Home » Faallo »

Jumcada iyo Mucjizooyinka dhaca

Jumcadii Roob doonta

Magaalada Madiina iyo agagaarkeeda ayaa waxaa ka dhacday abaar aad iyo aad u daran oo dhibaato xun gaadhsiisay dadkii iyo duunyadiiba. Wixii waro ahaa iyo ceelashiiba way gudheen. Waxay dadku aad u sugayeen roob, wuuse di’i la’yahay wayna dheeraysteen.

Iyadoo xaaladdaa lagu jiro Rasuulkuna c.s.w. uu ku sugan yahay Madiina ayaa maalin Jumca ah wuxuu sidii caadada u ahayd u istaagay inuu muslimiinta u khudbadeeyo. Rasuulka s.c.w. oo khudbaddiisa wata ayaa waxaa masjidka soo galay nin reer baadiya ah, markaas ayuu markiiba wuxuu bilaabay inuu hadalka ka jaro Rasuulka s.c.w , isagoo leh:

“Rasuulkii Ilaahayow, dadkii wuu dhibtooday, duunyadiina waa baaba’day ee Ilaahay noo bari inuu roob noo keeno”

Markaas ayaa Rasuulku s.c.w markiiba kor u taagay gacmihiisa isagoo Ilaahay baryaya. Asxaabta khudbadda dhegaysanaysay waxay ahaayeen boqollaal, waxaynuse kasoo qaadaynayna Anas Bin Maalik, oo yidhi:

Jumcadii Roob joojinta

Roobkii oo aan usbuuc qaadin ayaa haddana Rasuulku c.s.w wuxuu fuulay minbarka si uu u aqriyo khudbadii Jumcaha.

Suubanaha c.s.w oo khudbadii aqrinaya, ayaa maantana waxaa isla meeshii maalintii hore kasoo galay isla ninkii reer baadiyaha ahaa, markaas ayaa wuxuu yidhi:

“Rasuulkii Ilaahayow xoolihii waa halaagsameen, dadkiina bad xidhan ayaa ku dhacay ee Ilaahay noo bari inoo roobka naga joojiyo!” Markaas ayaa hadana Rasuulku c.s.w. gacmaha kor u taagay isagoo leh: “Ilaahayow hareeraheenna mari oo dushayada ka qaad, Ilaahayow xagga buuraha gee iyo biyo dhigeennada…”

Anas ayaa haddana wuxuu leeyahay, waxaan aragnay roobkii oo is taagay markiiba intii uusan Rasuulku c.s.w soo dejinnin gacmihiisa.

Jumcadii jirriddu oyday

Run ahaantii ma aanan rabin inaan maqaalkan gaaban kaga hadlo fadliyada faraha badan ee ay maalinta Jumcadu leedahay ama khudbadda jimcada iyo waxyaabaha soo hoos gelaya oo dhan ama sida la isugu soo diyaarinayo khudbaddaas, ee waxaan jeclaystay inaan in yar ka taabto qaar ka m id ah waxyaabo ay gaar la tahay ama dhacdooyin dhacay maalinta Jumcada.

Maalmihii ugu horreeyey ee Maxbuubku c.s.w. uu Makka ka haajirey ayaa isagoo dhexda sii maraya meesha lagu magacaabo Qubaa wuxuu Rasuulku c.s.w. meeshaas ku tukaday Jumcadii ugu horraysay. Markii uu gaadhay Madina, wuxuu Rasuulku c.s.w. markiiba bilaabay inuu ka khudbadeeyo masjidkii Madiina, halkaas oo intii aan la samaynin Minbarka uu yaallay geed-timireed jirriddiis. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa haweenay reer Madiina ah (Ansaar) ay Rasuulka c.s.w. waxay ku tidhi: “Rasuulkii Ilaahayow, waxaa ii jooga wiil najjaar ah (yaqaanna farsamada alwaaxyada) ee maku idhaahdaa u samee Rasuulka c.s.w. Minbar uu ka khudbadeeyo?” Rasuulkuna c.s.w. wuu ka aqbalay. Markii uu Rasuulku c.s.w. minbarkii fuulay uuna bilaabay inuu ka khudbadeeyo, jirriddiina uu ka dheeraaday ayey sida ilmihii u oyday jirriddii, markaas ayaa Rasuulkuna c.s.w. intuu soo degtay ayuu u aamusiiyey sida ilmaha loo aamusiiyo, wuxuuna yidhi haddii aanan aamusiin lahayn way wadi lahayd ilaa qiyaamaha.

Jimcadii War dhiilleedka

Calan cad ayuu Rasuulku c.s.w. u dhiibay Zayd Bin Xaarith, wuxuuna ciidankii u sheegay inuu Zayd amiir u yahay, haddiise la dilo oo uu shahiido, waxaa calanka qaadi doona Jacfar, isna haddii la dilo waxaad u dhiibtaan Cabdullaahi Ibnu Rawaaxa. Hadalkaas markii uu Rasuulku c.s.w lahaa asxaabta qaar badan ayaa ku qancay inay shahiidayaan mid kastoo ka mid ah raggaas uu suubbanuhu yidhi haddii ladilo.

Waxaa loo dirayey carriga Ruum, dagaalkuna wuxuu ahaa kii loo bixiyey Mu’ta , wuxuuna kula dar-daarmay Ilaahay Dartii inay u dagaallamaan, inayna dhagar iyo khiyaamo samaynin, inayna haween, carruur, waayeel iyo nin kaniisaddiisa ku cibaadaysanaya midna dilin. Inayna geed jarin, gurina ayna duminnin.

Ciidankii baxayey xaasaskoodii ayaa soo baxay iyagoo sagoontinaya raggooda waxayna ugu ducaynayeen inuu Ilaahay usoo celiyo iyagoo nabad qaba, markaas ayaa Cabdullaahi Ibnu Rawaaxa wuxuu reerkiisii ku yidhi: “Ilaahay idinkuma kay soo cesho” isagoo aad u doorbidaya inuu meeshaas kusoo shahiido.

Halkan, si faah-faahsan ugama warrami karno ciidankaas iyo wixii uu mutay, waxaase xusid mudan in sidii uu Rasuulku c.s.w. sheegay ay shahiideen amiiradii uu sheegay.

Waxaa kale oo xusid mudan kana mid ah mucjizooyinkii uu Rabbi s.w.t. ku ayyiday Rasuulka c.s.w. in warkaas oo aan cidina ogayn, dhulkuna uu aad ukala fogaa uu Rasuulku c.s.w. u sheegay asxaabta.

Iyadoo ay tahay maalin Jumca ah oo Rasuulku c.s.w. khudbadaynayo ayuu asxaabta ku yidhi isagoo leh hadal uu macnihiisu ahaa:

“Muslimiintii maanta way dagaallameen, waxaa calankii qaaday Zayd oo dagaallamay kadibna waa la dilay oo wuu shahiiday, waxaanan hadda arkaa booskiisii jannada uu ku lahaa, kadibna waxaa calankii qaaday Jacfar oo isna dagaallamay, kadibna waa la dilay ooisna wuu shahiiday, waxaanan hadda u jeedaa isaga oo jannada ku dhex jira oo ku duulaya laba baal, kadibna waxaa calankii qaaday Cabdullahi Ibnu Rawaaxa oo isna dagaallamay, ka dibna waa la dilay oo isna wuu shahiiday, wuxuuna Jannada la joogaa labadiisii saaxiib, kadibna calankii waxaa qaaday Seef ka mid ah Seefaha Ilaahay, Khaalid Ibnu Waliid…”

Dhammaan arrimahaa aan kor kusoo sheegnay waxay ahaayeen mucjizooyinka ay culimadu ku tilmaameen inay kun (1000) kor u dhaafayaan ee uu Rabbi s.w. ku taageeray Rasuulka c.s.w.

Nimcada uu Rabbi s.w.t. ugu deeqay ummadda Islaamka waxaa ka mid ah inuu siiyey maalin ay ciidaan oo ku dhex jirta usbuuca dhexdiisa, maalintaas oo lagu tilmaamay inay ka khayr badan tahay maalmaha kale. Waxaa kale oo uu Rasuulku c.s.w. tilmaamay in maalinta Jumcada ay ku jirto saacad ay ducadu maqbuul tahay.

Waxaa xusid mudan in maanta muslimiintu dareemeen in maalinta Jumcadu ayna ahayn oo keliya maalin ay salaadda Jumcada tukadaan ama ay adkaar khaas ah aqriyaan ee ay tahay maalin ay waaqicooda wax kaga beddeli karaan haddii ay midoobaan. Waxay ogaadeen in Jumcadu ay tahay kenzi uu Rabbi Ku karaameeyey, kenzi uu uga tegay Suubanahoodii c.s.w. taasoo aan u sugnaanin iyaga mooyee cid kale. Haddii maalintii Uxud, markii gaaladii ay muslimiinta u faantay ay mu’miniintu ugu jawaabeen: “Annagu waxaannu leenahay Mowle na jecel, laakiin idinku ma lihidin, Annagu Janno ayaannu leenahay oo idinku ma lihidin…” Sow maanta muslimiintu ma ayna arag inay leeyihiin maalinta Jumcaha oo aan u sugnaanin iyaga mooyee cid kale.

Ayaamihii ay aad u socdeen mudaharaadyadii caanka ahaa ee ka dhacayey Masar, ayaa qaar ka mid ah war-baahinta reer galbeedku waxay doodahooda kusoo qaadanayeen Masar iyo masiirka Mubaarak. Waxaa kale oo ay aad uga hadlayeen waxa ay tahay sirta ku jirta maalinta Jumcada. Markaas qof waliba meel ayuu qabadsiinayey laakiin waxaa mudnaan leh sida ay weriyeyaashu ugusoo cel-celinayeen ee ay ugu baraarugeen maalintan. Keligoodna ma aha ee waxay caalamka ku noqotay lama filaan.

Caalamka reer galbeedku wuxuu ogaa in haddii magaalooyinkooda ay ku mudaharaadaan cadad kumanaan gaadhaya inay adag tahay inuu mudaharaadkaasi ku dhammaado dhib la’aan, laakiin marnaba ma ayna malaysanaynin inay malaayiin muslimiin ahi maalin kasta soo baxaan iyadoo ay nabad kusoo baxeen wax dhib ahna aan gaysannin. Muslimiintu waa cunfi ayaa mar qudha maankooda ka baxday!

Lagasoo bilaabo mudaharaadyadii Tuunis, kuwii Masar dhaxashay markii danbana u tallaabay Liibiya, iyo kuwan ay la ciir-ciirayaan Suuriya iyo Yaman waxay dhammaantood wada wataan hal matoor oo ah maalinta Jumcada.

Magacyada ay mudaharaad wadayaashu ay jumcayaasha u bixinayeen way fara bateen:

Jumcatu thowrah, Jumcatul qadab, Jumcatul Israar, Jumcatul Annasru, Jumcatul karaamah, Jumcatu Assabru wa thabaat, Jumcatu Allaahu Macanaa, Jumcatu Attaxaddi, Jumcatul Indaar, Jumcatu Almowt laa madallah, Jumcatu Azaxfu ilaa qasri ri’aasah, Jumcatul khalaas, Jumcatu Arraxiil… iyo kuwo kale oo aad usii badan

waxay arkeen in nin kastoo meel isku dhejiya ay ku filan tahay dhawr jimce oo la gil-gilo, kadibna uu kasoo finiinayo meel kastoo dheer oo uu fuulay.

Haddaba akhristow, ma laga yaabaa inay soomaaliduna Jumcaha u adeegsadaan waqti la is ballansado oo marna Ilaahay lagu baryayo marna lagu go’aansanayo in la iska fujiyo ceebahan uu shacabkani caanka ku noqday. Ma laga yaabaa inay la yimaadaan magacyo ay u bixinayaan Jumcayaashaas sida:

Jumcihii midnimada soomaaliyeed, Jumcihii walaaltinnimada soomaaliyeed, Jumcihii qabyaaladda ceebeeya waa qudhune …

Ilaahay ayaa Og Isaga ayaana Mahad leh.

Abdirahman Sheikh Bihi

bihiabdi@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Jumcada iyo Mucjizooyinka dhaca "

  1. Shukri sh says:

    Aaww, walaal biihi jazakallaah sida aad noogu baraarujisay maalinka jumcada ah iyo mucjisooyinkeeda iyo weliba sida aad tusaalooyin badan noogu keentay iyo inaan ka faaideysano. Marka Alle ha inaga dhigo kuwo ka faaideysta fursadaas qaaliga ah oo uu noogu deeqay Rabigeena sarreeya, aamiin, aamiin, aamiin.
    Hadaba walaalaha Soomaaliyeed meel kastoy joogaanba, waxan dhihi laha jumcooyinka aan alle bari iyo ducooyin la nimaadno, in dhibka iyo musiibada soomaali ka dul qaado, baddel qeyr qabana Alle siiyo, xaqana Alle tuso, walaal is jecel oo isku duuban noqda, gadaalsamadii Nabi yuusufna Alle siiyo, allena naga aqbalo ducooyinka. Haddii aan si daacad ah u barino alle maalmaha jumcada ah oynaan ka daalin, waa xaqiiq in mar uun nacan Alle dhihi inshallaah, halki aan ka mudaaharaadi lahayn oo Caalamka cadowgena ku badan u caban lahayn, inaan Allaah u cabano dhibkenana u sheegana, asagaana wax ka qaban kara awoodaasna leh.
    Alloow na ha haleeshii … Aamiin, aamiin, aamiin.
    Aaww

  2. Abdikariim says:

    Asc wax fiican baad qortay oo ku saabsan muhumadda Jimcaddu ay u leedahay guud ahaan dadka muslimiin qeyr allha ku siiyo anagana Alle ha naga dhigo kuwii ka faa,iideysta fadliga Jimcadda Illaahay subxaanahu watacaalaa siiyey.Asc