Home » Warar »

Diyaarad Dagaal oo laga leeyahay Kenya oo ku dhacday Libooye

Midkamid ah diyaaradaha dagalka kenya ayaa galabnimadii Axadda galinkii danbe ku sodhacday degmada libooye oo kudhow “xuduudka” Somalia iyo kenya xili ay howl gal balaran Kenya ka waddo aaggaas.

Diyaradan oo ka kacday garoonka diyaradaha ee degmada libooye ayaa sodhacday xili ay ku guda jirtey dulimaad la sheegay in ay ku aadi lahayd casimada nairobi, inkasta oo aysan jirin war rassami ah oo kasoo baxay kenya, warka hordhaca ah ee ka soo baxaya ayaa sheegaya in ay u soodhacday cilad farsamo.

Diyaradan oo ay lasocotey mid kale ayaa lasheegay inay ahayd kuwa helicopterka ee qumaatiga ukaca, ilaa hadda (Galab Axad) majiran wax wara oo kasobaxay dowlada Kenya. Dad goob joog ah ayaa laga soo xigtey sheegay inay arkayen burburka diyarada oo dhulka galaysa. Qof goobjoogayaasha ka mid ah ayaa sheegay in uu arkay diyaarada oo ku dhacday meel u dhow dugsiga hoose ee Libooye, kaddib diyaarada dab qabsaday.

Mohamed abdulahi khalif “shine”
saxafi12@gmail.com nairobi,kenya

 

AKHRI:

Dowladda Kenya oo Markii ugu Horeysey Soomaaliya ku Sameyneysa Faregelin Milatari

Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

VIDEO: Ciidanka Kenya oo ka gudbey Xadka NFD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.