Home » Warar »

Xukuumadda oo magacawday Guddiga Khubarada ee Qabyo-qoraalka Dastuurka

Iyadoo la fulinayo Roadmap-ka, Ku-simaha Ra’iisul-wasaaraha, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xuseen Carab Ciise, wuxuu maanta ku dhawaaqaydhisitaanka Guddiga Khubarada ee caawin doona diyaarinta Dastuurka Qabyada ah.

Magacyadooda waxay kala yihiin:

1. Dr. Cali Saciid Fiqi
2. Maxamed Sheekh Cusman Jawaari
3. Prof. Axmed Cabbaas Axmed
4. Dr. Shukriya Cabdiraxman Diini
5. Prof. Maxamuud Macallin Ali (Tuuryare)
6. Avv. Caasha-kiin Faarax Ducaale
7. Cali Sheekh Maxamuud Gacal
8. Hanan A. Ibrahim
9. Avv. Cali Cabdalla Daafeed

Khubaradan waxaa lagu doortay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin qaanuunka, waxaana laga filayaa inay ka soo baxaan howlaha loo igmaday bilaha soo socda.
Halkan ka akhriso qoraalka oo PDF ah

 

Halkan ka akhriso isagoo PDF Engilish ah
Xukuumadda Federaalka KMG ah waxay ka codsaneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan inta ay khuseyso inay si dhammeystiran u taageeraan howshan sharafta badan.

DHAMMAAD

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.