Home » Warar »

Hayadda Green Hope oo Deeq ay u soo Wakiisheen Jaaliyadda Reer Jabuuti ee Belgium, Muslimiinta Belgium iyo Mer Rougeen ka Qaybiyey Muqdisho

Iyadoo weli ay socdaan Gargaarka la gaarsiinayo Dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha Saameeyaan ayaa Deeq ka timid Jaaliyadda reer jabuuti ee bilgium, muslimiinta bilgium iyo Mer Rougeen ayaa waxay soo gaarsiiyeen Dadka Soomaaliyeed ee Dhibaatada ka soo gaartey Abaaraha iyo Dagaalada aan Dhamaadka lahayn waxaana Deeqdaan in ay qaybiyaan loo soo Wakiishey Hayadda Green Hope

Deeqdaan oo isugu jirtey Laba Qaybood ayaa waxaa Deeq Jaaliyadaas ka timid loo qaybiyey Caruur Agoon ah ooTiradooda gaareysa 60 Caruur ah waxaa la siiyey Raashin Nooco kala Duwan sidoo kale Deeqdaas la mid ah waxaa la siiyey 280 Qof oo la siiyey Lacag Kaash ah

Deeqdaan ay soo dhiibeen Jaaliyadda Reer Jabuuti ee Dalka Belguim iyo Mer Rougeen ayaa waxaa kaloo la gaarsiiyey Dad Beeraleey ah oo loo siiyey Miraha Abuurkii Xiliga dayrta waxaana Deeqdaan Abuurka ah laga qaybiyey Saddex Tuulo oo ka tirsan Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay

Jaaliyada waxay Deeq Gargaar ah ka qaybiyeen Magaalada Muqdisho waxaana 450 Qoys oo ku jirey Kaam ku yaal Degmada Hodan la gaarsiiyey Lacago Kaash ah iyadoo Dadkii Deeqdaan kala Duwan la gaarsiiyey ay u Mahadceliyeen Jaaliyada Reer Jabuuti ee Dalka Belgium Muslimiinta Belguim iyo Mer Rougeen sidoo kale waxay u Mahadceliyeen Hayaddii loo soo wakiishey ee Green Hope iyagoo ugu baaqey in ay halkaa Ka siidaan Deeqaha Noocaan oo kale ah.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Gudoomiyaha Hayadda Green Hope Dr Daahir Aadan Cumar oo ka Hadley Deeqahaas ayaa isana u mahadceliyey Jaaliyada Reer jabuuti ee Belguim , Muslimiinta Belguim iyo Mer Rougeen oo uu sheegey in Qabteen Howl Samafal oo Muhiim ah isagoo u soo jeediyey in ay halkaa ka sii wadaan Deeqaha la gaarsiinayo Dadka waxyeelada ka soo gaartey Abaaraha iyo Dagaalada Sidoo kale wuxuu sheegey in dadkii loo qaybiyey Miiraha Abuurka oo uu sheegey in Abuurkas uu ugu soo beegmey Xili ay si aad ah ugu baahnaayeen maadaama la galley Xiligii Dayrta

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hayadda Green Hope oo Deeq ay u soo Wakiisheen Jaaliyadda Reer Jabuuti ee Belgium, Muslimiinta Belgium iyo Mer Rougeen ka Qaybiyey Muqdisho "