Home » News »

Shirweynihii Sannadlaha ahaa ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo Dhawaan lagu soo Gabagabeeyey Magaalada Muqdisho

 

Waxaa dhawan Magaaladda Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Shirweynhii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubaada Cagta kasoo Sannadkiiba mar la qabto , waxaana ka soo qaybgaley Masuuliyiin ka tirsan Guddiga Olambikada Soomaaliyeed , Madaxda Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Madaxda Naadiyada , Goboladda , Ururada Ciyaartoyda , Tababarayaasha , Garsoorayaasha, Dhaqaatiirta, Saxaafadda Ciyaartoydii Hore iyo marti sharaf lagu Casuumey Shirweynahaas

Halkan ka daawo sawirada

Ugu horeyn waxaa halkaa warbixin dheer ka soo jeediyey Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubaada Cagta Cabdiqani Saciid Carab oo sheegey in mudadii Sannadka ahayd ee la soo dhaafey uu Xiriirka uu qabtey Howlo aad u muhiim ah waxaana ugu waaweynaa Qabashadii Horyaalki Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo Muddo Afarsanno ah hakad uu ku jirey , Tartanki Ciyaaraha Gobolada oo ay Martigelisey Magaaladda Garoowe , waxaaa kale oo uu sheegery Xoghayaha in la qabtey tababaro kala duwan oo loo qabtey Garsoorayaasha , Tababaryaasha kaasoo uu sheegey in uu ka dhacay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa , waxaa kaloo uu xusey in sanadkki tagey uu Xirrirka ka qaybgaley tartamo ka dhacay Dalka Dibadiisa

Xogahayaha waxaa kaloo uu sheegey in sanadkaan uu Xiriirka u qorsheysan in la qabto Horyaalkii Kubadda Cagata ee Kooxaha heerka Koowad , Labaad iyo Saddexdaad waxaa kaloo uu sheegey in Xoghayaha in sanadkaan l;a qaban doono tartankii Ciyaaraha Gobolada kaasoo uu sheegey in uu ka dhici doono Magaalada Muqdisho,sidoo kale wuxuu Carabka uu ku djftey in sanadkaan uu qaranka Soomaaliya ka qaybgeli doono Tartamo kala duwan oo ka dhici doono dalka dibadiisa isagoo sheegey in Isreebreebka Koobka adduunka ay Soomaaliya la ciyaari doonto Dalka Itoobiya waxaa kulankaas lugtiisa hore lagu ciyaari doonaa Soomaaliya hase yeeshee Xaaladda Nabadgelyo o aan saamaxeyn awadeed in lagu lagu qabto soomaaliya isagoo Xoghayuhu sheegery in Ciyaartaas ay ka dhici doonto Magaalada Nairoobi oo uu sheegey in ay u doorteen iyadoo magaaladaas ay ku sugan yihiin taageerayaal farabadan oo Soomaali ah.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur Mugambe oo isna ka Hadley gabagabadii Shirweynahaas ayaa sheegey in sanadkaan Xiriirka Soomaaliyeed loo furey Lacaghii ka Xayirnaa Xiriirka oo Sannadkii ah 250 Kun oo Doolar isagoo sheegey in lacagaas ay yihiin kuwa lagu horumarinayo Kubadda Cagta iyo ka qaybgalka tartamada Dibadda iyo Mashruuca dhalinyarada Yaryar , wxuuu kaloo uu sheegey in Lacagahaas loo soo kala diri doono Saddaxdii Biloodba mar iyadoo u sheegey halka ay ku baxdey Lacagahaas ay la socon doonaan Dad ka madaxbanaan Xiriirkka Soomaaliyed ee kubadda cagta

Xubnihii halkaa ka Hadley waa ka mid ahaa Gudoomiyaha Guddiga Oloambikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Xoghayaha Olambikada Cabdulaahi Axmed Tarabi , Xoghayihii Hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Yaasiin Abuukar Cariif Masuuliyiin ka tirsan Shirkaddaha Isgaarsiinta Hormud , Nationklink Iyo qaar ka mid ah Ciyaartodii hore oo dhaamaantood Xiriirka Kubadda Cagta ugu Hambalyey sida Geesinimada Leh ay u fuliyeen Howlahii loo xilsaarey iyadoo dalka ay ka jirto Xaalad Nabagelyo Xumo,waxaana gabagabadii Shirweynahaas waxaa lagu bxiyey Shahaadooynin kala duwan waxaana ka mid ahaa dadkii la siiyey Kabtankii ugu horeeyey ee Somaaliya Maxamed Aadan Khalaf Shogole, Yuusuf Gacal Gaabshe iyo Amiin Yuusuf Khasaaro iyo Xubno kale

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.