Home » News »

Cambaareyn falkii argagixisadda ahaa ee kadhacay Caasimadda Muqdisho

Dhamaan culimadda, maamulka, iyo shacabka Qolka Somali Islamic Altaqwaa Network oo Cambaareynaysa Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Walaalaha Altaqwaa Network oo ay hogaaminayaan Culimaa’udiinta Soomaaliyeed aad ayay uga xun yihiin Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay Xaruntii Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha ee ay ku baabe’een dad badan oo Ardey u badnaa oo aanan waxba galabsan.

Tiradda ilaa hada la hayo ee Qaraxaas ku baaba’ay ayaa waxay gaarayeen 83 Qof, oo ay ka mid ahaayeen 45 Arday oo meesha Qaraxaasi ka dhacay u yimid in ay eegtaan Natiijadii Imtixaan horey looga qaadey, waxaa kaloo halkaas ku nafwaayey Waalidiintii Ardaydaas la socotey, dad meesha Qaraxu uu ka dhacay agteeda marayey, Haween shaah ku karin jirey aagga hore ee meesha qaraxu uu ka dhacay iyo weliba dad uu ugu tagey meelo fog fog.

Dadka halkaas shalay ku nafwaayey ayaa waxay ahaayeen dad aan waxba galabsan oo biri ma geydo ah oo aanan wax lug ah ku lahayn Siyaasadaha iyo Mashaakillada waddanka Soomaaliya ka aloosan.

Sidaas Darteed, Waxay walaalaha Altaqwaa Cambaareynayaan Qaraxii Musiibada ahaa ee aadka u foosha Xumaa ee halkaas lagula beegtey dad masaakiin ah oo il-madow ah iyo weliba dadkii ka dambeeyey qaraxaas.

Waxaan Allaah swt uga baryaynaa walaalihii halkaas ku geeriyooday inuu Jannadiisa Alfirdowsa ka waraabiyo, eheladii, qaraabadii iyo dhamaan shacabkii ay ka soo jeedeena uu samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin.

Maxammed Ibraahim Cawad ( Abu Axmed )

Maamulka Sare ee Qolka

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.