Home » News »

Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Switzerland oo u Mahad celiyay Safiirka Iyo Safaarada Turkiga ee Dalka Switzerland

Waxaa shalay kulmay qaar ka mida Jaaliyada wadanka switzerland gaar ahaan gobolka zurich ayaa waxay Shahaado sharaf iyo Mahadcelinba Gudoonsiiyeen Safiirka wadanka turkiga u fadhiya wadanka switzerland Mudane Hakan iyaga oo uga mahad celiyay garab istaaga iyo gargaarka aan kala joogsiga lahayn ee dowlada turkigu u muujisay umada soomaaliyeed haday tahay dhinaca gargaarka aadmiga iyo deeqaha waxbarashada ardayda soomaaliyeed.

Safiirka ayaa ka gudoomay xidhmooyin ubax ah iyo shahaado sharaf iyo qaybo ka mid ah waxyaabaha hidaha iyo dhaqanka umada soomaaliyeed , waxaanu si wayn u muujiyay una diray Tacsi guud umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto , Falkii waxshinimada ahaa ee isla shalay loo gaystay ardaydii imtixaanka ku jirtay.

Jaaliyada soomaaliyeed wadanka switzerland ayaa iyaduna waxay Tacsi guud u diraysa umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, Gaar ahaana dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay dhibaatadii iyo dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday caasimada Dalka soomaaliya Mogadisho
inaa lilaahi waa inaa ileyhi Raajicuun.

Waxuu safiirka Dalka turkigu sheegay inay dowlada turkigu shacabka iyo dowlada soomaaliya la yihiin walaalo , diyaarna ay u tahay dowlada turkigu inay si lixaad leh uga qayb qaadato rajo soo celinta iyo dib u dhiska dalka soomaaliya,

waxuuna Farxad wayn ka muujiyay qaabka wanaagsan ee ay meel kasta ay joogaan soomaalidu ugu mahadceliyeen dalka turkiga is garab taagiisa isaga oo sheegay inay soomaaliya ka mid tahay umadaha aduunka ugu dhaqanka wanaagsan, balse maanta dhibaato ku dhacday waxuu kale oo uu sheegay in haddii booska turkiga joogi lahayd soomaaliya hubaal iyaduba is dhinac taagi lahayd qof kasta oo islaam ah oo uga baahan garab sidii hore loogu yaqaanay.

waxuu yidhi safiirku argagaxisada iyo umada xuni meel kasta way joogtaa waana in si wada jira loola dagaalamayaa , mana aha waxay sameeynayaan wax loo dulqaadan karo.

waxaa halkaas ku gabagaboobay kulankii Diasporada soomaalida swiska iyo safaarada turkiga waxaaha hawshan abaabulkeeda iyo isku dubaridkeeda iska lahaa gudoomiye ku xigeenkii hore Jaaliyada Gobolka zurich Mudane Bashiir Cabdul qaadir Bootaan.

Waxaa diyaariyay
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
galayr1977@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.