Home » Warar »

Ciidanka Dagaalka Kenya oo 100 km gudaha u galay Dalka Soomaaliya

Dowlada kenya waxa ayaa  sicad ugu dhawaaqday inay gudaha ugashay kenya kudhawaad 100km oo “xuduudda” Soomaaliya, waxana talaabadani noqonaysa markii ugu horaysey ay muddo dheer masafo inta le’eg gudaha ugalaan ciidamada kenya gudaha Soomaaliya tan iyo intii ay kooxaha alshabab bilaaween dagaalada ay kaga soo hor jeedaan ciidamada dowlada KMG ah iyo siyasadda arimaha.

Kenya waxa ay sheegtay in sababaha kudhaliyey inay gasho gudaha Soomaaliya ay tahay dad laga qafaashay gudaha Kenya iyo dadka daanbiile yasha oo uga sootalabaya gudaha Soomaaliya. Wasiirka amaanka kenya George Saitoti ayaa sheegay in xiligan kenya kujirto marxalad ugu adkayd ayna kooxaha burcad badeeda dhawaanka afduubeen xeebaha kenya muwaadin ajinabi ay na sidoo kale kooxaha Alshabab ka afdubeen xeryaha dhadhaab qaarkamid ah shaqalaha cafimadka calamiga ah.

“xiligan kama jirto Soomaaliya dowlad dhex oo sugta amaanka wadanka Soomaaliya waxana kenya ay ku qasban tahay inay ilaashato sumcada iyo sharafteda cidna kalama tashanayo difaaca wadanka, laakin anagga Soomaaliya umaanaan galin inan dagaal gaar ah qaadno waxan tageeraynaa ciidamada dowlada KMG’ ayuu yiri, Mr,Geoge Saitoti.

Kenya waxa kuyaala xeryaha qaxoontiga aduunka ugu ballaaran kuwaasi oo ay ku jiraan kumanan kun oo Soomaali qaxoonti ah, waxana xeryaha dhagaxley,ifo,iyo xagadheea ku jira kunaan qaxoonti ah oo kasoo cararay dagaalada kajira somaliya, xeryahan oo ladhisay 1991 markii ay meesha kabax day dowladi dhexe ee Soomaaliya.

Kenya waxa ay sheegtay in Alshabaab oo kusoodhuntay dadka qaxoontiga ah ay ka danbeeyaan afduubyada loogeysanayo shaqaalaha gargaarka. Kenya ayaa sheegtay in galitankan ay taageerayso oo kali ah ciidamada dowlada Soomaaliya ayna siwada jir ah ay u wada fulinayaan howl gal xoogleh oo lagu baacsanayo kooxaha afduubka kawada gudaha kenya iyo ururka alshabab oo kenya ay ku tilmantay inay lug kuleeyahiin afduubyada loogaysanayo shaqalaha hayadaha gargaarka iyo cafimaadka, taasina ay keentay in hakad ku yimaado dalxiisa yaasha caalamiga ah ee doonaya inay usoo safraan Kenya.

SAAMEYNTA AY HOWL GALADAN KU YEESHEEN SOMALIDA KENYA.

Ciidamada ammaanka ayaa ka bilaaway magaalada Nairobi raafid xoog leh oo loogaysanayo dadka la sheegay inay sharci la’anta ku joogaan wadanka kenya inkastoo aysan ukala aabayelin dadkani.

Boqolaal somali ah oo kamid ah ganacsatada xaafada islii iyo kuwo la sheegay in ay sharci la’an  ku joogaan magalada nairobi aya waxaa soo wajahay baqdin xoogleh, ayadoona ayciidamada galayan hotelada, makhayadaha, iyo gobaha laysugu imaado taasi oo ay bilabeen habeynadi ugu danbeeyey, waxayna walaac ku aburatay kumanaan somali ah.

Dhinaca kale haya’daha ka howl gali jirey degaanka dhadhab iyo xeryaha qaxoontiga ayaa todobaadkan gudahisa sheegay inay hakiyeenn howlahii shaqo ee ay ka hayeen xeryahaasi ayadoo ku eedey dowlada kenya inaysan sitoos ah u sugayn amaanka shaqalaha calamiga ah.

Mohamed abdulahi khalif (shine) saxafi12@gmail.com nairobi,kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ciidanka Dagaalka Kenya oo 100 km gudaha u galay Dalka Soomaaliya "

  1. Bilqeyr says:

    Assalaamucaleykum waraxmatulaahi wabarakaatu (somalitalk)

    waxan halkan ka dhiibanayaa fikradeyda oo ah soo gelitaanka ciidamada kenya anigu waxan u arkaan xad gudub weyn iyo in ay tahay wax laga shalaayo haddii aan hadda laga hortagin ciidamada soo galay dalka amar la’aan

    waxan baaq udirayaa shacbiga soomaaliyeed ee uhalgamay badda in ay hadana uhalgamaan dalka oo aykasoo horjeestan soo gelitaanka ciidamada kenya sababta aan sidaas uleeyahay waxay tahay in ay dhibaato weyn inaga soo wajahi doonto ayaga haddii ay shawaab iska celinayaan ayagoo dalkooda jooga ha iska celshaano talaabada ay soo qaadeena dib ha ula noqdaan.

    shacabka soomaaliyeed waxan usoo jeedinayaa talo muhiim ah oo quseysa dalka iyo dadka soomaaliyeed taladeydu waxay tahay in ay dhibaato ka dambeyn toonto soo gelitaanka ciidamada kenya oo aysan aheyn in ay shawaab rabaan oo kaliya balse magaca shawaab ay rabaan in ay kusoo galaan dalka waxad ogaataan kenya in ay tahay dowladdii isku dayday in ay iibsato badda somalia arinkaasna lagu soo dhameeye dalka kenya dib udhac walbo oo dalkeena ku yimaadana waxa lagu soo qaban qaabiyaa kenya wax horu mar ah ay nala rabaan majiraan hadana ujeedadoodu waa in ay isku daydo in ay dhul ka qabsato somalia ama ay dagaal la gasho marka taasi waxay ubaahan tahay ka hortag waxana ka hortagi karo shacbiga soomaaliyeed shacabka wax uusan qaban dowladu ma sameyn karto waxa ka awood badan shacabka qof walbaana aduunka meel walbaa uu ka joogo ayuu ka difaaci karaa dalkiisa ee hala sameeyo mudaharaadkii badda oo kale si ay nooga baxaan ciidamada kenya.