Home » Faallo »

Shareecadda iyo AL-Shabaab (4) !!!! | Sh. Saahid

War deg deg ah ( breaking news):(1)

Wixii maanta oo talaado ah ka dhacay magaallada xamar wax yaable bay aheyd Dilitaanka 70 qof iyo wax ka badan iyo dhaawac gaaraaya 140 qof.

Waa dhacdadii shaamoow oo kale Ardey iyo waalid iyo macallimiin, maxaa caawa xalay uga eg,Muslim baa la leynayaa janaana lagu galayaa, waa koox kale oo dhallinyaro la habaabshay oo mar kale is halaagtay dad iyo maal iyo moodna galaafatay,maxaa adduunka imtixaan daadsan dadkuna ku tumanayaan, Godane janadii ma nacay,xasan daahir 70 kii xuural ceyn ma iska diiday,Rooboow janatul firdowso iskula hareey,shongolo naar ha u darbadee, ibraahim miicaad baqadee, Cali dheere maanta ma qirtay, Tolow muxuu tanna u diidi wayey,hooba naar la galaaw ha la tiinbadoow…. inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajucuun….

wallaalayaal dhacdadii Hoteel Muna maalin talaado ah bay dhacday, waa is weydiine maxay shabaab maalinta talaadada ku jeclaadeen in ay dad gumaadaan ??? aaway gaaladey dalka ka xoreynayeen maalin walba Bambdoodu ma Muslimiin iyo Dhallinyaro ayey galaafataa??? Dhakhaatiirtii dhameeye, Ardeydii kama nabad galin, odayaashii galaafte,
Hooyooyin oohini kuma harin, maalin walba wiilkeedii bay gowracayaan(2).

Bal Akhristoow ila fiiri immisa Qarax bay Al-shabaab sameeyaan intii ay joogeen ka soo bilaaw waaggii Maxaakiimta, Haween Masaakiin ah oo dhulka xaaqaayey ayey Qarax la beegsadeen waagii C/llaahi Yusuf , Seddex jeer bay Geedi la beegsadeen, C/llaahi yusuf asagana labo jeer, ma iloobi karno Qaraxii Baladweyne ee lala beegsaday Col. Cumar Xaashi oo lala dilay 70 in ka badan oo shacab ah , Hoteel Shaamuu Maxaa ku ogeysiiyey Hoteel Shaamuu waa meel lagu Galaaftay DR. Ibraahiim Cadoow oo Sooman, Axmed Waayeel Aasaasihii Dugsiga caanka noqday ee Shaafici, DRs. Qamar, Suleymaan colaad rooble, Dr. Shido Aasaasihii Jaamicadda Banaadir, Dhakhaatiir 7 sano wax soo baraneysay, Macllimiintoodii, Waalidkood iyo Dad Rayid ah oo fara badan oo lagu qiyaasay 39 qofood iyo boqolaal ku dhaawacantay .

Sidoo kale maalin Soon ah iyo wixii ka dhacay Hoteel Muna oo askar iyo 4 xildhibaan lagu Qatala, Qaraxii Bakaaraha ee masjidka Abuu hureera.

Qaraxyadaas iyo kuwa kale oo fara badan waxaa lagu fuliyey dad Muslimiin ah, waxaana fuliyey Dhallin madaxa laga xaday Marka Shiikh Abuu fadal wuxuu ku leeyahay inta aadan isqarxin ku dheh Horjoogahaaga Shiikh adigu noo bilaaw haddii ay sax tahay, Haduu diido iska diid ?????.

Shabaabka janada ay galayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa:

Quraanka Aayadihiisa Qaarba mar ayaa la fahmaa Sida Allaah Quraankiisa ku yiri : ( Quraanka warkiisa mar Danbe ayaad ogaan doontaan ) !!!!.

Haddaba Allaah mar uu ka hadlaayey Ahlu Kitaabka Yuhuud iyo Nasaaro ayey waxay yiraahdeen: ( Jannada galimaayo ilaa Yuhuud iyo Nasaaro mooyee -Taas waa Rajooyinkooda -Waxaad ku dhahdaa Nabi Mohamedoow NNKH Bal Cadeymihiina keena Haddii aad Run sheegeysaan ???? ) !!!! 2:111

Mar kalena waxay yiraahdeen Yuhuud & Nasaaro : ( Waxaanu nahay Carruurtii Allaah iyo kuwii uu jeclaa, Waxaad ku Dhahdaa Nabi Mohamedoow Haddii aad sidaa tihiin Danbiyadiina maxaa la idiinkugu Cadaabayaa , iska dhaaf in aad tihiin carruurtii Allaah & kuwii uu jeclaa’e waxaad tihiin dadkuu Allaah abuuray qaar ka mid ah….) !!!!.

Sheega shadaas oo kale weeye Janada ay galayaan AL-shabaabka is Qarxinaaya !!!!

Haddii aysan aheyn Sidee Ruux Dad Muslimiin ah oo Sooman isku Qarxiyey oo laayey uu u sheegtaa in uu ficilkaas Janno ku galaayo, waa Rajooyin Khuraafaad ku dul dhisan, Haddiise Ruux kasta waxa uu sheegto loo Raaci lahaa Yuhuud iyo Nasaaro ayaa janno gali laheyd, mase dhaceyso sida Rabbi Kitaabkiisa ku xukmiyey.
Waxaan kaloo khurafaadka ay iska dhaadhacsiiyeen Al-Shabaab iyo kuwa la halmaalaayi ku burinaayaa, Dhacdhadii ninkii ka tirsanaa Ciidankii Cali ibnu Abii Daalib – Waqtigii Fidnadda Saxaabadda- ee soo dilay Saxaabigii weynaa ee zubeer Ibnu Cawaam ,ayaa markii uu soo dilay is yiri Cali ibnu abii Daalib ugu Bishaaree in aad soo dishay ninkii ka soo horjeeday.

Wuxuuse Cali kala kulmay Oraah naxdin Badan oo ah tii Nabigu yiri :

( Ugu Bishaaree Naar midka Zubeer Dila) !!!! Markaas buu naxdintii asagiina is dilay taas oo uu ku mutaysanaayo Naarta uu Nabigu sii sheegay.

Haddaba waxaan Maqaalkayga Gaaban ku soo af jarayaa Al-shabaab waxay ku Bishaareysanayaan ma Dhiiga Dadka Muslimiinta ee Soomanbaa walle Janno iska daaye Naar baa lagu galayaa, Siduu Rabbi Kitaabkiisa ku sheegay SWT :
( Ruuxii Dila Qof Muslim ah si ula kac ah, Abaalmarintiisu waa JAHANAMO ASAGOO KU WAARAAYA, ALLAAHNA WAA U CAROONAYAA, NAXARIISTIISANA WAA KA FOGEYNAYAA,WUXUUNA U DIYAARINAYAA CADAAB WEYN ) !!!! 4:93.

Akhristoow ka waran Haddii Ruuxaas la dilay ee Muslimka ihi uu Soomanaa sidii Dhibanayaashii lagu laayey Hoteel Muna, Maalin Talaado ah oo Bisha August 24,2010 Cadaabtu waa ka sii weyn tahay.

Haddaba ha la ogaado Jannada Al-shabaab doonayaan waa tii Ahlu kitaabka oo kale waa hal bacaad lagu lisay ama Dhallanteed dhul siman ka muuqda oo ka oomani u maleynaayo Biyo markuu yimaadana aanan ka helayn waxba…. waa janno been beenay .

Waxaan kuwii lagu laayey shalay oo Bisha ahayd 4ta oktoobar ,2011 xaruntii wasaaradaha Allaah u weydiinaynaa in uu jannadiisa runta ah galiyo, kuwii dilayna Naartiisa galiyo sidii kii dilay Zubeer oo kale.

Waxaan halkaan ugu tacsiyeynaynaa Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheledii ay ka geeriyoodeen 70 Ruux ,kuwa ku dhaawacmayna waxaan u weydiinaynaa in Allaah u boogo dhayo. AAMIIN.

FII AMAANI LAAH !!!!!!!

Shiikh Saahid Mohamed Yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com .

(1) Qeybtan waxaan u kaadineynaa warbixintii Abu Fadal dhibka dhac dartiis.
(2)dhibaatooyinka hooyooyinka ka akhri Maqaalkaygii ( Hooyo ifka hibo ku nooloow Aakhirona halkii Roon !!!!

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shareecadda iyo AL-Shabaab (4) !!!! | Sh. Saahid "

  1. Kahin Nur says:

    Asc waraxmah, mahad Eebe ayaa leh, naxariis iyo nabad gelyana Suubane Muxamamed, Rasuulkeenii ha ahaato. marka xiga INNAA LILLAAHI WA INNAA LILLAAHI RAAJICUUN. Wallaah Thumma Wallaah yaa uga eg AL-SHABAAB khawaarijtii la dagaalamaysay Sayidanaa CALI IBNU ABII DAALIB (R.C). WAR WALAALAYAAL WAA LA DHAMAADAY OO NOLOLI NOOMA HARIN, UBADKEENII DHAMAA, WAALIDKEEN CALOOL XUMO UMA HARIN, HOOG IYO HALAAGBA INOOMA DHINNA. MAXAY TAHAY SOOMAALIYEEY WAXA AAD SUGAYSAAN MAANTA KA DIB, WALLAAHI WAA DAMIIR XUMO IN LA SII EEGTAA CADAWGAAS GAAMURAY EE INTA UBADKEENII NOLOSHA KU GUBAY OO DHIIGOODII CABAY OO HADANA IDAACADAHA KA SHEEGAAYA INAY RABI UGU DHAWAADEEN XASUUQAA AY GEYSTEEN. WAR WALAALAHA SOOMAALIYEEDOOW INDHAHA KALA FURA OO KHAASATAN WALAALAHA REER MUQDISHOOW OGAADA WAXA NIMANKAASI IDINLA MAAGEEN. HURDADA KA KACA OO RABI LA KAASHADA IDINKOO DIB ISU BAARAYA, MAXAA YEELAY DADKAN SIADAN WAX YEELAY GURYO AYEY KA SOO TOOSAAN WAALID IYO QARAABO AY LEEYIHIIN EE WALLAAHI HADAYDAAN DIB ISKU BAARIN GUMAADKAN IYO MID KA DARANBA WAA IDINLA MAAGAN YIHIIN. YAA RABII YAA LAHUL MULKU WAL CISSATU, ILAAHAYOOW WAAD ARAGTAA ARXAN DARADA ALSHABAAB EE RABOOW NAGA QABO OO DHEXDOODA ALSHAAB ISKU SALLID ILLAA AAD KA YEESHO MID LA DILO, MID LA QABTO IYO MID LA WAAYO. AAMIIN YAA ALLAAH.