Home » Warar »

DFKMG oo kordhineysa ciidamada ilaaliya xeryaha barakacayaasha

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa kordhienysa Ciidamada Gaarka ah iyo Ciidamada Deegaanka ee ka howlgalaya xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho, kuwaasoo xeryaha ka howl-geli doona habeen iyo maalin si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhanka ah barakacayaasha.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay maanta booqdeen Xerada Badbaado oo ah tan ugu weyn magaalada Muqdisho. Wasiirradu waxay doonayeen inay indhahooda ku soo arkaan xaaladda xeryaha, waxaana warbixin siiyay Hay’adda Qaranka ee Maareynta Musiibooyinka, iyadoo sidoo kale kulamo fool-ka-fool ah la yeeshay barakacayaasha.

Wasiirka Haweenka iyo Daryeelka Qoyska, Marwo Maryan Aweys Juma ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay sida xaaladda xerada ay u soo wanaagsanaatay labadii bilood ee la soo dhaafay dhinacyada nolosha iyo ammaanka. Hase yeeshee, waxay qirtay inay xerada ka dhacday hal dhacdo oo kufsi ah.

Waxay tiri: “Waxaan aad uga xunnahay inuu kufsi ka dhaco xerooyinka Muqdisho, haba ahaato hal dhacdo, waxaana aan la qeybsanayaa xanuunka dadka ay dhibaatada noocaas ah soo gaartay. Waa inaan ilaalinaa xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, waana inaan haweenka loo dayicin falalka noocaan oo kale ah.”

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, Mudane Cabdixakiim Cige Guuleed, ayaa yiri:
“Waxaan xeryaha geynay booliis xirfad leh si ay sharaf shacabka ugula dhaqmaan. Shaqo wanaagsan ayay qabteen, waana la sii kordhin karaa. Waxaan sidoo kale kordhin doonnaa tirada ciidanka deegaanka ee xerada, qofkii looga shakiyo inuu dambiyo ka galay barakacayaasha waxaa la horkeeni doonaa sharciga haddii ay jiraan caddeymo ku filan.”

Halkan kasii akhri qoraalka oo PDF ah

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa sheegay in Xukuumaddu ay aad uga go’an tahay gaarsiinta gargaarka iyo ammaanka xeryaha barakacayaasha, isla markaana aysan u dulqaadan doonon falalka ka dhanka ah barakacayaasha.

DHAMMAAD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.