Home » Archive Bisha September, 2011

Shiikh Shariif oo la Qorsheynayo in Mudo 5 Sano ah loogu daro Xilka Madaxweyninimada Soomaaliya .

Sep 26, 2011
Warar aanu ka helneyno qaar ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka islamarkaana Xiriir la la leh Wadamada Daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxay noo sheegeen in Qaramada Midoobey, Dowladaha Daneeya arrimaha Soomaliya, IGAD, Midowga Yurub iyo Mareykanka ay qorsheynayaan in Madaxweyne Sheekh Shariif oo xiligiisu ku eg yahay bisha Agoosto ee sanadka soo socda loogu darayo 5 sano oo hor... 

Shirweynihii Sannadlaha ahaa ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo Dhawaan lagu soo Gabagabeeyey Magaalada Muqdisho

Sep 25, 2011
  Waxaa dhawan Magaaladda Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Shirweynhii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubaada Cagta kasoo Sannadkiiba mar la qabto , waxaana ka soo qaybgaley Masuuliyiin ka tirsan Guddiga Olambikada Soomaaliyeed , Madaxda Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Madaxda Naadiyada , Goboladda , Ururada Ciyaartoyda , Tababarayaasha , Garsoorayaasha, Dhaqaatiirta, Saxaafadda Ciyaartoydii... 
Halkudheg:

Aragtida Dadweynaha iyo Hamiga Cusub ee Qawleystayaasha Badda Soomaaliya 19-ka December

Sep 25, 2011
…haddii Badda loo sameeyo sharci cusub waxaa suurtagal noqonaya in la baabi’iyo wixii xadgudub ahaa ee Badda Soomaaliya laga galay…”  SII AKHRI…  Read More →
Halkudheg:

TAARIIKHDU WAA CIBAARO | Qore: Cabdalla Xaaji

Sep 24, 2011
Taariikhda aadmigu soo maray taniyo intii uu Ilaahay abuuray dunidan ee ay soo jirtay, waa cibaaro miidhan oo u baahan in dib loo jalleeco si wax loogu qaato.Marka uu Ilaahay(SW) uu innooga warramayo raggii qooqay ee uu Fircoon ka mid ahaa waa si aynnu uga baydhno waddadii ay qaadeen Fircoon iyo raggii la midka ahaa, isla markaana aynnu u marno dariiqa toosan ee ay ambiyadii innoo jeexeen. Qarni kasta... 
Halkudheg:

Kulan aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirradu maanta yeesheen oo looga hadlay Arrimaha gargaarka, warbixina looga dhegeystay Madaxa hay’adda Maareynta Musiibooyinka

Sep 24, 2011
Kulan aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlay xaaladda abaarta iyo gaarsiinta gargaarka dadka dhamaan gobolada dalka ee ay ka jiraan abuuraha, waxayna kula kulmeen mas’uuliyiinta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, iyagoo su’aalo ka weydiiyay qaabka ay Hay’addu u waddo qeybinta gargaarka ka imaanaya walaalaha caalamka ee soo gaaraya caasimadda. Shirkan... 
Halkudheg:

Kulan Balaaran oo dhexmarey Ururka Dhalinyarada SYL ee San Diego iyo Urur ay ku Mideysan yihiin Ardeydii ka soo Qalin Jabisey Jaamacadaha iyo Machaahida

Sep 24, 2011
Ururka SYL ee ka dhisan Magaaladda San Diego ee Cariga Mareykanka ayaa Gudoomiyahoodu Cabdi Maalik Cali Bucul waxaa kulan la yeesheey Urur ay ku mideysan yihiin Ardeyda Ka soo Qalin jabisey Jaamacadaha iyo Machaahida Dalka oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SUHA Somali Students of University and Highs institute Association kasoo ka dhacay Xafiiska Ururkaas ee Magaaladda Muqdisho Isbarasho ka dib... 
Halkudheg:

Sheikh Maxamed Idris oo Digniin ku saabsan Badda Soomaaliyeed u jeediyey DFKMG, Baaqna u diray shacabka Soomaaliyeed

Sep 24, 2011
Waxaan Leeyahay Shacabka Soomaaliyeed: Xaq qofkii lahaa daba joogaa ma lumo.. Miyaan la gaarin waqtigii dadka Soomaaliyeed intooda damiirka lihi is raaci lahayd oo qabyaaladda iyo qurunkeeda dhinac iska dhigi lahayd.. Sii Akhri….  Read More →
Halkudheg:

Admiral Faarax Qare “Xuduuda Badda Soomaaliyeed ma ahan 12nm ee waa 200nm”

Sep 24, 2011
Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliyeed  ayaa si qayaxan u diidey mashruuc lagu doonayo in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12nm, shir ka dhacay Seychelles ayuuna warqad diidmo ah u gudbiyey…. SII AKHRI  Read More →
Halkudheg:

Shareecada Xukuumad Ku Sheega: Bad Iyo Bariba Waa Beec

Sep 24, 2011
WQ: Cali-Daahir X Muxammad mohiyadin@hotmail.com بسم الله الرّحمن الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ والصّلاة والسّلام علي نبيّنا محمّد وآله أجمعين ٍلكُلِّ غَاْدِرٍ لِوَآءً يَوْمَ الْقِيَاْمَةِ يُرْفَعُ َلهُ بِقَدْرِ غَدْرَتِهِ ألا... 

Waftigii DFKMG oo ka midnoqday 27 dal oo ka dareeray Khudbadii Madaxweynaha Iiraan ee UN-ka

Sep 23, 2011
Waftiga DFKMG uga qayb gelaya shirka Golaha Qarammada Midoobey ee New York ayaa waxa uu kamid noqday dalalka ka dareeray shirka kaddib mamrkii uu khudbadda akhrinayey madaxweynada dalka Iiraan. Sida ay qortay jariidadda Time, waxaa khudbaddii Mahmoud Ahmadinejad ka dareeray “27 dall oo ay kamid yihiin Dalalka Xubnaha ka ah Yurub (European Union members), Australia, New Zealand, Somalia, Liechtenstein,... 
Halkudheg: ,

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan oo ku kulmay New York

Sep 22, 2011
Wasaxafadeed ka soo baxay xafidka ra’iisul wasaaraha DFKMg ayaa tibaaxay sidan: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa qaatay kulan waqti dheer socday. Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda Turkiga ah ay ka go’antahay saacidaada... 
Halkudheg:

Ururka Dhalinyarada SYL ee Magaaladda San Diego ee Dalka Mareykanka Deeq lacageed Gaarsiiyey Haween Garoobo ah iyo Agoon

Sep 22, 2011
Iyadoo Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ee Magaaladda San Diego ee Cariga Mareykanka ay Howlo Baaadanimo ka wadaan Mgaalada Muqdisho gaar aaan Dadka ay Saameysey Dagaalada , Colaadaha iyo Cudurada ayaa Deeg lacageed waxaa ay gaarsiiyeen Haween Goroobo ah oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdiho iyo Caruur Agoon ah iyo Haween Deeqdaan Lacageed oo ay iska soo ururiyeen Soomaali iyo Dad Ajnabi ah ayaa... 
Halkudheg:

Hayadda SEDHURO oo Tababar ku saabsan Waxyeelada Hubka u Qabatey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya

Sep 22, 2011
Tababarkan oo looga hadlayo Rasaasrta iyo Hubka looga tegay gudaha magaalada Muqdisho ayaa maalinimadii Sabtidii oo taariikhdu ahayd 17th Sept 2011ka furmay Xafiiska Sedhuro ee Magaalada Muqdidho. Waxaa lagu casuumay Saraakiishii hore ee aqoonta sugan u lahaa agabka hubka iyo dhamaan waxyaabaha Qarxa , waxay ay lafo gureen arimaha khatarta ah ee Hubku uu u gaysanayo Bulshada Rayidka ee reer Muqdisho,Waxayna... 
Halkudheg:

OGEYSIIS ku socda jaaliyada soomaaliyeed ee degan Denmark

Sep 22, 2011
Kulankan ayaa lagula kulmayaa hadii Allaha awoodalii ogolaado ruug cadaa soomaaliyeed oo qayb libaax kasoo qaatay gurmadkii  abaarihii soomaaliya  soomaaliya ku dhuftay.    Read More →
Halkudheg:

Weriye Xasan Anteeno oo Kooxo Hubeysan si Xun ugu Dhaawacay Magaaladda Boosaaso

Sep 22, 2011
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland waxay sheegayaan in Weriye Xasan Maxamed Cali oo loo yaqaaney Xasan Anteeno una shaqeynayey Idaacadda Codka Nabadda ee Magaaladda Boosaaso ay kooxo ku hubeysan Bistooladu ay si Xun ugu dhaawaceen Mar uu galayey Xarunta Idaacada ee Bosaaso Xasan Anteeno ayaa waxaa ku dhacay ilaa Shan Xabadood oo qaar ka mid ah ay ka haleen Wadnaha iyo... 
Halkudheg:

Eastleigh (Islii) Dhalaal iyo Dhooqo (2) !!!

Sep 22, 2011
Horudhac : Waxay aheyd juun, 2004 markii ugu horeysay ee aan imaado magaallada Nairobi, kiinya. Waxaana markii aan ku degay xaafadda Caanka ah ee Eastleigh oo Soomaalidu ku garan ogtahay Islii.Waxaa i soo jiitay Gabdho Soomaaliyeed oo wada Xijaaban oo wada dhalaalaaya oo aanan arkin muddo Sanooyin ah ilaa markii aan wadanka Soomaaliya ka soo tagay sanadkii 1989, oo waagaas uu xijaaku u koobnaa oo... 
Halkudheg:

Reer San Diego ee Mareykanka oo Daawooyin iyo Lacago gaarsiiyey Isbitaalka Hooyada iyo Caruurta ee Banaadir

Sep 21, 2011
Reer San Diego ee Cariga Mareykanka ayaa waxay weli wadaan Gargaarkii ay ka wadeen Magaalada Muqdisho oo ay gaarsiinayeen dadka dhibaatada ka soo gaartey Abaaraha , Colaadaha iyo Cudurrada ayaa Deeq isugu jirtay Lacago iyo Daawooyin ayey gaarsiiyeen maanta Bukaanada ku jira Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir Deeqdaan kala duwan oo ay soo dhiibeen reer San Diego ayey waxay u so wakiisheen... 
Halkudheg:

Dhismaha Guddiga Farsamo ee Dhaqangelinta Tubta La Tiigsanayo (Roadmap)

Sep 21, 2011
Warsaxaafadeed kasoo baxay DFKMG ayaa sheegay: Xukuumadda KMG ah ayaa dhistay Guddi Farsamo oo loogu talogalay inay hirgeliyaan roadmap-kii lagu heshiiyay Shirkii Wadatashiga ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay 6dii Sebteembar 2011. Guddigan waxaa wada guddoominaya Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda KMG ah, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,... 
Halkudheg:

Hay’adda SOYDEN oo Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maamuusayay Maalinta Nabadda Adduunka .

Sep 21, 2011
Hay’adda isku xirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN ayaa maanta ku qabatay Muqdisho xaflad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee nabadda adduunka, iyadoo xafladdaas ay kasoo qaybgaleen xubno uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda dhallinyarada, isboortiga, shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya Xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay 60-dhallinyaro... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii |Casharkii XI-aad

Sep 21, 2011
Talyaanigii ciidamo badan ayuu ku soo dejiyay degmooyinkii uu u arkayay in ay ahmiyad istraateejiyadeed u leeyihiin weerarada uu ku doonayay in uu ku gumeeyo degaanka iyo dadkiisa. Degmooyinka uu markaas ciidamadiisa fariisiyey waxaa kamid ahaa Boosaaso iyo Xaafuun. Sheekooyinka odey ka-sheekeega ah ee ka waramaya dagaallada xilligaas dhacay waxaa kamid ah fal ka dhacay degmada Boosaaso. Koox dagaalyahanno... 
Halkudheg:

DFKMG oo faahfaahin ka bixisay Xeerka Xaaladda degdegga ah iyo Waxqabadka Maxkamadda Ciidamada

Sep 20, 2011
Waxay Amnesty International soo saartay 2dii Sebtember 2011 war saxaafadeed ku wahajan Xeerka ku saabsan Xaaladda degdegga ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ka soo saaray aagagga ay banneeyeen Al-Shabaab oo caalamku u aqoonsan yahay koox argagixiso ah iyo xerooyin ay ku jiraan dadka ka soo barakacay gobollada ay saameeyeen abaarta iyo dagaallada ay kooxdaasi waddo. Waxaa kale oo ay si... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...