Home » Warar »

Ururka Dhalinyarada SYL ee Magaaladda San Diego ee Dalka Mareykanka Deeq lacageed Gaarsiiyey Haween Garoobo ah iyo Agoon

Iyadoo Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ee Magaaladda San Diego ee Cariga Mareykanka ay Howlo Baaadanimo ka wadaan Mgaalada Muqdisho gaar aaan Dadka ay Saameysey Dagaalada , Colaadaha iyo Cudurada ayaa Deeg lacageed waxaa ay gaarsiiyeen Haween Goroobo ah oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdiho iyo Caruur Agoon ah iyo Haween

Deeqdaan Lacageed oo ay iska soo ururiyeen Soomaali iyo Dad Ajnabi ah ayaa waxaa Qaybineeda lo soo xilsaarey Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada SYL ee Magaalada San Deigo CabdiMaalik Cali Bucul kaasoo mid mid Gacanta uga saarey Haweenkii Goroobada ahaa oo tiradooda gaareysey 30 haween ah oo midiiba la siiyey 50 Doolar

Markii ay dhamaatey Qaybinta Deeqdaas ayaa Cabdimaalik waxaa uu la Hadley Haweenkii Garoobada ahaa isagoo u sheegey in Deeqdaan ay soo dhiibeen dad isugu jira Soomaali iyo ajnabi kuwaasoo uu sheegey in ay ka damqadeen Dadka Soomaaliyeed ee ay ku habsadeen Dhibaatooyinka kala Duwan oo isugu jira Abaaro, Dagaalo aan dhamaadkaahayn iyo weliba Cuduro

Haweenklii Garoobada ahaa oo iyana halkaa ka Hadley ayaa u mahadceliyey Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u nool Magaalada San Deigo oo iyagu ahaa kuwii gacanta ka geystey ama soo ururiyey Deeqdaas lacageed waxayna ka codsadeen in ay sii wadaan gargaarka ay gaarsiinayaan dadka dhibaateysan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Waxaa sidoo kale Cabdimaalik uu deeqadaas lacageed uu gaarsiiyeye Caruur Agoon ah iyo Haween ay oo ku jirey Kaamka lagu magacaabo Galbadeye oo ku yaala Xaruntii Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed ee Gahayr qaybteeda Jiifka waxaana Sawirada aad ka arkeysaa Gudoomiyaha Dhalinyarada SYL ee San Diego oo Geed Qurac ah Lacago Deeq ah ugu qaybinayey Haween iyo Caruur agoonka kuwaa oo ay ka muuqatey Dhibaatooyinkii kala duwanaa oo ay so omareen

“Waa in aad u Duceysaan Walaalihiina Soomaaliyeed ee reer San Diego maadaama ay si aad ugu damqadeen dhibaatoooyinka aad ka dhaxasheen dagaalada Abaataha iyo Cudurada “ayuu yri Cabdimaalik oo halkaa kula kulmey Caruur ay qaarkood dhinteen labadoodii Waalid iyo kuwa qaba Cuduro kala Duwan oo aan dalka wax looga qaban Karin

Sidoo kale Cabdi maalik ayaa deeq taa la mid ah gaarsiiyey dad Cuuryaamiin ah iyo kuwa kala oo dhibaatooyinka kal duwan qaba isoo ugu baaqey in ay ku Samraan dhibaatooyinkaas isagoo sheegey mar ay ahaataba ay dadka Soomaaliyeed ka bixi doonaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.