Home » News »

Ardayda wax ka barata dalka Uganda oo cambaareeyey qaabkii loo maamulay deeqdii wax barasho ee puntland .

Ardayda reer puntland ee wax ka barata dalka Uganda gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka bari oo dhaleeceyn xoog leh usoo jeediyey qaabkii loo maamulay deeqdii wax barsho ee dalka turkigu siiyey puntland.

Tani waxay ka damaysay ka dib markii dalka turkigu ugu deeqay puntland arday gaaraysa ilaa 118 arday oo isugu jirta dugsiyada dhexe ,sare iyo heer jaamacadeed, deeqdaan wax barasho ayaan loo qaybin si cadaalad ah taas oo keentay gobolada p/land qaar ka mid ah ay heleen in ka badan 80% taasoo ka fog caadalada , halka gobolka uga balaaran uguna dadka badan uu helay in kayar 5% deeqdii wax barasho ee la siiyey p/land .

Hadaba asbuucaan ayaa waxa soo baxayey eedaymo kala duwan oo loo soo jeedinayo musuuliyiinta wasarada wax barashada puntland oo iyagu si khaldan u maamulay deeqdaas.

Ardayda wax ka barata wadamada kala duwan ee aduunka kuna abtirsada deegaanada puntland ayaa si isku mida u cambaareyey cadaadalad daradii ka dhacday magaalada garoowe . Sidii caddaalad darrida ahayd ee loo maamulay deeqddii wax barasho ayaa waxa ka hadlay ardayda wax ka barata dalka Uganda ee kasoo jeeda gobolka bari ,ka dib markii ay shir isugu yimadeed , una kuur galeen qaabkii loo maamulay deeqdaas ,ayey soo saareen qodobadaan.

Waxaan ka xunahay wixii ka dhacay magaalada garoowe.

Waxaan musuuliyiinta wasaarada wax barasha ka codsanaynaa inay ka jawaabaan sababta imtixaanka ardada lagu xulanayey loogu qabtay gobolada Mudug,iyo Nugaal looguna qaban waayey gobolada kale ee puntland.

Waxaan eedaynaynaa musuuliyiinta wasaarada wax barashada qaabkii cadaalad darada ahayd ee ay u maamuleen deeqdii wax barasho.

Waxaan masuuliyiinta gobolka bari ka codsanaynaa inay go,aan adag ka qaataan cadaalad daradii ka dhacday garoowe.

Waxaan ardayda gobolka bari kula dardaarmaynaa in aanay waxba kasoo qaadin cadaalad daradii garoowe oo ay dalkooda wax ka bartaan .

Waxaan ardayda reer puntland meelkasta oo ay joogaan usoo jeedinaynaa inay isku duubnaadaan dhegna aaanay u dhigin cadaalad daradii garoowe.

Waxaan dowlada puntland ka codsanaynaa inay dib u baarto cadaalad daradii  ka dhacday garoowe.

WAXAA QODOBADAAN SOO SAARAY GUDIGA ARDAYDA

  • Cumar maxamed salad (xaani) “economist”
  • maxamud c/qaadir xirsi “public admin”
  • ciise jamac shariif “environmentalist “
  • c/casis ibraahim yusuf “social worker “
  • c/risaaq axmed siciid (qaraaje “public admin”
  • C/risaaq yusuf faarax (boqorka) “public admin”
  • Axmed khaliif muse “sociologist”
  • Dr. maxamud muse siciid
  • Maxamed abdiwahaab khaliiji “analyst” “psychologist “

Waxaa soo tebiyey:

maxamuud abdiqaadir xirsi

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.