Home » Warar »

Xarun ay Degenaayeen ilaa Sideed Wasaaradood oo Dowladda Federaalka ka tirsan oo lala Beegsadey Qarax Ismidaamin ah (Warbixin)

Talaadadii Markii ay saacadu tahay Afartii iyo Barkii Subaxnimo ayaa Xarun ay Degen yihiin Dhowr Wasaaradood taasoo loo yaqaan Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo ka soo horjeeda Xarunta CID Waana Goob si aad ah loo ilaaliyo waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah ka dib markii Gaari Xamuul uu galey Xaruntaas oo marka ay ahayd meel aad u mushquulsan waayo waxaa waayadaan Mushquuliyey ardey fara badan oo halkaa loogu soo dhejinaayey Imtixaanaadka Deeqda waxbarasho

Xarunta oo si aad ah u burburtey iyo weliba Daarihii kale ee ka dhawaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen Qaraxaas ilaa Boqol Ruux oo isugu jire Ardey, Ciidamo Waalidiin , Shaqaalaha Dowladda iyo dad kale waxaa ku dhawaacmey ilaa Boqol Qof iyadoo Gaobta ay Mashaqadu ka dhacdey ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka waxaana sidoo kale soo gaarey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka

Isbitaalada Muqdisho ayaa waxa buux dhaafiyey Boqolaal dad kuwaa oo raadinayey dadkoodii ha noqoto dhimasho ama Dhaawac ah iyadoo warar kale ay sheegayaan Qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaarte Masuuliyiin ka tirsan Dowladda sidoo kale waxaa Qaraxaasi ku dhintey Dad marayey wada hor marta halka Qaraxa ka dhacay

Dowladda Federaalka ayaa Cambaareysey Qaraxaas Ismiidaaminta kuna tilmaantey mid ay Fuliyeen dad Manaxayaal ah oo aan dooneyn in soomaali ay nabad hesho sidoo kale Dowladda ayaa waxay sheegtey in ay baaritaan ku sameyn doonto Ciida ka dambeysey Qaraxaasi mana aha markii ugu horeysey oo Qarax noocaan ah loo geystey Xarumo ay Dowladda Federaalka loo geystey waxaana ka horeeyey Qarax loo geystey Xarun ay lahaayeen Ciidamada Dowladda oo ku yaal agagaarka Dugsiga sare ee Booliiska

Afhayeenka Ciidamada Booliska Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa sheegey in Gaari Xamuul oo noociisu yahay DYNA oo uu sheegey in laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarax sida Shidaal iyo Baansiin uu halkaa galey sidoo kale wuxuu sheegey in Ruuxa Fuliyey Qaraxaasi uu ahaa Ruux Kenyaati ah oo uu sheegey in ay hayaan Baasaboorkiisii

Xarakada Shabaab War Saxaafadeed ka soo baxay ayaa lugu sheegey in Xarun ay degnaayann Dowladda Federraalka halkaasoo lagu sheegery War saxaafadedka in Ciidamo ka tiran nabadsugida halkaasi loogu sameeynayey Xaflad Sagootin oo ay sheegn in ay ka soo qayb galeen wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka

Hadaba wararkii ugu dambeeyey waxay sheegeyaan in Qaraxaani uu ahaa kii ugu weynaa eel ala beegsado Xarun Dowladda Federaalka ay Degan tahay waxaan lagu waramey Xaruntaas ay Degenaayeen ilaa Sideed Wasaaradood , qaraxaan ayaa waxa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay ku dhinteen dad ku dhow Boqol qof iyadoo dadka badankii ay ahaayeen dad halkaa ku gubtey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


VIDEO: SomaliChannelTV oo Barnaamij ka diyaariyey Qaraxyadii. Barnaamijka waxaa ku jira hadalladii Shiikh Shariif, iyo Cabdi qaasim Salaad Xasan iyo Cali Dheere oo ka warbixinaya Qaraxa in ay fuliyeen Al-Shabaab. Waxaa Video ku jira sawiro graphic u ah:


Madaxtooyada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay haybta qofkii is-qarxiyay

War Saxaafadeed

(Muqdisho, 4 Oktoobar 2011) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijineysa in Asad Cabdi Saciid uu ka mid ahaa ardeydii dhismaha Wasaaradda Waxbarashada ku sugeysay natiijadii imtixaankii laga qaaday, mana ku lug lahayn howlo argagixiso.

Asad wuxuu ka mid ahaa ardeydii imtixaanka ku gashay Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi, wuxuuna dalka u yimid arrinta ku saabsan waxbarashadiisa.

Mudane Asad wuxuu naftiisa ka mid yahay dhibbanayaasha wax ku noqday weerarkii bahalnimada ahaa, waxaana haatan lagu daaweynayaa isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Haybta dadkii isqarxiyay waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka ay soo gabagaboobaan baaritaannada socda.

Waxaan ka xunnahay khaladkaas dhacay.

DHAMMAAD

Xukuumadda KMG oo cambareysay weerar is-qarxin ah oo ka dhacay Muqdisho

War Saxaafadeed-

(Muqdisho, 4 Oktoobar 2011) Xukuumadda Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa qarax maanta lala beegsaday dhisme ay ku yaallaan dhowr wasaaradood, halkaasoo uu naftii-hallige ku dilay illaa 20 qof, ayna ku dhaawacmeen illaa 30 qof. Waxaa qaraxa loo adeegsaday baabuur weyn.

Dadka dhintay ama dhaawacmay waxaa ku jiray ardey iyo waalidiin sugayay natiijada deeqo-waxbarasho oo ay bixineysay Wasaaradda Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Mas’uul sare oo ka tirsan Xukuumadda oo halkaasi wax ku noqday ma jiro.

Weerarkan wuxuu muujinayaa in khatarta ka imaaneysa argagixisada aysan weli dhammaan oo ay jiraan dad weli doonaya inay carqaladeeyaan horumarka ay shacabka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada.

Xukuumaddu waxay tacsi u direysaa dhammaan qoysaska ay dadkoodu geeriyoodeen, waxayna u rajeyneysaa kuwa dhaawacmay inay deg deg u soo kabtaan.

Wixii warbixin ee soo kordha waan idinla soo socodsiin doonnaa.

DHAMMAAD (Isha: DFKM)


WAR SAXAAFADEED

Wasiirka Britain ee arimaha Afrika , Henry Belllingham ayaa cambaareyay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho. Ugu yaraan 65 qof ayaa lagusoo waramayaa in ay geeriyoodeen.

Mar uu hadlaayey maanta, wasiirka umuuraha qaarada Afrika waxaa uu yiri:

“waxan aad u cambaareyneynaa qaraxii maanta ka dacay magaalada Muqdisho oo ay ka dambeysey kooxda AL Shabaab , kaas oo lagu waayey naf badan. Waxaan tacsi tiiranyo leh u direynaa eheladii dadkii dhintey oo aan wax galabsanin, iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka ah ee Somaaliya.

“Weerarkaan naxdinta weyn leh waxaa arxan daradiisa muujineysa in dadki ku waxyaalooway ay ahaayeen arday iyo waalidiin kuhowlanaa in ay ogaadaan natiijada imtixaanaad ay u galeen deeq wax barasho”

“Sido kale weerarka wuxuu dhacay xili loo baahanyahay in wadanka uu ku midoowa sidii loo gari lahaa horumar siyaasadeed iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay saameeysay macluusha ka taagan wadanka oo dhan”

Warbixintan oo Ingriis ah ka eeg lifaaqa hoose;

http://www.fco.gov.uk/en/news/latest-news/?view=News&id=664418082

Mahadsanidiin

___________________________________________

Abdilatif Maalim| Communications Officer


Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

13 Jawaabood " Xarun ay Degenaayeen ilaa Sideed Wasaaradood oo Dowladda Federaalka ka tirsan oo lala Beegsadey Qarax Ismidaamin ah (Warbixin) "

  1. Runtii mahaa maarki horeese oo ee Student ee Guumaadkii ardaadi cafiimaka ka Qaliinjiibineese in ee gumaadeen ku layiiraado. All sheya dhiin cadoo wiilaaha. Waan in hoordaa lagaa kacaaa somalia ciid umaa maaq ceel naa umaa Qoodnaa cadooga Ku soodoole dadka somaliyiid oo ah alshabaaboobooo. Waan in Qofkastaa oo somali aah oo kaafaantiisa madaxaa Ku soo xiirtaa oo laa iska dhiiviyeye becouse no one cares us we have take care us we have be unity strong

  2. Jaamac Aweys says:

    war ninkan Jamaal la baxay waxaan idiin sheegaa waa ***** maxaa yeelay ****** arxan malaha jir naxana kuma yaal kor iyo hoosna waa nin cadaabi sugeyso sidaas daraadeed ayuu ardadii iyo waalidiintii soomaaliyeed ee la laayay ugu magacaabay jaajuusiin.. waxaan kuu sheega jamaaloow inaad tahay adiga iyo shabaaba yuhuuda afrika amerika ugu qaabilsan dabargooynta muslimiinta iyo islaamkaba…
    Alle ku cadaab towbana kaama aqbalo haddaad diri ardadii aad disheen shalay waa jaajuusiin

  3. jama mohamed says:

    cajaaib
    ummdaas dhimatay arday iyo miskiin kaleba ilaahay ha u naxariisto
    nimankaan falkan fuliyay ee shabaab horta waa dad arxan iyo insaniyad toona aan lagu sheegi karin hase ahaatee waxaa is way diin mudan maxay ardayda u bartil maameed sanayaan ? iyadoo qof aan dambi kaa galin in aad dishaa xaaraan tahayba hadana arday iyo dumar iyo dad masaakiin ah oo wado iska maraya in aad dishaa waa ka sii xun tahay war dad kaan waa cadaysteen mawqif kooda waana dad ku duulay aqoonta dub naxana aan lahayn diin iyada iska daa 1 qof oo muslim ah baa la diiday in la dilo kii dilana la yidhi naartuu ku waarayaa maxay kula tahay 100 qof oo arday ku jirto iyo dad kale oo masaakiin ah
    waan arkaa in dad ku faraxsan dhiigaas ay halkan wax ku qorayaan laakiin waxaan leeyahay qof aan gacan gaysan oo mid wax dilay la dambi ah baa jira nin kaan jamaal isku magacaabay wuxuu ka dhigan yahay baqtiga ma cune eh maraqiisaan cabaa , wuxuu kaloo sheegay in uusan isba daayeen dadkaas shalay la gumaaday subxaanalaah waar waa in la iska qabto niman kaan islaam iska daaye insaan kuma sheegi kar no eh
    arinta kale qaraxaan foosha xun ee arxan darada ah wuxuu cadeeyay tamar yarida kuwaan dawlada sheegta ma waxay moodeen in niman kii iska tageen oo woodoodii waaqantay war umada si daacad ah ogu shaqeya hadii kale u sheega in aydan waxba qaban karin meesha inta ku hadhay ha ka yaacdo eh

  4. midka jamaal sheeganaya haddii hanuun kuu qoranyahay alle haku soo hanuuniyo haddii kale sow ma aha adiga iyo cali dheere iyo wiilkii isqarxiyey iyo kuwii soo diray dhammaan caddaaladda rabbi ayaad hortagaysaan, kii wax qarxiyey iyo midka taageeraya ama u qiil raadinaya waxba isma dhaamaan.

    ogoowna wax aakhiro lal yiraahdo inay jirto, hadalkaagu uma eka nin aakhiro yaqaan iyo ilaah toona.

  5. Falxado says:

    Jamaal

    Waxaa Ilaahay ka baryay inuu kugu sallido kuwo kaa dulmi badan! waxaad dulminaysaa ummaddii muslimiinta ahayd ee gardarrada loo gumaaday. waxaad xalaalaynaysaa dhiiggooda ilaahay xarrimay.

    Kuwa falkaas geystay ee ku faanay waxaan Allaah uga baranay inay abaalkooda deg deg u helaan, oo lagu sallidi doono cid dulmisa oo ka been dhaarata.

    Ilaahay waa kii yiri (waar bani aadamow, anigu dulmiga waan ka xarrimay naftayda, ee ha is dulminina), yaa ka dulmi badan kuwa inta carruurta dadka laaya haddana ku been abuurta!!

    Been badanaa, ma kaligoodaa meesha jooga!!! kulahaa arday maahayn ee waxay ahaayeen jawaasiis!!! subxaanallaah

  6. hamza says:

    waxaa utacsiyeenaa dhamanumda somliyed.waxaa ;iyo ehladiiaydakkageeryoodeen.tan kale qoraag warkan waxaan lee yahy hadalkaag badal sida xaqiiqada ah wax uqor caadifda shaab ku hayso shabab.iskadaa,waadtaqaaaa meeshianysan ciida dagaee oo ayarday imtixaan lagulayee.warkaag sifiica baanu khriyay amin,ilaahy kayaab oo warka si dhaxdhaxadinaam u qor.badana waad udoodaa dhalita lalayan waad ka doodaa

  7. Abdukadir Adam says:

    ad iyo aad ayan uga xumahamay dhibaatada so gaartay ardaydii doonaysay in ay deeq wax barasho ka helaan doolada ku meel gaarka waxan ilaah uga baryayaa in uu ilaaah janadiisa fardowso ka waraabiyo ….. amiin

  8. Azad adam says:

    Inali lah wa ina ilahi rajicun
    war dadkayagow ka kaca fadhiga oo ladagalama wuxushtan idin dhameneeysa had iyo godhale
    alshababna wa kox an muslim iyo diin toona aan raad ku laheyn oo arxan lawayaala waxana shacabka uugu baqaya iney iska dulqadan gumeysigan gumadka wada sii italia iyo egland la iskaga dulqaday hala iska dulqada meyl kas ta oolagu arkana haloshego dadka wax ka qabankadha wad adhagten sidad u qadhsaneysen waxa ay idinkula solabtene wa mas abrisa abrisna hadad malb siso ama aad hosta ku qarsato sinama kuma ilawo qanininyada ee fadhiga ka kaca wad qaribmateme

  9. JAMAAL says:

    Runtii maahi Shabaab waana jirtaa in aan wax badan ku diidanahay lakin In INCIDENT meeel ka dhacday aan ka warano sida ay tahay iyo nacayb aan qolo u qabno waa kala laba ismana qaadi karaaan .
    Tan ku saabsan ardada anoo aan inkirayn inay arday yihiin Hadana mandiq iyo caqli aan u hadalo Hadii uu ardaygu cadaw yahay oo dartay uu dibada u aadayo soona qaadanayo Course tiii u xumayd oo ah Jaasuus iyo inuu aniga i gumaado taasi waxay ila tahay waa banaan tahay dilkiisa waana shay cad Qalin iyo qorina kuma kala duwana Cadawga .

    lakin aan ka warano Scholarships-kii ay bixisay turkiga sida loo qaybsaday Caydhiiinka ayaa lagu kala qaatay qolo walbana waa la tagtay waxeediii Ardadii xamarna oo u badan Qoyska Shariifna mar hore ayayba baxeeen , lakin waxa la hubaa ee meesha joogay waa Ciidan Amni ah oo Sudan loo dirayey hadhawn u soo laabanayey In Kan Qarxiyey Laftigiisa ay dilaan !!!.
    Arintan Waa isku DayDaciifnimo ah o DAwladu ay ku raadinayso inay sumcada kaga Disho qoladan kale ee ay is hayaan lakin waxaa Cadaatay inay yihiin Ducafo u badan Qurbo joog aan qaarkood si fiican wax u cabiri karin Somaligana aan Aqoon ,
    waad la socotaaan beenta u wayn Gaariga qarxay ee qarixiisa meel 1Kms ka ban dad ugu dhinteen aaa kii waday Passporkiisa la helay KKK Asagoo Sakhraansan buu BARIISE malaha meesha yimid . Tan labaad nin buuu madaxa ka saaray oo sheegay magaciisa hadana Habeenimadii baa Madaxtooyadu beenisay hadalka Afhayeenkooda .
    Gebagebadii Shariif iyo waxa la socda waa dad aaan aqoon loogu hirto lahayn Shaqsiyada lahayn ilaaahay Umada ha ka qabteeee

  10. AHMEDNUR says:

    waxaa layaab leh hadafka laga leeyahay qaraxan waxaana filayaa dadka gaystay inaysan ahayn soomali muslin dhab ahna aysan ahayn dano fog fog ayaana laga leeyahay dadka soomaalida ah waa inay fahmaan dadka mar walba tabcada iyo jilaafatada ku wada hor umarka shacabkan dhibanaha ah
    ilaahay waxaan ka bar yayaa in cadawga somalida uu xad usameeyo xalkana loosoo jeedsado intaas ilaahayoow way nagu filantahay intaasi ilaahayoow way nagu fintahay …….war ilaahay hala baryo madaxana kor haloo qaado qof waloowba xalka raadi isfahan halagu raadsho wadaninimo akhlaaq ku dhisan ayaana loo baahan yahay

  11. Inaa lilaah wa inaa ileeyhi raajicun walaahi ma aqaan arintaan waxa ku til maamo waa musiibo mana qabto shareecada islaamka in arday la laay loogu dhawaanayo alaah ee waxan leeynahay dadkas waxad sameeyneeysin iska ilaaliya walibo adinka oo ku gambanayo diinta ilaaheey oo nacsiinaya dadka kale by cade

  12. ilaahow soomaalida dhibka ka saar.
    dhanka kale waxaan leeyahay waxaan waa denbi laga galay umada soomaaliyeed maxaa yeelay ileehey quraankiisu ayuu wuxuu ku leeyahay
    ma idinku dhacay dhib ilaa wixii aad gacantiina ku keensateen mooyee
    marka soomaaliyeey ilaahey halaga baqo waxaana hubaal ah hadii ilaah loo noqdo in la liibaanaayo ilaahow umadaan badbaadi yaarabi
    kana dula qaad kuwa dulmiga iyo dhibka ku haayo.

  13. alle ha u naxariisto intii ku geeriyootay weerarkan waxshinimada ah ee loo geystay dad aan waxba galabsan.

    waxaan oran lahaa reer muqdishoow dib isu baara? dib u fekera? maxaa idiin keenay musiibadan intan le’eg? danbi soomaalida kale gashay mid ka weyn miyaad gasheen? ma dhici kartaa caruurtan wax qarxinaya iyo kuwan maalin walba la qarxinayo in lagu soo koriyey quud aan xalaal ahayn? ma dhici kartaa in hanti dadweyne oo farabadan lagu lunsaday muqdisho? ma dhici kartaa dad badan oo aan waxba galabsan in magac haybeed lo dilay? ma dhici kartaa dad badan oo masaakiin ahaa in la dulmiyey? ma dhici kartaa in noocyo badan oo dulmi ah la isku fiirsan jiray oo aan la iska qaban jirin? bal dib haloo fekero, maxaa hargeysa iyo garoowe nabad ka dhigay? muqdisho ilaa kismaayo ilaa baydhabana ka dhigay hoyga colaadda iyo gaajada??? iyagoo ah dhulkii soomaaliya ugu barwaaqada badnaa? walaalayaal aynu isxisaabinno si inta hartay loo badbaadiyo, haddii kale wallaahi waa sidan iyo si kasii daran. alloow ka markhaati noqo inaan gaarsiiyey.