyneysa faahfaahin ku saabsan Jaamacadda Kampala University waxay booqan karaan webka Jaamacadda Hope oo ah WWW.hope-university.org. ama Safiyo Abukar Karani oo ku sugan Muqdisho nagana heli karo +252615576175.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.