Home » Warar »

Warsaxaafadeed Ku-simaha R.W. oo maanta kormeer howleed ku tegay Dekeda iyo Kaamka Rajo

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna
Wasiirka Ganacsiga iyoWarshaddaha Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen
Ugaas Khaliif oo ay wehliyaan xubno isugu jira Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo
Wasiiru dowleyaal ayaa maanta booqasho howleed ku tegay Dekedda weyn ee
magaalada Muqdisho iyo Xerada barakacayaasha ee Rajo ee degaanka Jaziira.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuurgalay habsami u socodka howlaha Dekedda oo
si caadi ah u soconayay isagoo R/wasaaruhu soo kormeeray qeybaha kalad
uwan ee dekedda wuxuuna halkaasi kula kulmay maamulka dekedda waxayna
ka warbixiyeen howlaha dekedda iyo balanqaad ay ka heleen dowladda Turkiga
oo dooneysa inay dayactir xoogan ku sameyso qeybo ka tirsan dekedda gaar
ahaana halka ay ku soo xirtaan maraakiibta oo ciriiri badan ka jiro.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa booqday Xerada
barakacayaasha ee Rajo halkaasoo ay ku jiran kumanaankun oo dadweyne ka
soo barakacay gobolada dalka ee ay abaaruhu dhufteen, isagoo dadweynaha u
kuurgalay noloshooda iyo qaabka ay hay’adda Bishacas ee Turkiga iyo Bisha
cas ee Imaaraadka ay ka bixiyaan raashin karsan oo saddexda waqti ah.

Ra’iisu Wasaaraha ayaa ka jawaabay cabasho ay shacabka xeradaasi ka
muuiyeen raashinyari wuxuuna u balanqaaday in hay’addaha ku shaqada leh ay
si deg deg ah uga dalbanayaan in loo kordhiyo Raashinka laga kariyo xeradaasi
si loo helo raashin wada gaara dadka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah


“Sida aad indhihiina ku aragtaan waxaa halkan ka jira cunayari sababtoo ah
waxaa halkan degan 4,00 oo qoysas ah oo soo barakacay oo caruur iyo haween
u badan, mana awoodo Dowladda Federaalku inay dhanka raashinka ka
caawiso, sababtoo ah waxaan daboolnay baahida degaanka iyo ammaankooda,
balse caalamka waxaan ka cosaneynaa inay dhanka Raashinka ka si fiican uga
taakuleeyaan” ayuu yiri Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif mar
uu warbaahinta kula hadlay gudaha Xerada Rajo.

Halkan da akhriso qoraalkii oo PDF ah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.