Home » Archive Maalinta October 2nd, 2011

Boobka Badda (Indian Ocean) iyo Soomaali oo noqotay Agoon loo Itaal sheegtey

Oct 2, 2011
Waxaa layiri nin Soomaali ah ayaa isku subax wuxuu aasey oo ciidda ku wada rogey aabihiis iyo wiilkiisii curadka ahaa. Subaxaasu wuxuu noqdey kii ninkaas ugu naxdin iyo murugo badnaa intii uu noolaa. Ninkii oo murugeysan ayaa wuxuu yiri oraahdan: Sii Akhri  Read More →
Halkudheg: ,

Xukuumadda oo cambaareysay xiritaanka Al-Shabaab ee shirkadaha xawaaladda iyo isgaarsiinta

Oct 2, 2011
Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta waxay cambaareyneysaa falka kooxda Shabaab ay ku joojiyeen shaqadii shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Joojintan oo timid kaddib markii shirkaduhu diideen lacago baad ah waxay dhaawaceysaa ganacsiyada ugu muhiimsan ee dalka ka jira oo ay ka shaqeeyaan, kana faa’ideystaan boqollaal kun oo Soomaali ah. Xeritaanka... 
Halkudheg:

Hayadda Human Care oo Tababar ku saabsan Habka ugu Casrisan ee loo Baaro HIV/AIDS U Qabatey Shay-Baariistayaal

Oct 2, 2011
“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI… Hayadda Human Care oo ah Hayad ka shaqeysa Gudaha Dalka iyadoo kaashaneysa Shirkadda SD (Standard Diagnostics INC ) oo ah Shirkada ka ganacsata qaybaha kala... 
Halkudheg: ,

VIDEO: Somali-Chennel TV oo arrimaha xadaynta badda Soomaaliya ka waraystay Ra’iisul Wasaaraha DFKMG

Oct 2, 2011
Dan ayaa noogu jirtay baddeenu in ay xad leedahay oo inoo caddahay EEZ waxa la yiraahdo …. Daawo  Read More →
Halkudheg:

DFKMG marna ma aqbalin mana taageerin dacwooyinka uu wado Peter King.

Oct 2, 2011
Warsaxaafadeed Ka soo Baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, Axad October 2, 2011: Mudanaha Aqalka Mareykanka ee Peter T. King, ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Amniga ayaa dhowaan ku shaaciyey boggiisa internet ka in Dowladda Soomaaliya ay taageereyso dacwadaha ka dhanka ah Muslimiinta ee uu wado. Dowladda Soomaaliya marnaba ma taageerin dacwadaha is-daba jooga ah ee uu ku dhawaaqay bishii... 
Halkudheg:

Abwaan Badmaceeye: “Baddeenu Ma Gadanto Mana Is Dhinto”

Oct 2, 2011
Maxamuud Warsame Faarax oo ku Magacdheer Badmaceeye oo ka mid Siyaasiyiinta Soomaaliyeed isla markaana ah Abwaan Soomaaliyeed ayaa wax ka weydiiyey arrimo la xiriira Duulaanka la rabo in lagu soo qaado Badda Soomaaliya taasoo ay wado Dowladda Federaalka Ku meel Gaar iyo Dowlado Shisheeye maadaama uu hore wax uga yiri Wejigii hpre ee lagu doonayey Badda Soomaaliya in lagu boobo isla markaana ka tiriyey... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...