Home » Warar »

Bannaanbixii ugu ballaarnaa oo Soomaali ka cabaneysa sharci la’aan ka dhacay Holland

Boqolaal Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ajaaniibta kale ee ku nool dalka Holland ayaa maanta isugu soo baxay xarunta Dowladda Nederland ee Den Haag, gaar ahaan wadada Malieveld halkaasoo ay ku soo bandhigeen shacuurtooda ku aadan sida ay ugu xun yihiin sharci la’aanta ku heysa dalkani iyo nolosha ay ku nool yihiin oo ah mid cariiri ah.

Dibadbaxani oo ahaa mid si weyn loo soo abaabulay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dadka Soomaaliyeed ee sharci la’aanta ku ah Holland iyo ururada caawiya dadka soo galootiga ah gaar ahaan ururka la yiraahdo Stil, kaasoo gacan qabta dadka qaxootiga ah.

Boqolaal Soomaaliyeed oo mudo sanadooyin sharci la’aan ku ah dalka Holland iyo ajaaniib kale oo kala soo qeybgashay bannaanbaxani ayaa dareenkooda ku muujiyay dibadbaxa, waxayna si cad u wada qireen in xaalada ay ku nool yihiin ay tahay mid daciif ah haba ugu darnaatee sharci la’aanta.

C/salaan Yaasiin Cali oo ka mid ah dhalinyaradii ku hadleysay magaca Soomaaliyeedee sharci la’aanta ku ah dalkani ayaa sheegay in mudo sano ah uu ku nool yahay dalka Holland, taasoo dhaawac u geysatay noloshiisa, wuxuuna si qiiro leh ugu hadlay in dadka Soomaaliyeed aysan aheyn dad dambiilayaal ah oo aysan jirin wax ay galabsadeen, dalkoodana ay dhibaato xoogan ka jirto mudo 20 sano ah, sababta looga hor istaagayna in ay helaan xaquuqdii ay lahaayeen ee qaxootinimo aysan garan karin, wuxuuna ka codsaday dowladda Nederland in ay tixgeliso dhibaatada muuqata ee dadka Soomaaliyeed tabanayaan iyo guud ahaan ajaaniibta kale ee la midka ah sida Ciraaq, Afghanistan iyo dalalka kale ee dhibaatada ka taagan tahay.

Hooyooyin Soomaaliyeed oo mudo sano ah ku nool dalka Holland kuwaasi oo markii danbe Kaamamkii ay ku noolaayeen laga saaray oo bannaanka la dhigay ayaa soo buuxiyay goobta dibadbaxa ka dhacayay, kuwaasi oo wajiyadooda ka muuqatay murugo aan la soo koobi karin.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Dibadbaxani oo lagu casuumay Hey’addaha Soomaaliyeed ee ka dhisan dalkani kuwaasi oo ku howlgala magaca Soomaaliyeed ayaan jirin cid ka socotay oo ka soo qeybgashay, iyadoo Soomaalidii kasoo qeybgashay dibadbaxa ay aad ugu caroodeen hey’addahaasi magacooda madala, waxaana wax laga xumaado ah in Hey’addo waaweyn oo Nederlandes ah oo kasoo qeybgalay ay dareenkooda ku soo bandhigeen halka goobta laga waayay Hey’ad Soomaaliyeed oo ku hadasho magaca umadda ay madalaan.

Hey’adda Fsan oo ah hey’add ka howlgasha gudaha Nederland, qaabilsana wacyi gelinta gudniinka Fircooniga ayaa ka mid aheyd hey’addihii lagu casuumay iyadoo goobta laga waayay xubin ka socoto, sidoo kale hey’addo kale oo magaca Soomaaliyeed ku dhisan oo aan jirin wax ay qabtaan ayaa codkooda ku biirin waayay walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Holland, kuwaasoo aan la garaneyn sababta kaliftay iney ka soo qeybgalaan casuumaada loo fidiyay.

Ugu danbeyntii mas’uuliyiintii ka socotay Hey’addaha dadka caawiya ee Nederland gaar ahaan Hey’adda Stil oo gacan muuqata ku laheyd dibadbaxani iyo Aqoonyahano ka socday Jaamacaddaha Nederland iyo hey’adda Vluchtelingen Werk waxay balan qaadeen in dadka Soomaaliyeed iyo ajaaniibta kale ee sharci la’aanta ku ah Holland in ay caawin doonaan kana shaqeyn doonaan sidii dowladda Nederland ay dadkaasi u siin laheyd sharciga dal ku jooga ah.

Mudooyinkii u danbeeyay dowladda Nederland waxay culeys saartay dadka soo galootiga ah iyadoo ay hakad gelisay bixinta sharciyada iyo xaquuqda uu leeyahay qofka Qaxootiga ah ee dalkeeda iska soo dhiibo, waxayna dadkii Kaamamkii ku jiray qaarkood amar ay ku siisay in dibada la dhigo, waxaana jira Soomaali fara badan oo aan heysan meel ay seexdaan iyo wax ay cunaan, kuwaasi oo door biday in ay galaan Kaniisadaha dalkani ka dhisan oo laga helo cunooyin iyo in ay dadka ka caawiyaan sidii loo aqbali lahaa mar kale.

Ali Muhiaddin Ali
Utrecht, Nederland.
Muxiyaddiin@hotmail.com


Dhibaatada haysata Barakacayaasha Lughaya, waxaynau baahan yihiin Gargaar

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.