Home » Warar »

Shiikh Shariif oo la Qorsheynayo in Mudo 5 Sano ah loogu daro Xilka Madaxweyninimada Soomaaliya .

Warar aanu ka helneyno qaar ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka islamarkaana Xiriir la la leh Wadamada Daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxay noo sheegeen in Qaramada Midoobey, Dowladaha Daneeya arrimaha Soomaliya, IGAD, Midowga Yurub iyo Mareykanka ay qorsheynayaan in Madaxweyne Sheekh Shariif oo xiligiisu ku eg yahay bisha Agoosto ee sanadka soo socda loogu darayo 5 sano oo hor leh.

Madaxweyne Shariif ayaa sababaha loogu darayo 5 sano ee soo socoto ay tahay kadib markii Dowladaha Daneeya arrimaha Soomaaliya ay sheegeen in ay dowladdiisu guul ka soo hoyday Dagaaladii ka socdey Magaaladda Muqdisho isla markaana ay wax badan ka qabatay dhanka amniga, hase yeeshee siyaasiinta Soomaaliyeed oo hami weyn uga jiro in ay qabtaan xilka Madaxweynimada Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Dowladda Sheekh Shariif aysan waxba soo kordhin mudadii saddexda sano ahayd ee ay dhisneyd waayo ayay yiraahdeen dowladda gacanta kuma wada hayso Magaaladda Muqdisho iyo Gobalada dalka, sidoo kale waxay sheegeen in dowladdu ku guuldareysay wax kla qabashada amniga iyo waliba gargaar gaarsiinta dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Sababaha Beesha Caalamka ay u daneynayaan in marka kale Madaxweyne loo Doorto Shiikh Shariif Shiikh Axmed loogana saarayo Dowladiisa Ku meel gaarka ayaa dadka Siyaasada Odorasa waxay sheegayaan in la doonayo in laga fushado Heshiisyo hore qabyo u noqdey oo ay ugu horeyso Arrimaha Badda iyo Dano Dhaqaale oo fara badan maadaama Dowlada Shiikh Sahriif ay hore ugu fashilantey Heshiskii Badda ee loogu yeerey Isfgarad oo dhexmarey Soomaaliya iyo Kenya taasoo ay Ganafka ku dhufteen Golaha Baarlamaanka .

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu doonayo in uu qabto xilka Madaxweynimada Soomaaliya taas oo laga yaaabo in ay caqabd ku keento xil kordhinta Sheekh Shariif, maadama khilaaf horey u dhex maray labadooda uu salka ku hayey arrimo la xiriira xilka Madaxweynimada, iyadoo labada Shariif ay haystaan dhaqaale ay olole ku sameysan karaa. Hadab la arki doonee halka uu ku dambeeyo Qarshahaas

Madaweyne Shariif ayaa inta aan la gaarin bisha Agoosto ee sanadka dambe wuxuu safaro ku aadan xil kordhintiisa ku soo mari doonaa qaar ka mid ah wadamada adduunka si uu uga dhaadhiciyo in Dowladda Federaalka ay wax badan ka qabatay arrimaha nabadgelyada isla markaana 5-ta sano ee soo socota ay dhameystiri doonto hawlaha qabyada u ah maadaama saddexdii sano ee ugu dambeeyey ay ku jirtay dagaalo aad u qaraaraa

Dhinaca kale Wararka ayaa intaas ku daraya in dhinacyadaasi sidoo kale ay doonayaa in Baarlamaanka Soomaaliya laga dhigo 180 xubnood halka uu haatan ka yahay 550 xildhibaan iyadoo la tixraacayo heshiiskii wadatashiga ee dhawaan lagu soo gebagabeeyey Magaalada Muqidsho, waxaana loo qaybsanayaa habka 4.5 iyadoo afarta beelood ee ugu waaweyn la siin doono min 40 xubnood halka beesha sanaad la siin doono 20 xubnood, sidaas ayayna ku noqon doonaa 180 xildhibaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.