Home » Faallo »

Gudiga qaban-qaabada Bad-baadinta Badda Soomaaliya ee Dalka Canada:

KU: Madsaxweynaha DKG Somaliyeed: Sh. Shariif Sh. Ahmed

Ku: Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka: Shariif Hassan Sh. Adan

Ku: Wasiirka Kowaad: Cabdiweli Maxamad Cali

Ku : Mad.DG Puntland:  Cabdiraxmaan Sh. Maxamad

Ku: Mad. DG Galmudug: Maxamad Axmad Caalin

Ku: Ahlu  Sunnah Wa jamaaca

CC: Dhammaan Ummadda Somaliyeed

Kulan balaaran ay isugu yimaadeen Gudiga Bad-baadinta Ummadda Soomaaliyeed ee dalka Canada taariikhdu markii ay ahayd 8dii October ee 2011, ayay waxay si weyn uga doodeen dhaca iyo boobka balaaran ee lagu hayo xuduud badeedka biyaha Soomaaliyeed gaar ahaan xadka badda ee Soomaliya ay la leedahay dalka Kenya, kadib markii shirqool aan caadi ahayn ay xubno matala DKMG Soomaliya iyo Dowladda Kenya ku kala saxiixdeen in badda Soomaliya lagu soo koobo 12 Nautical Mile (12NM).

Hadaba Gudiga waxa uu isla meel dhigay qodobadaan halkaan ku xusan.

1.In la taageero go’aankii aay soo saareen Mudanayaasha baarlamaanka October 8, 2011.

2.In waraaq loo qoro  Adduunweynaha iyo shacbiga Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan,iyadoo loo adeegsanayo Aaladaha Internet-ka.

3.In Hay’adaha Dastuurka sida Xukuumada,Madaxtooyada,Barlamaanka ay hirgaliyaan go’aanka ay soo saareen Mudanayaasha Barlamaanka,Xukuumadana in ay daba gasho.

—————————o——————————–

Jaaliyadda magaalada Toronto oo munaasabad fadhi wacan leh uga wada hadleen dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Somaliya ka dhacay  toddobaadkii la soo dhaafay , ayaa waxay  isla garteen arrimaha soo socda:

  1. “INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN”

Waxaan aad uga xunnahay xasuuqii loo geystey dhallinyaradii Somaliyeed oo ahayd mustaqbalka dalka oo aan ayaga iyo intii kula geeriyootay ILAAHEY uga baryeyno naxariis Janno, eheladooda iyo ummadda Somaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Inta ku dhaawacanteyna ALLAHA siiyo cafimaad .

  1. Waxaan halkan ku caddeyneynaa in aan 100% taageersannahay  go’aankii ay soo saareen xubnaha Baarlamaanka (335) Oktoobar 8,2011, kaasoo xubnaha ay si geesinnima leh ku muujiyeen waddaninimadooda iyo xilka ka saaran ilaalinta hantida Qaranka Somaliyeed . Go’aankan wuxuu dib u soo nooleeyey rajadii ay Ummadda Somaliyeed ka qabtay xubnaheeda Baarlamanka.
  2. Mas’uuliyiinta kor ku xusan magacyadooda waxaan si xilkasnimo leh u weydiisaneynaa  in ay Ummadda Somaliyeed qalabka warbaahinta uga sheegaan mowqifkooda iyo waxa ay ka qabaan go’aanka aqlabiyadda buuxda ay ku gaaray xubnaha baarlamaanka Oktoobar 8,2011.
  3. Waxaan dowladaha deriska ah iyo inta arrimaha Somaliya daneeya u direynaa qoraallo gaar ah oon ugu muujineyno in ay dhowraan go’aankaas uu Baarlamaanka ku Meelgaarka ah ee Somaliyeed gaaray Oktoobar 8,2011, kaddib markuu arkay in dowladda Kenya iyo xubno dowladda ka tirsan ay qorshaysteen in ay meel uga dhacaan xuduudaha badda ay Somalia la leedahay dowladda Kenya kaasoo dowladii Soomaliya ay diyaarisay 1972 una gudbisay Qarammada midoobay iyo aduunwaynaha kalaba. Waana sharciga badda ee aduunku Soomaaliya u aqoon sanyahay..
  4. Waxaan Ummadda Somaliyeed meelkasta ha joogtee ku guubaabineynaa in ay dareenkooda taagerada go’aanka Baarlamanku gaarey ay ku muujiyaan qoraallo, idaacadaha wararka/TVga iyo bannaanbaxyo.
  5. Warqadaani waxaa loogu talagalay Ummada Soomaaliyeed, meelkasto ay joogto. Waa in ay u diraan warqadaani iyadoo saxiixan, oo muujineysa: Magaca qofka, iyo E-Mailkiisa iney u diraan hay’adaha dastuuriga ah ee ummadda Soomaaliyeed, dowladaha ku bahoobay qaramada midoobay ee uu fadhigoodu yahay (New York), Urur goboleedyada ay Soomaliya ka mid  tahay , dowlaha dhexdhexaadka ah iyo hay’adaha qawaaniinta badaha iyo xadayntooda ku shaqada leh.

 

Waxaan soo jeedinayanaa sida soo socota:

A-      In aad qortaan  magaca oo saddexan

Number:  Magaca Wadanka Magaalada Telefoonka E-mailka 
1.

 

La xiriir:

Eng Mohamed A. Addo
Xiriiriya Jaaliyadda.

ama
Muse kuulow@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Gudiga qaban-qaabada Bad-baadinta Badda Soomaaliya ee Dalka Canada: "

  1. Abdikarim says:

    Asc weli Soomaalinidii wey nooshahay waxaan taageereynaa qof kasta iyo cid kasta oo dhiig Soomaalinimo ku jiro una doodaya dadka,dalka iyo dhulka Soomaaliyeed bad iyo beriba kana dhicinaya dhurwaayadda raba inay boobaan qofkuu raboba ha ugu soo ganbadee waxaana lee yahay walaalayaal ha ka daalinina goor kastana u dulqaata waxii dhib idin kaga yimnaada, waxaana u sheegayaa DKMS inay ansixiyaan go,aankii baarlamaanka ee diiday waxii lagu sheegay is af-garad qoraal cadna ay ka soo saaraan, wabillaahi towfiiq

  2. abdirahman says:

    asc waxaan u mahad celinayaa allah oo ku baraarujiyay walaalaha somaliyeed (gudiga badbaadinta badda somaliya ) waxaan idin leeyahay walaal waxaad muujiseen arin geesinimo leh , walaalayaal waxaan idinku biirin lahaa in aad ka istaagtaan idacadaha iyo tvyada ku hadla afka somaliga oo ay somalidu ubadtahay dawashadeeda , iyo in aad gaarsiisaan dhamman shacbiga somaliyed ee mar walba ay dhinac u jiidanayaan dad dano gaar ah leh dhagtana wax uugu sheegaan cidii ka hortimaaada , gudigana aad balaarisaan kana dhigtaan mel walba oo ay somali joogto waxaana ilaahay ka baryayaa inuu idin la garab galo allana uu ka qabto kuwa xayndaabka u dhigaya somaliya dhulkeeda iyo shacabkeedaba mahadsanidiin

  3. Alle mahadii kadib waxaan saalaamayaa una mahad celinayaa, gudiga badbaadinta badda iyo dhulka somalia ee ku dhaqan Canada iyo meel walba oo ay joogaanba. kuwaas oo muujiyey jaceylka ay uqabaan ilaalinta hantiga qaranka
    dadka iyo dalka somaaliyeed ee baylahda ah oo ay u heshiiyeen shisheeye iyo damiirlaaw.waxaa kale oo aan taageerayaa xubnaha baarlamaanka oo u muuqda markaan kuwo damiirkii u soo laabay waxaan leeyahay allaha idiin siyaadiyo