Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed Casharkii XII-aadii

Sida aanu soo xusney guutooyinkii u adeegayay xooggii gumeystaha, waxaa lagu soo ururshey degmada Eyl. Dabadeed waxay guda-galeen howl-galladii weerarka ahaa oo ay kaga hor-tegayeen dagaalyahaniintii axraarta ahayd. Ciidamadii Talyaanigu watay iyaga oo laba af ah ayaa waxay u hayaameen dhanka waqooyi. Ciidan waxay qaadeen dhulka xeebta ku dhereran ee degmada Eyl kaga began waqooyiga, degaankana dhanka bari ka xiga. Ciidanka kale, qudhoodu waxay u hayaameen dhanka waqooyi, laakiin dhulka gudaha ah ee dooxooyinka u badan ayay ku socdeen. Guutooyinkii ku hayaamay dhulka xeebta xiga waxay ku baaheen dhulka dooxooyinka ah ee dhuun Nugaaleed. Ciidamadan tirada badan ee ku dhaqaaqay gudaha gobolka Majeertiinya, waxaa hor-fadhiyay ciidan ururo ah oo wadarta tiradoodu ay dhan tahay 2.000 oo nin. Waxaa hoggaaminayay Xirsi Boqor. Iyagu waxay ku firirsanaayeen xeebta degmada Beyla illaa magaalada Qardho ee gudaha ku jirta. Waxaa ciidankaas kamid ahaa 200 oo fardooley ah.

Ciidankii u kacay dhanka Iyax waxay gaareen Biyacaddo oo dhanka waqooyi degmada Eyl ka jirta 45 km. Halkaas ayay ka sameysteen fariisin ciidameed. Iyagu ma ayan helin fursad ay ku nagaadaan. Taasina waxaa ay ka danbeysey markii uu qabsadey weerar xooggan oo kaga yimid dhanka ciidamadii Xirsi Boqor. Dagaal ba’an oo muddo toddobaad ku dhow socdey ayaa labadii ciidan ay isku riiqmeen. Dhulka leysku fara-saarey wuxuu ahaa mid aad u ballaaran.

“ Halkaas waxaa ka dhacay dagaalkii ugu geerida badnaa ee labada dhinac hela. Meesha dagaalka xooggiisu uu ka dhacay waxay ahayd Hoosa-wayne. Waxaa dagaalka galay dad-waynihii degaanka oo dhan. Qof waliba hubkii ayuu qaatay “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 288. Copenhagen – Denmark).

Culeyska uu dagaalkan lahaa waxaa laga garan karaa dadka kaga dhintey labada dhinac. Wadar waxaa lagu qiyaasey in ay ka badnaayeen shan boqol oo qof. Geerida waxay u badneyd dhanka Soomaalida, gaar ahaan dad-waynihii xoogga uga soo qeyb-galay dagaalka ayaa ku hoobtey. Talyaaniga dhankiisa wuxuu keeney gurmad isugu jira ciidan iyo hub. Ugu danbeyntii isaga ayaa ku guuleystey. Dabadeed wuxuu halkii ku gaba-gabeeyey reer miyigii degaanka. Khaalid Cali-Guul oo arintaas ka sheekeynaya wuxuu qorey sidaan:

“ Goobtaas waxaa ku dhintey rag aad u badan oo ay kamid yihiin laba adeeradey ah. Waxaa maalintaas la qabtey aabahay Cali-Guul. Waxaa fakiyay (oo sii daayay) nin kamid ahaa askarta Talyaaniga oo la oran jiray Abyan. Halkaas ayaa aabahay uu ku nabad-galay “. (Isla marjicii hore).

Ciidankii kale ee ku socdaalay dhulka gudaha ah, iyagu waxay gaareen degaanka Kallis iyo Sin-ujiif. Degaanku wuxuu leeyahay ceelal, sidaa darteed ayay halkii ka dhigteen fariisimo ciidameed. Iyagu waxay ogaayeen in dhulka ka horeeya uu yahay dhul oomane ah oo aanan biyo lahayn. Meesha ugu sokeysa oo ay biyo ka heli karaan waa Kalyaxeed. Haddaba waxay ku dadaaleen in ay u howl-galaan, muddadada ay goobahan fadhiyaan in ay isku baahiyaan dhanka galbeed oo ay gaaraan xuduuddii uu Talyaaniga la dhigtey Ingiriiska.

Muddadii ciidamadu ay arimahaas ku howlanaayeen, waxaa ka baxsadey rag badan oo kamid ah Soomaalidii ciidanka ahaa. Iyagu waxay u badnaayeen askar uu Talyaanigu ka soo qortey degaanka Gaalkacayo iyo Jirriiban, kuwaas oo horey uga mid ahaa ciidamadii Suldaan Cali Yuusuf. Ciidankan ayaa iyaga oo hubkoodii wata waxay ku biireen ciidamadii Xirsi Boqor. Ragga abaanduulayaasha ka ah dhanka ciidamada Soomaalida, iyagu waxay si wanaagsan ula socdeen dhaqdhaqaaqa ciidanka gumeysiga iyo meelaha ay saldhigyada ka dhigteen ee degaanka u ah. Taasi waxay dhalisey, dagaalyahanniintii Soomaaliyeed in ay qorsheystaan weerar xooggan oo ay ku qaadaan dhowr meelood oo saldhigyadii ciidamada gumeysiga fariisimaha u ahayd. Weeraradaas kuwoodii ugu xoogganaa ayaa waxay dhaceen markay taariikhdu ahayd 15/ 5- 1926-kii. Waxaa dagaalkan fuliyey ciidamo saddex qeybood u kala socdey.

Ciidankii qeybta koowaad tiradoodu waxay ahayd 500 oo nin oo ka soo baxay degmada Dhuudo. Waxay weerar ku beegteen degaanka Kallis. Waxaa hoggaaminayay nin la yiraahdo Maxamad Ciise. Taariikhdaas aanu soo xusney ayay degaanka Kallis isku heleen ciidankii halkaas u fadhiyay Talyaaniga. Dagaalkaasi waxaa dhaawac xooggan loogu geystey ciidamadii gumeysiga. Kediska lagu weeraray iyo jahooyinka looga yimid ayaa waxay sabab u noqotey in muddo gaaban lagu jebiyay ciidankii. Markii uu hoggaankii ka lumey, askartii Talyaaniga waxay noqdeen ugaar firxatay oo duurka lagu laayo. Qeybo kamid ah ciidankii dagaalyahniinta, waxaa kaloo ay weerareen ciidamo Talyaaniga u fadhiyay Af-gaduud iyo Ceel-maroodi, halkaas oo ay ka eryeen wuixii fadhiyay. Khaalid Cali-Guul oo ka sheekeynaya arintan wuxuu qorey sidaan:

“ Halkaas waxaa ka dhacay dagaal ay dagaalyahaniintu ku qabsadeen Kallis. Rag tira badan oo isugu jira Ereteri iyo Duub-cad Soomaali ah ayaa lagu laayay. Dhaawacaas waxaa sababay oo furintii u banneeyey qeybo kamid ah ciidankii Talyaaniga oo laga keeney Gaalkacayo. Iyagu waxay qaateen qoryahoodii oo waxay galeen buuraha. Dabadeed Mudug ayay sii aadeen “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 290. Copenhagen – Denmark).

Qeybtii labaad ee ciidanka dagaalyahannada, qudhoodu waxay ka soo baxeen degmada Dhuudo. Waxay kamid ahaayeen ciidamadii Xirsi Boqor. Iyagu waxay afka saareen degmada Eyl. Tirada ciidankan wuxuu gaarsiisnaa 550 nin, kuwaas oo si wanaagsan u hubeysnaa. Waxaa odey u ahaa Aadan Yuusuf (Dibindaabyo). Sahamada gar-wadeenada u ahaa waxay ahaayeen dadkii degaanka. Sidaa darteed waxay cadowga ka badiyeen dhulka iyo qaababkiisa. Taasi waxay u saamaxdey in xooggoodii uu si fudud u soo gaaro magaalada. Dabadeed dagaalkii wuxuu ka bilowdey laba saldhig oo ciidamada gumeysigu ay ka dhisteen labada af ee magaalada laga galo. Saldhigyadaas labada ah ayaa dagaalku si kedis ah uga bilowdey.

Gumaadkii loo geystey ciidamadii Talyaaniga, waxay ka muuqataa saraakiishii ciidanka oo ku wada dhintey dgaalka. Ninka ugu wayn oo dagaalkaas lagu diley wuxuu ahaa abaanduulihii dagaal-gelinayay ciidanka. Laakiin Soomaalida qudhoodii dhaawac ayaa ka soo gaarey dagaalkan. Dabadeed waxaa bilaabatay in badda laga soo duqeeyo magaalada.

“…….……………. Dabadeed waxaa la dalbaday markabkii Campania in uu kanooni ku garaaco magaalada iyo buuraha agagaarkeeda ah. Dad ayaa kaga dhintey labada dhanba leh. Waxaa kale oo meeshii ku bas-beeley qeybo kamid ah magaaladii “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 290. Copenhagen – Denmark).

Qeybta saddexaad ee ciidankan waxaa odey u ahaa nin la yiraahdo Xasan Shirwac. Tirada ciidankan waxay ahayd 300 oo nin. Iyagu waxay toos u weerareen saldhiggii Biyacaddo oo ay ku sugnaayeen ciidan laba guuto ah. Guuto Soomaali ahayd iyo guuto Ereteri ahayd. Dagaalkii ay kooxdan ku qaadeen ciidankii fadhiyay Biyacaddo, waxay ku dileen 40 nin oo Ereteri ah. Xoolihii ay ciidanku wateenna waa ay kala wareegeen. Dhacdadaas dabadeed ciidamadii gumeysiga waxay dib isugu urureen degmada Eyl.

Weeraradan saddexda ah waxay soo gaba-gabeeyeen qorshihii labaad oo Talyaanigu uu ku damcay in uu ku qabsado gobolka Majeertiinya. Ciidamadii uu u qorsheeyey arintaas inbadan oo kamid ah waxay ku le’deen weeraradii ka dhacay gobolka muddadii dhowrka sano ahayd. Saraakiishii Talyaaniga ahaa oo gar-wadeennada ka ahaa dagaalka, qudhoodu waa ay ku baaba’een. Xaakimkii Talyaaniga Mario De Vecchi, wuxuu arintaas ku xusayaa buugga uu ku magacaabay “ Orizzenti d’Impero. 5-anni di Guerra “, kaas oo uu ku sheegey in rag qaali ah ay kaga baxeen dagaalladaas muddada shanta sano ah ka socdey geeska Afrika.

Jeneraal Maxamad Ibraahim Maxamad (Liiq-liiqato) ayaa qudhiisa xusey qeybo kamid ah dagaalladii xilligaas dhacay. Isagu wuxuu ka sheekeeyey dagaal ka dhacay koonfurta buuraha Karin, kaas oo taariikhdiisu ay ahayd 26/ 9- 1926-kii. Dagaalyahaniintu waxay markaan weerareen ciidan ilaalinayay xoolo badan oo laga soo dhacay reer miyigii Soomaaliyeed. Ciidamadii Talyaaniga u adeegayay oo Soomaali u badnaa waxaa halkaas lagaga diley 14 nin. Waxaa lagaga dhaawacay 100 nin. Wixii xoolo ahaa oo ay heysteena waa laga qunsadey. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 94, Muqdishow – Soomaaliya).

9/ 10- 1926-kii, ciidan gaaraya 800 oo uu hoggaaminayay nin la yiraahdo Cali Arbe, ayaa waxay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamadii Talyaaniga ka sameysteen degmada Qardho. Wixii ciidan ahaa oo uu gumeysiga halkaas ku soo ururshey nin kama baxsan. Magaaladiina waa laga qabsadey.

1/ 11- 1926-kii

2/ 11- 1926-kii, ciidan 1000 nin gaaraya ayuu ku weeraray degmada Butiyaalo ee xeebta ah. Degmadu waxay ahayd Khooriga keliya oo markaas u furnaa Soomaalida si ay ula xiriiraan dibadda. Ciidamadii Talyaaniga difaac adag ayaa ka hor yimid oo waa u suura-geli weydey in ay Kkhoorigii gacanta ku dhigaan. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 95, Muqdishow – Soomaaliya).

Xilligaas beelaha Soomaaliyeed dhamaantood waxaa gacanta ku hayay maamulladii gumeysatada. Gaar ahaan beelaha xuduudda la wadaaga gobolka Majeertiinya waxaa halkaas ka dhisnaa saddex maamul. Waxay ahaayeen maamulkii Daraawiishta oo Ingiriisku bur-buriyay, maamlkuu saldanadda Warsangeli oo qudheedu Ingiriisku qabsadey kadib markii uu suldaan Maxamuud Cali Shire uu maxbuus aha aula tegey, iyo maamulkii saldanaddii Hobyo oo Talyaanigu uu qabsadey suldaankiina Xamar maxbuus ahaan u geeyey.

Nin kamid ah dagaalyahaniintii ka dagaalamayay Majeertiinya ayaa xilligaas wuxuu gabey u direy beesha Warsangeli oo uu filayay in ay ka khasaaro yaraayeen dhaawacii ku dhacay Mudug Nugaal iyo Sool. Isagu wuxuu ku guubaabinayaa in ay dagaalka la soo galaan oo ay ku gadoodaan xaakimka Ingiriiska ah oo Soomaalidu ay magaciisa u tiqiin Laaran. Abwaanka oo magaciisa la yiraahdo Maxamuud Cilmi Daad, wuxuu gabeyga fariinta ah u sii dhiibayaa nin ay saaxiibo yihiin oo u socdey degaanka reer Abtigiis. Ninkaasi oo uu ku hal-qabsanayo waxaa magaciisa la yiraahdaa Axmad Gurey Shirwac. Gabeygii Maxamuud Cilmi Daad oo aan qeybtisii hore soo miin-guuriney wuxuu ahaa sidan:

  1. Axmadow adaa laabmaya aadin leyr sare’e
  2. Lugo lagama gooyow adaa leyradaas u kicine
  3. Adaa laashanihii Cowsaniyo tegin ladiiddiiye
  4. Lur yar baan ku-farayaaye gee Cumarku leeleelye
  5. Waxaa leejiyan ama la-diley bih ina Liibaane
  6. Lowga ugu aas reer Garaad waa laftaan rabeye
  7. Yaan gabeygu kala leexanine laanka ka higgaadi
  8. Waxse tiraa war kiinii lahaa waa ad-lumiseene
  9. Alleylehe sidii niman laf yara wayska luudeene
  10. Alleylehe gunnimo laabudiyaad luqunta saarteene
  11. Liilaaf ma weydeen haddaad luqufka diiddaane
  12. Loolkiini waxa doorshey waa toban lillaagoode
  13. Ninkaad Laaranow leedihiin laga lihiin roone
  14. Leydhoon haddaad ugu riddaan erey ma laabeene
  15. Laf-lafkaa dambuu idin la galey waa dagaal li’iye
  16. Laan-laanti reer Cali-Garaad uma lug duubeene
  17. Laad laguma dheelmeen raggii laashunka ahaaye
  18. Lafaha lama jebsheen caaqiliin feer aan loo turine
  19. Lacag lagama qaateen sidii kaar la leedsadeye
  20. Amba laabtu way ruxan sidii laan dabeyshadeye
  21. Waan laba-legdeeyaa hurdada ledina maaqaane
  22. Alla sow dagaal uma kacdaan duniba luul-luufe
  23. Rag suldaanki laga qaadey aan leexo kicineynin
  24. Oo sida haween laadan oo lebenka fuudaaya
  25. Ilaah baa ilehe laguma arag lugaha Daaroode
  26. Ar-maad laba kelyood loolisaan baraqu waa liide
  27. Askarba aanadi laalantiyo garayey luulkiiye
  28. Leyf buu noqdeye jeer horuu lumi lahaa gaade
  29. Sow wiil labeeyaa ma jiro leben ma-maalooyin (Maxamuud Cilmi Daad)

Inkasta oo gabeygaas markii uu Sanaag gaarey ay ku soo baxeen kooxo dhallinyaro ah, misana waxay ahayd xilli halgankii la wiiqey. Markaas gumeystuhu wuxuu u gudbey qorshaha weerarkii saddexaad ee uu gobolka ku qabsadey. De Vecchi ayaa markii ay u caddaatey in uu ku khasaarey dagaalkii afarta sano socdey ee labada weji lahaa (weerarkii badda iyo kii dhulka), wuxuu dejiyay naqshadda weerarka saddexaad ee uu ku doonayay in uu ku gumeeyo dadka ku dhaqan gobolka. Inkasta oo ciidamadiisii dhaawac wayn la gaarsiiyay, misana wuxuu ogaa, dhaawaca gaarey dagaalyahannada in uu ka wayn yahay kan isaga gaarey. Waxay ahayd xilli ay rasaastii gabaabsi ku tahay gacmaha Soomaalida. Waayo muddadii uu dagaalku socdey, badahii ayuu ka xiray oo wax xiriir ah oo ay dibadda la lahaayeen ma jirin. Dagaalka waxay ku wadeen xoogaagii hubka ahaa oo ay horey u heysteen iyo wixii ay ku furteen dagaaladii ay la galeen Talyaaniga.

Waxaa kaloo jiray, muddadii uu dagaalku socdey, Talyaanigu wuxuu koonfur ku diyaarinayay ciidamo tira badan oo uu ku xoojiyo dagaalka kaga furan gobolka. Dabayaaqadii sanadkii 1926-kii ayaa Talyaanigu wuxuu bilaabaya in uu fuliyo qorshihiisii saddexaad ee uu ugu tala-galay in uu ku qabsado Majeertiinya. Qorshaha markaan wuxuu isugu jiray weerar wada-socda oo dhulka iyo badda ah. Wuxuu soo kordhiyay ciidamadii dhulka ka weerartami lahaa iyo maraakiibtii badda wax ka duqeyn lahayd. Raxan walba oo maraakiib ah aag ayuu u cayimay si ay duqeynta uga qeyb-qaataan. Isla-markaas ay ka qeyb-qaataan daad-gureynta ciidanka.

Qaybaha kale https://somalitalk.com/tag/eenow/

Qore: Dr. Saadiq Enow

dr_saadiq@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.