Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo jooga Addis Ababa ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, arrimaha amniga, abaaraha iyo xaaladda dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi ayaa ugu horreyntii u tacsiyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed falkii lagu laayey dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan oo ay u badnaayeen arday iyo waalidiintooda, falkaas oo ka dhacay Muqdisho 4 October. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa u mahadceliyey dhigiiisa Melez Zanawi sida quruxda badan ee loogu soo dhoweeyey dalka Ethiopia gaar ahaan magaalo madaxda Addis Ababa.

Labada Ra’iisul Wasaare oo waqti dheer isla qaatay una wada hadlay si saraaxad ah ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen Amniga, Abaaraha iyo sidii Dowladda Soomaaliyeed looga saacidi lahaa dhaqangelinta Roadmap kii ay Soomaalidu wada saxiixdeen 6dii September. Labada mas’uul ayaa sheegay in horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta loo baahanyahay in horey loo sii wado. Sidoo kale labada Ra’iisul Wasaare ayaa isla gartay in laga wada shaqeeyo dhanka amniga iyo abaaraha oo shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo gar-gaarka bani’aadanimo.

Waa markii ugu horreysey ee uu Ra’iisul Wasaare Prof Abdiweli Mohamed Ali soo gaaro Addis Ababa tan iyo intii uu la wareegey xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlayey wariyeyaasha Ethiopia ka dib kulankii labada Ra’iisul Wasaare ayaa wuxuu saxaafadda u sheegay in kulankoodii uu ahaa mid guul iyo is-afgarad ku dhamaaday, isla markaana looga wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa amniga geeska Afrika iyo sidoo kale arrimaha abaaraha. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay in falkii waxashnimada ahaa ee Al-Shabaab ku dileen ardaydii Soomaaliyeed inuusan niyad jab u keeneynin dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in la sii xoojinayo dadaalada kooxaha Al-Shabaab looga sifeynayo dalka Soomaaliya.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa waxaa casho sharaf u sameeyey Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Ethiopia, Xildhibaan ka tirsan Federaalka, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Ku xigeenkiisa, ganacsato soomaaliyeed iyo diplomaasiyiin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ka hadlayey munaasabadda cashada ayaa aad uga mahadceliyey Wasiirka Ganacisga Dowladda Ethiopia, Wasiiru Dowlayaasha Maaliyadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Dalxiiska, xildhibaan Gorfaa Gaarane, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Ku-xigeenkiisa iyo ganacsatada Soomaaliyeed sida quruxda badan ee ay ugu soo dhoweeyeen Addis Ababa iyo casho sharafta ay u sameeyeen. Waa mas’uulkii ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliya oo la kulma Wasiirada Soomaalida ee Ethiopia, Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee Dowladda Soomaalida ee Dalka Ethiopia.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Kulankan casho sharafta ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federalka Ethiopia Abdirahman Gurey, Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Abdi Mohamud Omar, ganacsade Soomaaliyeed. Ugu danbeyntii xafladda cashada waxaa lagu sharfay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo gabogabeeyey. Ra’iisul Wasaaraha waxuu u ballanqaaday Dowladda Federaalka iyo Dowladda Deegaanka Soomalida inay ka wada shaqeeyaan sidii geeska Afrika u noqon lahaa goob nabad ah oo ganacsiga iyo dhaqaalahaba loo wada horumarin lahaa. Sidoo kale xafladdan waxaa goob joog ka ahaa Safiirada labada Dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, Saciid iyo Abdiaziz.


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Jaamicadda Addis Ababa kula hadlay ardayda


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo beryahan ku sugnaa Addis Ababa ayaa casuumaad ka helay Jaamicadda Addis Ababa (Addis Ababa University). Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa halkaas arday fara badan ku siiyey warbixin dhinacyo badan taabaneysey oo ay ka mid ahaayeen arrimaha amniga Somalia, Geeska Africa iyo Caalamkaba, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu warbixintiisa ku xusay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sida uu dhismaha hay’adaha dowliga ay muhiim ugu yihiin dowlad wanaaga, amniga iyo la dagaalka musuqmaasuqa, ka hor-tagga abaaraha si aysan isagu bedelin macluul.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku soo dhoweeyey goobta uu kula kulmayey ardayda oo si heer sare ah loo soo agaasimay Madaxa Machadka Nabadda iyo Amniga ee Jaamicadda Addis Ababa iyo Guddoomiyaha Jaamicadda Addis Ababa. Ra’iisul Wasaaraha oo horey u ahaa Professor ka dhiga maadada dhaqaalaha Jaamicadda Niagara ee dalka Mareykanka ayaa warbixintiisa si aad ah uga heleen ardayda oo si heer sare ah ugu sacbiyey, isla markaana su’aalihii ay weydiinayeen ay aad ugu mahadcelinayeen warbixinta muhiimka ah ee uu siiyey iyagoo sheegay inay wax badan ka faa’iideysteen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa horey Jaamicadaha Buffalo, Niagara iyo Copenhagen sidoo kale warbixino ku siiyey ardeyda Jaamicadahaas.


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.